Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Helidda cunnada oo ku adkaatay kumannaan qoys oo ku nool xeryaha markii uu kordhay qiimaha raashinka

Radio Ergo by Radio Ergo
May 12, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Hard times in Dadaab for Somali refugees as rains affect supply routes

Cumar Maxamed Abuukar oo fadhiya meheradiisa oo madhan sicir bararka ka dhashay jid xidhanka dartiis/Bashiir Gahnuug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya ayaa wajahaya sicir barar ka dhashay waddooyinka soo gala gobolka oo daadad ay gooyeen. Roob tan iyo 20 Maarso ka da’ayay xeryaha iyo deegaannada u dhow ayaa biyo dhigay jidadka, taas oo adkaysay isku socodka gaadiid.

Caasho Xuseen Cabdi waxay ka mid tahay dadka uu saameeyay sicir bararka raashinka iyo khudaarta oo sii badanaya. Haweeneydan ayaa carruurteeda oo agoon toban ah u awoodi la’ inay u hesho cunno ku filan oo ay siiso.

Nolosha qoyskeeda ayaa ku tiirsan shamuuray xeryaha laga bixiyo oo bishii ay ka hesho 25 kg iyo raashin ay ku gadato dhaqaale yar oo ka soo gala shaqo dhar dhaqis ah. Waxay ka welwelsan tahay jidadka go’an iyo saamaynta ay ku reebeen.

“Wax soo galayana ma jirto, raashinkii wuu qaaliyoobay, bariis kii sonkortii iyo burkii wixii dhanaa cirkay galeen, waxaan sameeyo ma garanayo raashin aan ilmaha dabka ugu shubtana ma haysto, nolashayda six un ayay ku jirtaa, xalay ilmaha dab uma shidin saaka dab uma shidin wax kale oon hada u hayana majirto,” ayay tiri.

Caasho waxay dhexda u gashay labo saamayn. Qiimo kororka maciishadda oo ku noqday nabar iyo inay ku adkaatay in ay xoogsi tagto roobabka da’ayay oo aan kala joogsi laheyn dartood.

Waxaa meesha ka baxay kaalinteedii kabidda qoyska. Lacagta soo gasha oo ugu badnaan labo doollar maalinkii ah uma goyso cunno ay xitaa hal waqti karsadaan.

Raashinka ay qaataan waa shamuurey iyo saliid aan ku filnayn baahidooda cunno. Gargaarkaas qayb dib ayay u iibsadaan si ay koosaar uga dhigtaan.

Waxay tilmaamay inay dukaamadii ay wax ka qaadan jirtay ay noqdeen kuwo badeeco la’aan u xirmay iyo kuwo waxa yar ee ay hayaan gadaya qiimo sare isla markaanna aan ogolayn inay dayn bixiyaan.

Waxay isku daydaa inay u dan sheegato balse kama maqasho erayo dejiya laabteeda.

“waxaan kala kulmaa raashin ma yaalo ee isbuuca danbe imaada waana iska soo baxaynaa, hadana waan tagaynaa isbuuca kale imaw, khudaar ma soo galayso kabsar caleen shalay waa la soo waayay 5 shiling sidii loo soo wareegayay waa la soo waayay, baradho yaanyo wax kastabo wixii oo dhan jidkii ayaa ka xidhane maxaa la helaa,” ayay tiri.

Haweenaydan ayaa maalmaha uusan roob weyn jirin ku dhex wareegta xaafadaha xerada Xagardheer si ay u hesho shaqo nadaafad ah. Waxay soo guryo noqotaa maalmaha qaar iyadoo fara maran.

Caasho oo ah 54 jir la nool cudurrada macaanka iyo dhiig karka, waxay hanweyn tahay inay hesho nasiino balse duruufaha ku hareeraysan qoyskeeda uma saamaxayaan inay barkin dheeraysato. Waxaa u dheer caqabadaha ay kala kulanto dadka ay u shaqeyso.

“Culays wayn ayaan dareemayaa ilmahayga iyo aniguba, sababtoo ah qof masaakiin eh oo agoomana haysato subixiina dhar u foofaysa oo rooraysa markii lagu yidhaah dharka ii dhaq waxaa lagu leeyahay kuleetigaani ma dhaqno shaatigaan inta kama dhaqno finanadaan cad maxaad saan ugu dhaqday albaabka ka bax hadii kale ku celi. Waxay dantu igu kalifi in aan dharkii soo dadajiyo, hadana aan ku celiyo si aan lacagtii iyo ilamahayga nolashooda ku heli lahaa,” ayay tiri.

Haweeneydan iyo qoyskeeda ayaa xeryaha Dhadhaab yimid bishii Febraayo ee 2012. Waxay ka soo qaxeen magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe. Ninkeedu wuxuu ku geeriyooday gudaha xeryaha Dhadhaab sanadkii 2021.

Keliya ma ahan Caasho iyo qoyskeeda dadka uu saameeyay sare-u-kaca ku yimid maciishadda. Dad haysta shaqooyin ka dhaqaale fiican tan ay qabato ayaa cunno-yarida la qaba.

Faaduma Sidawa Yuusuf waa umuliso ka howlgasha hay’adda IRC oo ka shaqaysa arimaha caafimaadka. Waxay bille u heshaa 70 doollar balse mushaarkeeda ayaa hadda ku filnaan la’.

Lacagtan ayaa nolosha qoyskeeda oo ka kooban 17 qof u aheyd kab fiican, hase yeeshee sicir barar ka dhashay jid xiranka ayaa saameeyay hab nololeedkooda.

“Nolashu aad ayay u cakiran tahay ilaahay unbaa xal keeni kara, markii hore labo jeer lee shidan jiray laakiin hada labadii waa lagabay hal wakhti ayaa dabka la shidaa bariiskaas ayaa lagu shubaa, bariis xoogaa fidro dad noogu keeneen ayaan koosaar uga raadiyaa sababtoo ah subaxii shaahii loo Karin jiray ciyaalkii oo baahan waa laga joojiyay sababtoo ah ma is keenayso, shaaha meeshii nuskiilo laga karin jiray rubuc ayaa la kariyaa sababtoo ah lacagtii ayaa dhabal ah marka dhibaatadaas ayaa jirta,” ayay tiri.

Qoyskeedu waxay bille u helaan 32 kg oo shamuurey ah iyo 7 litir oo saliid ah oo ay karsadaan iyo 49 doollar oo ay ku qaataan balse hadda kaalmadan ayaa daloobi la’ labo xilli cunnadooda.

Saamaynta ka dhalatay qiimo kororka raashinka, saliidda, khudaarta iyo wixii la mid ah ayaa gaartay guryo badan.

Cumar Maxamed Abuukar wuxuu biil u la’yahay qoyskiisa oo siddeed qof ah. Ninkan ayaa sheegay inay ka xiran tay goob uu ku iibin jiray barafka iyo cabbitaanada, taas oo ay ku tiirsanayd nolosha qoyskiisa.

Xirmidda xaruntiisa waxaa sababay inuu awoodi waayay sicir barar dartiis inuu soo gato cabbitaanadii laga gadan jiray. Sidoo kale wuxuu waayay macaamiil u yimaada. Qoyskiisa ayaa hubanti la;aan cunno wajahaya.

“Aniga waxay ii saaamaysay meel yar oo mac macaan ah ayaan leeyahay, mac macaankii waxii aan ka helayay koronto malahan qudaara malahan doolarkii korbuu aaday qaasatan ani wax doolar iisoo dira malahan wixii aan halkan ka helo unban cidayda ku maarayn jiray, markaa sidaas darted guud ahaan iyo gaar ahaanba way na saamaysay ayuu yiri.”

Inkastoo nolosha qoxootinimo tahay mid mar walba culays iyo caqabado ku xeeran yihiin, haddana ka hor inta aysan jidadku xirmin noloshu waxay ahayd mid sidan dhaanta sida uu sheegay Cumar.

“Awal intuusan roobku di’ in maceeshadu dhexdhexaad ayay ahayd, wax walba oon magaalada ka doonano waan heli jiray meheradayduna way shaqaynaysay, Alxamdu lilaah waxaan helo markaan suuqa la aadno wax ayaan ka heli jiray laakiin roobku markuu da’ay wadooyinkii way go’een meela wax kama soo galo sidaas darteed isbadalkaa wayn ayuu nagu keenay roobku,” ayuu yiri.

Qoyskan oo horey saddexda waqti cunno u heli jiray ayaa hadda hal xilli dabkooda ku shita raashin 20 madaal ah oo ay ku gateen lacag uu u soo diray nin ay qaraabo yihiin oo dibadda ku maqan.

Xeryaha Dhadhaab waxaa halbawle ganacsi u ah waddooyinka ka kala yimaada Gaarisa iyo Kismaayo mana jiraan wax gaadiid ganacsi ah oo ka soo galay labadaas magaalo muddo saddex toddobaad ah oo ay roobabku ka da’ayeen xeryaha Dhadhaab.

Cabdikifaax Shukri Cali oo ka mid ah ganacsatada xerada Xagardheer ayaa sheegay jidadka xiran iyo sarifka doollarka oo uu qiimihiisu sareeyo ay sicir bararka jeeneen. Wuxuu intaas ku daray in arintani ay ganacsatada saamaysay.

“Dadkii way rafaadsan yihiin masaakiin ayayna u badan yihiin, dadku galay ayay shiidanayaan xoogoodu, raashinkii iyo ma ceeshadii way gadan la yihiin, wadooyinku way xidhan yihiin, dad badan oo intaas oo malyan ah ayaa wadankan dagan, qudaartii iyo raashinkii waxii oo dhan way go’an yihiin wadad unbayna soo mara hayeen, marka waxaan codsanaynaa caqabadaas taagan in dawlada Kenya ee sharafta leh si deg deg ah wax noogu qabato,” ayuu yiri.”

Raashinka gargaarka ah ee la siiyo dadka deggan xeryaha Dhadhaab ayaan ku filnayn baahida guud, taas ayaa keentay in saamaynta sicir bararka ay gaarto qoysas badan oo shaqooyin yaryar oo ay qabtaan ka heli jiray kab dhaqaale oo ay ku gataan hadba baahiyahooda.

Previous Post

Galgaduud: Carruur waxbarashada ka haray si ay ugu shaqeeyaan qoysaskooda oo ay nolol xumo ku haysato xero lagu barakacay

Next Post

Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo