Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Shabeellaha dhexe: Beeraley ka rajo dhigay tacbashada oo u weecday shaqooyin xoogsi ah si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
May 8, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mukhtaar Yuusuf Cali oo beer 12 hiktar ah ku leh tuulada Maandheer ayaa dantu bidday in uu lugeeyo maalin walba masaafo dhan 20 km oo u dhaxeysa deegaankiisa iyo magaalada Jowhar si uu u suuq geeyo qoryo uu ka soo guro duurka.

Shaqadan oo maalinle ah ayuu ka helaa lacag u dhaxeysa $2 ilaa $3. Wuxuu billaabay bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxay ku dhalatay, markii carruurtiisa oo 6 ah iyo hooyadood ay wajaheen cunno xumo ka dhalatay fatahaad baabi’isay beertiisa bishii Nofeembar ee sanadkii hore.

Mukhtaar ayaa sheegay in mararka qaar uu wax lacag ah ku waayo qoryaha, taasi oo ku kalifta in uu goobaha ganacsiga uga baddesho kiilooyin raashin ah.

“Suuqa markii aad ka soo noqonno oo qoryaha ay soo gadmaan ayaa kistoo baladka 10 kiilo oo bariis ah iyo walax kale oo sitimaanka aan isku sii celcelino aan ka soo gadanaa. Haddii kale raashin baan ku baddelanaa. Sidii la rabo Ilaah baa laga helaaye si aysan dhibaatadu u sii badanin naftaa lagu sasabaa.”

Xoogga uu adeegsado quryaha uu geeyo Jowhar ayaa ah gaari-dameer uu ku qaadi jiray balka iyo dalagga u soo go’i jiray xilligii uu tabcan jiray beertiisa. Wuxuu sheegay in la’aanta dameerka ay ku adkaan lahayd qabashada howshan.

Tan iyo markii uu ku dhiiraday shaqadan carruurtiisa ayaa ka soo kabanayay xaalad cunno xumo oo gaartay in ay qadaan mararka qaar wax ka badan 24 saac. Hadda wuxuu fursad u helay Mukhtaar in uu quudiyo hal waqti maalintii.

Billowgii shaqadiisa waxaa ku adkaatay suuq u helidda qoryaha inkastoo hadda taasi ay meesha ka sii baxayso, maaddama uu helay macaamiil lacag ama raashin ka siista.

“Gaariga markii la keeno foornaaley ayaa kaa gadisanaysa ama waxaa kaa gadisanaya ganacsato macaash ka sii raadinaya. Hadba sidii aad wax uga hesho nasiibkaaga weeye. Camal kale oo la qabto waa la waayay marka in aan duurkaas iska aado oo qoryo iska soo gurto go’aankaas baan gaaray, taas.”

Mukhtaar wuxuu gocanayaa beertiisa oo uu jeclaan lahaa in uu dib u tacbado. Wuxuu aaminsan yahay in shaqada qoryo guridda oo dantu ku qasabtay in ay ka howl iyo dhib badan tahay beer falashada.

Dhaqaale burbur ka soo gaaray fatahaad ku dhuftay deegaankiisa billowgii bishii Nofeembar ee sanadkii hore ayaa ka dhigay mid ka quustay wax beerashada. Dalag iskugu jiray sisin, galley iyo digir u beernaa ayay ka qaadday fatahaaddu.

Wuxuu sheegay in raashinka u baxayay uu ku dhawaa goosasho isla markaana filasho wanaagsan uu ka qabay in uu faa’iido badan ka helo, balse wuxuu ku waayay lacagtii uu ku maal galiyay oo dhamayd $850.

Waxaa ka soo wareegtay ku dhawaad shan bil qasaaraha soo gaaray beertiisa rajo badanna kama qabo in uu dib u fasho.

“Hadda xilli roobaad baa billowday. Awood looma haayo beerta. Abuur loo malahaayo. Shaqaale looma haayo fatahaadana way soo noqnoqonayaan. Waxaa ka baxay geed-yuhuud. Geed-yuhuudka baa yaab leh waa laga goynaa wuu soo baxayaa. Markii danbe farahaa laga qaadday. Dhaqaale aan beerta ku tacbanno Ilaahey ha inoo sahlo.”

Mukhtaar wuxuu ka mid yahay 1,200 oo beeraley ah oo ku nool tuulooyinka Maandheer, Daysame iyo Bacaadley, kuwaas oo dhaqaale xumo awgeed uga haray beero falashada sida uu sheegay Xuseen Maxamed Jeeylaani oo guddoomiye u ah iskaashatada beeraleyda deegaannadan.

Wuxuu tilmaamay in ay ka soo kaban la’yihiin khasaare xoog leh oo gaaray beerihii isha dhaqaale u ahaa.

“Beeraha go’ay tiradooda aad iyo aad bay u badan tahay. 16,500 hiktar way gaarayaan inta baaba’day ee eberka noqday. Maxaa la tabcaa beerihii qaarna biyaa ku jira qaarkii kalana fatahaaddii hore ayaa saameyn ku yeelatay oo geeddo iyo cows baa ka baxay.”

Wuxuu sheegay in boqollaal beeraley ah ay xirfad baddesheen bilihii u danbeeyay si ay u u badbaadiyaan noloshooda iyo tan qoysaskooda.

Wuxuu ka walaacsan yahay in ay dib ugu laaban waayaan beer tabcashada, taasi sababi karta in ay meesha ka baxdo ku tiirsanaantii dhinaca beeraha.

Yaasiin Maxamed Axmed oo beer afar hiktar ah ku leh tuulada Daysame wuxuu il-dhaqaale ka dhex arkay webiga uu ku waraabsan jiray beertiisa oo biyo keenay labadii bishii Maarso.

Wuxuu kaga dhex shaqaystaa Doon uu leeyahay nin ay ehello yihiin. Toddobaadkii labo jeer ayuu dadka iyo agabka ay wataan ku qaadaa isagoo u kala safra deegaankiisa iyo magaalada Jowhar.

Wuxuu ka cabanayaa in uusan dhaqaale fiican ka helin shaqadan inkastoo uu ka doorbiday in uu guri joog noqdo.

“Kaligay Doon ma wado intaas oo doon ayaa meesha ka shaqaysa. Nasiib weeye mar waa iska soo faaruq garaacaysaa marna saddex qof baad soo helaysaa. Markaad inta timaaddo (Jowhar) waxaa macquul ah in aad 7 qof ama 8 qof aad hesho.”

Halkii qof iyo alaabta uu wato ayuu ku qaadaa $2. Wuxuu sheegay in mararka qaar oo uu helo rakaab badan halkii safar ay soo gasho lacag dhan $20. Qayb ka mid ah lacagtan wuxuu ku bixiyaa shidaalka Doonta, halka inta kale uu raashin ugu iibiyo qoyskiisa.

Yaasiin oo 45 jir ah ayaa wadidda Doonta bartay 15 sano ka hor. Aqoonta uu u leeyahay xirfaddan waxay ku dhalisay in uu u weecdo, markii ay ku adkaatay tacbashada beertiisa.

Fatahaadda webiga ayaa ka baa’isay dalag u badnaa galley, masago iyo digir bishii Nofeembar ee sanadkii tagay. Wuxuu galiyay $600. Lacagtan ayuu dhamaanteed ku helay qaab dayn ah.

“Ilaa iyo hadda lacagtii aan daynta ku soo qaatay waa laygu leeyahay, maaddama webiga mar labaad uu biyo keenay beertii awood uma haayo aan ku tabcado.”

Waxaa jira beeraley kale oo ay iskugu darsameen tacab iyo shaqo la’aan isla markaana aan weli helin taageero hay’ad iyo mid dowlad. Qoysaskooda ayaa la daalaa dhacay nolol xumo.

Qaarkood ayaa dulsaar ku noqday dad ay ehello yihiin oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolo dhaqashada iyo shaqooyinka xoogsiga ah.

 

Previous Post

Puntland: Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

Next Post

Muqdisho: Waalidiinta gabdho maqalka naafo ka ah oo iskuulkii ay dhiganayeen uu dhaqaale la’aan u xirmay oo ka walwalsan mustaqbalka carruurtooda

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Muqdisho: Waalidiinta gabdho maqalka naafo ka ah oo iskuulkii ay dhiganayeen uu dhaqaale la’aan u xirmay oo ka walwalsan mustaqbalka carruurtooda

Muqdisho: Waalidiinta gabdho maqalka naafo ka ah oo iskuulkii ay dhiganayeen uu dhaqaale la’aan u xirmay oo ka walwalsan mustaqbalka carruurtooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo