Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

Radio Ergo by Radio Ergo
May 3, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
High school in Somalia

Arday fasalka waxbarashada jooga/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal macallimiin ah oo ku shaqo waayay colaadda Laascaanood ayaa deegaannadii ay u barakaceen ku wajahaya hubanti la’aan cunno iyaga iyo qoysaskooda. Qaarkood waxay dul-saar ku yihiin qoysas kale.

Aadan Maxamuud Olol isaga iyo qoyskiisa waxay xaalad adag ku kala wajahayaan labo deegaan oo ay u kala barakaceen. Aadan tan iyo bishii Abriil wuxuu shaqo ka raadinayaa Garowe halka qoyskiisu ay ku dhibaataysan yihiin xero ku taallla deegaan Boocame ee gobolka Sool.

Waxay ku tiirsan yihiin caawimaad aan joogto aheyn oo ay ka helaan dad ay ehello yihiin yihiin, maaddama uusan isagu wax shaqo ah heyn.

“Waxaan oran karaa waxay ku sugan yihiin (qoyska) duruufaha ugu daran ee bani’aadanimo, maaddama aysan helin hoy iyo cid taakulaysa oo caalamka ah. Runtii waad garan kartaa qoys qaxay oo deegaankiisii ka qaxay.”

Aadan wuxuu maamule iyo macalin ka ahaa muddo 8 sano ah dugsiga Alwaxyeyn oo ku yaala magaalada Laascaanood, balse colaadda ayaa u horseeday inuu waayo shaqadiisii u aheyd isha dhaqaale. Wuxuu isku dayay in xirfaddiisa macallinmo in uu shaqo ku helo, balse weli uma suurta galin.

“Codsiyo waan gudbinay oo qofku waa ku khasbanyahay in uu wax uun isku day ah sameeyo, hase ahaatee, wali hadafkaasi iima rumoobin. Wax shaqo ah oo toosna ma helin.”

Aadan ayaa sheegay in barayaashii ka soo cararay Laascaanood ay la daalaadhacayaan duruuf adag oo dhinaca nolosha ah. Wuxuu xusay in macallin walba deegaankii uu tagay ay ku haysato dhibaato nololeed.

“Macallinmiinta waxay ka mid yihiin bulshada jilicsan. Waxay dareemayaan rafaad, nolol xumada leh ee qaxa leh. Hadda Garowe oo kale boqollay aad u badan ayaa u soo barakacday. Inta hadda shaqo  heshay kama badana afar, shan, ilaa lix.”

Aadan Maxamuud wuxuu ka soo barakacay magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray isla markaana uu ka shaqaysanayay. Qoyskiisa waxay ku noolaayeen nolol aysan ka walwal qabin helidda cunnada, balse maanta waa barakac fara maran.

“Dugsiga aan maamulaha ka ahaa wuxuu lahaa saddex farac. Basas buu lahaa. Dhowr iyo toban fasal ayuu ka koobnaa. Arday aad u badan ayaa dhigay jiray. Macallimiin ku dhaw soddon ayaan ka shaqaynayay. Dhaqaale qoyskayga iyo noloshayda ku filan ayaa iga soo gali jiray.”

Ninkan ayaa ku hanweyn inay colaadda magaalada joogsan doonto bilaha soo socda si uu shaqadiisii dib ugu laabto.

Barayaasha soo barakacay badankood waxay joogaan deegaanadda Puntland. Waa shaqo la’aan marka laga reebo tiro kooban oo shaqooyin ku meel gaar ah ka helay isluulada qaar.

Macallin Axmed Aadan wuxuu shaqo la’aan ku yahay Garowe.  Isaga iyo qoyskiisu waxay wajahayaan cunno yari, balse wuxuu xusay in awal uu shaqadiisa macallinimo ka heli jiray dhaqaale ku filan baahiyadooda guud.

Ka hor inta uusan soo barakicin wuxuu barre ka ahaa dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood. Dagaalka weli taagan ayaa sababay inuu xirmo iskuulkii uu mushaar ka heli jiray.

Wuxuu ku jiraa dedaal shaqo goobid ah. Maalin walba wuxuu tagaa xarumaha waxbarashada. Wuxuu dareensan yahay inay jiraan boqollaal barre oo ku sugan xaaladdiisa oo kale.

Barayaashan la halgamaya nolosha ee ka soo cararay colaadda ayaa wax ka dhigayay intooda badan iskuulada hoose, dhexe iyo sare balse dagaalka dartii waxaa xirmay dhammaan iskuuladii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Cabdinaasir Maxamed Xassan isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yahay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal. wuxuu la kacaa-kufayaa maaraynta nolosha qoyskiisa oo uusan u awoodin inuu u gado cunno ku filan.

“Wax shaqo ah kama hayo meesha aan joogo, halkaas baan iska jooga maba jirto macalimiintii intay soo qaxeen shaqeeya.”

Cabdinaasir oo ah guddoomiyaha macalimiinta  ayaa sheegay in xaalada macalimiinta soo barakacay ee uu isagu ka mid yahay inay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha. Wuxuu intaas raaciyay inay  jiraaan kuwo dhaqaale la’aanta ay u dheer tahay culeysyo kale.

“Iyadoo macalimiin layahay baa lasii kala daciifsanyahay, lasii kala xaaladeysanyahay, lasii kala lasii kala duruufay. Waxaan ka warhayaa macalimiin dhaawac ah iyo maamulayal dhaawac ah oo cisbitaalada jiifa.”

Ninkan oo ah gudgoomiyaha macalimiinta magaalada Laascaanood wuxuu ahaa maamule iyo macallin ka ahaa iskuulka Gateway oo ku xirmay colaadda.

Guud ahaan dadka ka soo barakacay Laascaanood ayaa ka siman duruufaha nololeed, maaddama ay ka soo tageen guryahoodii iyo shaqooyinkoodii. Filashadooda ayaa ah inay colaaddda nabad beddesho isla markaana dib loo furo iskuuladdii ay ku tiirsanaayeen.

Previous Post

Hiiraan: Kun qoys oo fatahaad uga barakacay sagaal tuulo oo wajahaya hoy xumo iyo cunno yari

Next Post

Shabeellaha dhexe: Beeraley ka rajo dhigay tacbashada oo u weecday shaqooyin xoogsi ah si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Shabeellaha dhexe: Beeraley ka rajo dhigay tacbashada oo u weecday shaqooyin xoogsi ah si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo