Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Carruur waxbarashada ka haray si ay ugu shaqeeyaan qoysaskooda oo ay nolol xumo ku haysato xero lagu barakacay

Ahmed Mohamed by Ahmed Mohamed
May 10, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Galgaduud: Carruur waxbarashada ka haray si ay ugu shaqeeyaan qoysaskooda oo ay nolol xumo ku haysato xero lagu barakacay

Jamiilo Ishkoow oo dhabta ku haysa labo ka mid ah Carruurteeda Cabdisalaan Xasan/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol labaatan iyo saddex carruur ah oo si bilaash ah ku dhiganayay iskuulka Maandeeq oo ku yaalla xerada Badbaado ee magaalada Cadaado ayaa waxbarashada ka haray, markii waalidiintooda ay magaalada u direen, si ay ugu soo shaqeeyaan daruufo dhaqaale xumo oo ay wajahayaan darteed.

Jamiilo Ishkoow Cumar waa hoyada toddobo carruur ah. Afar ka mid ah ayaa gaaray xilliga waxbarashada, balse midkoodna ma aado iskuul.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in wiilka carruurteeda u weyn oo 13 sano jir ah ay sanadkii 2020 gaysay iskuul ku yaalla xerada, balse ay ka saartay bishii Janaayo ee sanadkan isaga oo dhiganayay fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe, markii sida ay xustay looga maarmi waayay in uu qayb ka qaato maareynta nolosha qoyska.

Dhaqista baabuurta oo uu maalintii ka helo $2-$3 ayuu ku caawiyaa qoyskiisa. Wuxuu suuqyada magaalada wareegaa maalinta dhan inta faciis ay daruusta dhaganayaan.

“Dad masaakiin ah ayaan nahay oo barakac ah aabbana ma noo shaqeeyo, sidaas darteed ayaan dhahaa wax cunno laga dhigto soo raadi. Arrintaas waa idhibaysaa oo ilmahii faciisa ahaa wax ayay baranayaan, laakiin dhibkaas ayaa na haysta.”

Haweenaydan ayaa nolosha carruurteeda oo agoon ah ka maarayn jirtay dhar-dhaqis iyo qashin-qaadis ay xarun ganacsi oo magaalada ku taalla ay u qaban jirtay, balse hadda ay kari waysay, markii ay naafaysay abeeso ka qaniintay gacanta midig 21 bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay iyada oo habeen jiifta gurigeeda cooshadda ah.

Jamiilo oo aan helin wax daryeel ah ayaa gacanta ka naafoowday labo bil oo ay guriga taallay. Waxay sheegtay in aysan tagin xarun caafimaad dhaqaallo la’aan awgeed.

Wuxuu soo helo wiilka ayay ku wareejisaa tukaan xerada ku yaalla oo ay macaamiil la tahay, kaasi oo ay ka soo qaadato raashin ay hal mar oo ah habeenkii ay carruurta dabka u saarato. Waa halka il oo dhaqale ka soo galo qoyska inkastoo uusan baahida dabooli karin sida ay sheegayso.

“Mar kiilo bariis ah soo gad iyo waxii khudaar ah oo ay goyso. Mar labo dollar mar saddex dollar marba waxaan soo helno ayaan dabka saaranaa. Wax nolol noogu filan maahan, laakiin nafta ayaan iskaga celinaa.”

Qoyska Jamiilo waxay ka soo barakaceen deegaanka Qalaafe ee dowlad deegaanka Soomalida, halkaas oo ay abaar uga leysay 150 neef oo ari ah 2017. Muddo shan sano ah oo ay qoyskan xeradan ku sugnaayeen waxay sheegtay in ay iyadu u halgamaysay korinta carruurteeda, balse sanadkan ay gabtay kaalinteedii, naafo nimada soo gaartay darteed.

Jamiilo oo kaliya maahan waalidiinta carruurtooda magaalada u dira ee waxaa ka mid ah Xamdi Xuseen Ciise oo iyaduna uu u shaqo tago wiil 11 jir ah. Xamdi oo kaligeed korisa lix carruur ah oo lagu furay ayaa wiilka iskuulka ka saartay bishii Janaayo ee sanadkan, markii uu u gadmi wayay sanbuus ay wareejin jirtay xerada.

Suuq xumo ayaa ku dhacday shaqadeeda sanbuus gadidda oo ay soo wadday muddo sanad iyo bar ah. Waxay ka heli jirtay lacag u dhaxaysa $5-6.

Waxaa intaas u dheer in labo gabdhood oo wiilka ka yar ay iskuulka tagi waayeen, markii ay awoodi waysay dharka, buugaagta iyo qalimaanta ay wax ku baran lahaayeen. Arrintaasi waxa ay muruggo ku abuurtay Xamdi.

“Walwal ayay igu haysaa arrintaan. Habeen maba hurdo waxaan isdhahaa wiilkii wax ma barto oo booskii aabbe ayuu galay aniga waxaan rabi lahaa in uu wax ii barto naftiina waa nahaysaa waxbarashadiina waa rabnaa cunnadiina waan rabnaa. Labadaba haddii nalaka caawin lahaa carruurta iskuulka waan u dayni lahaa.”

Qoyska Xamdi ayaa xerada soo deggay bishii koobaad ee sanadkii hore, markii uu ka dhamaaday ari 70 neef ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Galinsoor ee Gabolka Galgaduud. Tan iyo markaas waxa ay xustay in xaaladooda nololeed ay ka sii daraysay walow ay markan ugu liidato.

Wiilkeeda oo waxbarashada uga haray fasalka lixaad ee dugsiga dhexe waxay rajaynaysaa in marka uu gaaro da’da 15 jir in ay ka joojiso shaqadan caseeyeyaha dibna uu u billaabo waxbarashadiisa haddii ay qoyskooda ay helaan kaalmo ama ay gaaraan heer isku filnaansho ah.

Maxamed Xaaji Biir oo ah maamullaha iskuulka Maandeeq ee xerada Badbaado ayaa sheegay in labadii sano ee u danbaysay ay soo badanayeen ardayda iskuulka uga haraya shaqada ay qabtaan. Waxa uu sheegay in tan iyo bishii koobaad ee sanadkan ay iskuulka ka hareen 123 arday halka ay dhigtaan 158, taasi oo muujinaysa in ku dhowaad bar ardaydii iskuulka ay iskaga tageen.

Waxa uu sheegay in mar walba ay dadaal ku bixiyaan sidii waalidiinta ay ugu dhira galin lahaayeen sidii ay carruurta iskuulka ku keeni ahaayeen, balse aan waxba isbeddelin. Waxa uu rajo xumo ka muujinayaa in ay xitaa dib u soo laaban doonaan, maaddama ay barteen in ay shaqaystaan.

Previous Post

Muqdisho: Waalidiinta gabdho maqalka naafo ka ah oo iskuulkii ay dhiganayeen uu dhaqaale la’aan u xirmay oo ka walwalsan mustaqbalka carruurtooda

Next Post

Dhadhaab: Helidda cunnada oo ku adkaatay kumannaan qoys oo ku nool xeryaha markii uu kordhay qiimaha raashinka

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Hard times in Dadaab for Somali refugees as rains affect supply routes

Dhadhaab: Helidda cunnada oo ku adkaatay kumannaan qoys oo ku nool xeryaha markii uu kordhay qiimaha raashinka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo