(ERGO) – Waa xilli ay ardayda dhigata iskuulka la isku baro farsamada korontada ee Muqdisho Electricity ay nasiino u soo baxeen, macallimiintoodana ay xafiiska isugu yimaadeen si ay u sheekeystaan, balse Liibaan Xirsi Jaamac oo ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga iskuulkan waxaa ka muuqata tiiraanyo.
Labo ka mid ah gabdhihiisa oo maqalka naafo ka ah ayaa waxbarashadooda ka joogsatay bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey, markii uu iskuulkii ay wax ka baranayeen uu dhaqaale la’aan awgeed u xirmay.
Hay’adda CARE oo ka caawinaysay dhaqaalaha waxbarashada ardaydan muddo sagaal sano ah ayaa ku wargelisay iskuulka inaysan sii wadi karin taageeradii ay u fidinaysay, maaddaama uu ka dhamaadey mashruucii.
Arrintan waxay saameeyn ku yeelatey boqol sagaashan iyo shan gabdhood oo maqalka naafo ka ah, oo isugu jirey agoon, danyar iyo barakac, kuwaasi oo ku tiirsanaa waxbarashada bilaashka ah ee ay ka helayeen iskuulkan.
“Hadda ilmihii iyagoo awal ba naafo ahaa in cuqdaad kale gasho oo uu is dhaho cidna wax kuma barayso waa dhib kale. Ilmahan waa [naafo], culeys kale ma qaadi karo; fahankooda wuu sareeya niyad bay leeyihiin annagana waxba uma awoodno.”
Gabdhihiisa ayuu sheegay in gaari uu iskuulka leeyahay, si bilaash ah uga qaadi jiray guriga, kuna soo celin jiray tan iyo sanadkii 2016-kii, xilligaas oo ay waxbarashada ku biireen.
Wuxuu xusay intii ay waxbarashada u socotay in fahankooda uu soo kabtay, carruurta iyaga la midka ah ee ay ku dhex jireen awgeed, balse hadda oo ay middaasi meesha ka baxday, wuxuu dareemayaa in gabdhihiisa ay farxadii badnayd aysan ka muuqan.
Liibaan oo ah aabbaha 12 carruur ah ayaa tilmaamay inuu aad uga walaaco dareenka labadiisa gabdhood, marka ay carruurtiisa kale ay iskuulka aadayaan. Wuxuu sheegay in iskuulada dadka qaba baahiyaha gaarka ah ee ku yaala Muqdisho midka ugu yar, ardayda ay ku dhigtaan $75 bishii. Lacagtan ayuu xusay inuu san isaga awoodin bixinteeda, haddii uu geyni lahaa.
“Hadda haddii ay dhexdeena ka baxday hay’addii na kalmeynaysay waa culeys weyn. Waad dareemi karta, nin iska jeeb yar, xamalatooy ah caruur badan ka dambeeyso xaaladdiisa. Waalid baan nahay, gabdhahan waa wajiib inaan wax barno.”
Iskuulada wax lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qabo ayaa ah kuwa aad u kooban helidooda guud ahaan dalka. Waalidiinta qaar ayaa dantu ku qasabtaa in carruurtooda ay u geeyaan dadka qaraabada la ah ee ku nool magaalooyinka laga heli karo iskuulada dadka baahiyaha gaarka ah qabo.
Xamda Sahal waxay mas’uul ka tahay gabar maqalka naafo ka ah oo uu abtigeeda dhalay, taasi oo laga keenay deegaanka Gidheeys ee gobolka Galguduud sanadkii 2017-kii. Waalidkeeda ayaa Muqdisho u keenay, si ay u hesho daryeel caafimaad.
Dhowr isbitaal oo ay geeyeen kaddib, waxay go’aansadeen inay uga tagaan Xamda, si ay uga faa’ideeysato waxbarashada bilaashka ah ee Iskuulka ardayda maqalka naafada ka ah ee Degmada Howl-wadaag.
Xamda ayaa sheegtay in muddadii ay gabadhani wax ka baraneeysay iskuulka uu wanagsanadey fahankeeda bulsho, si weyna ay u daneynaysay sii waditaanka geedigeeda waxbarasho. Bilahaan dambe ee uu iskuulka xirmay ayay xustay inay bulshada ka dhex baxday.
“Gabadhan yar iskuulka ay ii dhiganaysay in mudo ah wuu naga xiran yahay. Awal waxay ahayd qof aan ka dareemayo niyad jab oo aan caruurta la ciyaari karin xanuunkeeda inay ku sheegato ama aad fahanto aad ayay u adkayd. Lakiin hadda wax kasta oo ay ubahan tahay waxay kugu fahansiinaysa qoraal ama sawir. Wax badan bay fahan san tahay, balse hada waxbarasho ma haysato, lacag aan uga bixinno na ma haysanno oo awoodeeda ma lihiin.”
Xamda ayaa tilmaantay inay qabaan rajo ah in gabadhani ay heli doonto waxbarasho u dhiganta mida hada ka xirantay.
Ardayda wax ka baranaysay iskuulka xirmay ee dadka maqalka la’ ayaa lix maalin oo ka mid ah toddobaadkii la barayay maadooyinka lagu qaato fasalada hoose, dhexe iyo sare ee manhajka dalka. Waxay iskuulka si xiriir ah wax uga baran jireen 12 saac maalinkii.
Cabdirisaaq Xasan Buule waa maamulaha iskuulka ardayda maqalka naafada ka ah ee xirmay. Wuxuu sheegay in iskuulka uu markii hore ahaa meel ay arday aan badnayn ay wax ku baran jireen. Hay’adda markii ay timid sanadkii 2015-kii ayuu xusay inay qaateen tiro badan oo gabdho ah, kuwaasi oo intii uu iskuulka furnaa heerar fiican ka gaaray waxbarashada.
“Gabdhahaan markii ay hay’addu timid ayaa la qorey oo duurka laga soo bixiyey, markii ay waxbarashadii istaagtayna walidiintii waxay dhaheen ma awoodno inaan lacag bixinno. Waad ka war haysa iskama imaan karaan ardaydan, waa in la doono oo la geeyo, cid kale annaga nama tageerto -dowladda iyo hay’ad kale midna, marka annaga ma qaadi karno culeyska dhaqalaha ardaydan,” ayuu yiri.
Maamulaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in lagu leeyahay $1500 oo deyn ah. Lacagtan ayuu xusay inay ku baxday biyaha, korontada, iyo adeegyada kale ay goobtan ardayda ka heli jireen.










