(ERGO) – Axmed Shariif Maxamed wuxuu cabsi badan ka qabaa inuu ku soo dumo guri uu ka deggan yahay magaalada Burco, kaasi oo ka sameeysan dhoobo. Guryahaan oo la dhisay 85 sano ka hor ayaan wax dayactir ah helin muddo dhow.
Xilliyada roobka iyo marka ay dabeel jirto, qoysaska qaar ayaa isaga baxa oo qaraabadooda oo magaalada deggan la soo jooga. Balse, ninkan oo aan qaraabo u degganayn magaalada, sidoo kale na ah qof danyar ah oo aan awoodin inuu kireysto guri kale ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay cabsi ku baryaan habeenkii.
Axmed oo ah aabbaha lix carruur ah, wuxuu 25-kii bisha Maayo ku waayay walaalkiisa, mid ka mid ah labo guri oo soo dumay, markii uu roob dabayl watay oo sacado socday uu halkaa ka da’ay. Wuxuu sheegay in guryahan oo ah kuwa la dhisay xilligii gumeeystaha ay hoos u qodanyihiin oo xitaa ay halis ugu jiraan fatahaad inay ku soo rogmato.
“Halkan waxaa soo degay 2011-kii, duruuf ayaa i dejisay oo dadkii lahaa iyaga oo aan ii ogolaan ayaan iska degay. Ilaa iyo wakhtigaa waan soo degganayn, waanu aragnaa meeshu inay tahay meel aan la degganaan karin oo halisteeda leh,” ayuu yiri.
Guryahan dhoobada ah oo ku yaala xaafadda Labaqaw, ayaa guud ahaan tiradoodu tahay boqol iyo konton. Toddobaatan ka mid ah ayaa waxaa hadda ku jira qoysas danyar ah oo aan awoodin inay magaalada guri ka kireystaan. Dadka deggan guryahaan ma bixiyaan wax kiro ah oo si bilaash ah ayay ku degganyihiin.
Axmedshariif oo markiisa hore ka yimid Koonfurta Soomaaliya 1996-kii ayaa xusay in magaalada Burco uu la yimid walaalkiisa, halkaasi na ay reer ku yeesheen. Wuxuu tilmaamay inay ku shaqeeysanayeen xirfadda harqaan tolidda, taasi oo ay ka heli jireen lacag ay isaga bixiyaan guri kiro ah oo ay magaalada ka degganayeen.
Balse, markii ay guursadeen ayuu sheegay inay awoodi waayeen inay bixiyaan kirada. Arrintan ayaa keentay inay degaan guryahaan qadiimiga ah oo iska banaanaa. Shaqadii harqaan tolidda oo ay sii wadeen ayuu sheegay inay biilka maalinlaha, ay qoyska uga soo saari jireen. Albaabka gurigii uu walaalkiisa degganaa ee soo dumay ayuu xusay inay dharka ku hor toli jireen.
Axmed oo hadda magaalada ku waayay walaalkii uu weheshanaayay ayaa sheegay inuu san hadda wax shaqo ah haynin, maaddaama uu guriga ku dumay harqaankii. Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa oo horay u heli jiray saddexda waqti ay hadda ku adagtahay helidda raashin ay maalinkii hal waqti karsadaan.
“Marba meel ayaan u cararaa si aan masaariifta u soo dhiciyo. Asxaabtayda ayaan marba mid ku iraahdaa aan wax ku tosho dawaarkaaga. Shay iyo laba ayaan ku soo toshaa, ee camal toos ah ma haayo. Carruurta wax joogto ah oo ay cunaan ma helaan. Haddii ay daruuftu ii saamaxdo waan ka guuri lahaa [gurigaan], dantaa meesha nagu hayso oo meel aan uga baxno garan mayno,” ayuu yiri.
Axmed waxaa cabsida la qaba dadka kale ee la deggan guryahaan ee aan awoodin inay magaalada guri ka kireystaan. Qoysaska qaar ee guryahaan muddada soo degganaa ayaa ka guuray bishii la soo dhaafey, markii ay labada guri soo dumeen.
Layla Cali Maxamuud oo ah hoyada shan carruur ah waxay ka mid tahay qoysaska halkaasi isaga guuray. Waxay guryahan ku nooleed siddeed sano. Waxay xustay in carruurteeda dhammaan ay ku wada dhashay guryaha dhoobada ah. Waxay tilmaantay in dhowr jeer ay goob joog u ahayd guri soo dumay.
Balse, roobkii ugu dambeeyay ee da’ay bishii la soo dhaafey ayaa sababay in gurigeeda uu dhinac ka soo dumo, taasi na ay keentay inay isaga guurto. Waxay hadda dulsaar ku tahay gabar walaasheeda ah oo deggan xero barakac ah.
“Waxan ahay hooyo guri ay ku jirtay oo dhoobo ah uu ka dumay. Odayga shaqo ma haayo, adduun aan guri adag ku kiraysto maan hayn. Xilliga roobku soo da’o oo kale, markaan cabsi galo ee aan dhoobadan ka baqo, banaanka ayaan carruurta ula baxaayay oo roobka ayaa nagu da’i jiray,” ayay tiri.
Layla ayaa sheegtay in guryaha looga digay dhowr mar oo lagu yiri isaga baxa. Waxay sheegtay inay jecleed qudheedha inay meel kale uga guurto. Haasee ahaatee, seygeeda oo aan shaqo haynin iyo iyada oo iska danyar ah ay ku riixday inay cabsi ugu sii nagaato guriga dhoobada ah.
Waxay walaac ka muujisay nolosha dulsaarka ah ee ay hadda ku jirto. Qoyska ay dulsaarka ku tahay ayay tilmaantay inay yihiin kuwa aan iyadaba wax dhaamin. Waxay sheegtay inaysan garanayn meel kale oo ay hadda degto.
Maxamed Cabdi Xasan oo ah injineer ku nool magaalada Burco ayaa sheegay in guryaha dhoobada ah oo dhismahooda qarniga ku dhow yahay ay halistooda leeyihiin. Wuxuu xusay in dhismaha oo duqoobay awgeed aysan u adkeeysan karin dabaysha. Wuxuu dadka ku nool guryaha ugu baaqay inay taxadar sameeyaan xilliyada ay dabaysha jirto.