Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hiiraan: Kun qoys oo fatahaad uga barakacay sagaal tuulo oo wajahaya hoy xumo iyo cunno yari

Radio Ergo by Radio Ergo
May 2, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Hiiraan: Kun qoys oo fatahaad uga barakacay sagaal tuulo oo wajahaya hoy xumo iyo cunno yari

Qoysas ku guryo beelay fatahaadda wabiga Shabeelle oo geedaha hoostood hoy ka dhiganaya/Cabdirisaaq Axmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Xasan Maxamuud Goodax wuxuu tan iyo shantii bishan uu wajahayaa hoy xumo iyo cunno yari. Waxaa saameyn ku yeeshay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle. Waxay dantu ku qasabtay inay ka barakacaan deegaan la yiraahdo Bacaad oo magaalada Baladweyne u jira 23 km.

Xasan oo ah beeraley ayaa tilmaamay inaysan wax raashiin ah u oolin guriga, balse maalinkii hal waqti ay dabka ku shitaan raashiin ay ku caawiyaan dadka ku nool deegaanka Guryo-cade oo uu ku soo barakacay.

Qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo toban carruur ah ayuu sheegay in aysan haysan hoy ay ka galaan roobka, qabowga iyo qoraxda maalinkii.

“Hal geed jinni oo caleenba aan laheyn hoos tiisaan ayaan joogaanaa.Hoy malahan, musqul malahan, caawa hadduu roob yimaado celin maayo. Marka xaaladdu caadi maahan. Quruxdo markey soo baxdana meel lagaliyo malahan carruurta.”

Xasan ayaa sheegay in barakaciisu uu ku soo beegmay xilligii ugu muhiimsanaa ee tacbashada beeraha, maaddama xilli roobaad lagu jiro, balse uu ku qasbanaaday, markii biyo xooggan ay soo galeen gurigiisa oo ahaa jiidgad.

Musiibada saameyay oo uu sheegay inay aheyd mid aysan u sii diyaar garoobin ayuu tilmaamay inuu awoodi waayay inuu ka bad-baadsado agabkii guriga oo iskugu jiray hu’, weelkii cuntada iyo kii jiifka.

Qoyskiisa oo faro-maran ayuu sheegay inuu kula soo cararay gaari uu $50 ugu kireeyay nin ay qaraabo yihiin.

Ninkan ayaa xusay in fatahaadda uu ku waayay beer afar hektar ah oo ay uga baxayeen dalagyo uu ku beeray horraantii bishii Feberaayo, kuwaas oo kala ah qare, batiiq iyo yaanyo.

Qarashka uu galiyay dalaggan ayuu sheegay in uu dayn ku lehay isla markaana dadkii siiyay ay ka sugayaan, taasi oo walwal ku haysa. Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in filashadiisii hore ay badashay marxalad uu xusay in ka soo kabashadeedu ku adag tahay.

“Beertii waa biyaysan tahay. Wax laga soo bixiyay malahan, qarashna ma harin oo haddii biyuhu ka baxaan wax qarash ahoo lagu falo malahan. Abuur malahan.”

Xasan ayaa tilmaamay in deegaanka uu joogo oo ah mid yar aysan ka jirin fursado shaqo oo uu ka sii dabbaro nolosha reerka, kii uu ka yimidna uusan hadda ku noqon karin fatahaadda wabiga oo wali socota awgeed.

Qoysaska arintan saameysay oo degganaa hareeraha wabiga waxaa il dhaqaale u ahaa beeraha oo ay noloshoodu ku tiirsaneyd.

Carabo Cumar Cabdulle waxay ka mid tahay beeraleyda daadku u geystay burburka hantiyeed ee hadda wajahaya hoy xumo iyo cunno yari. Aqal cooshad ah oo aan xajin karin qoraxda, qabowga iyo roobka ayaa hoy u ah, kaas oo ay ka dhisatay deegaanka Shiir-Kaneeco oo ay soo dagtay tobankii bishan, markaas oo ay ka soo barakacday tuulada Leeboow.

Waxay sheegtay in horraantii bishan uu qoyskeedu ahaa midaan ka warwarin hilitaanka cuntada dabkana ay shidan jireen saddexda waqti, balse hadda ay hal waqti karsadaan raashiin uu deyn ugu soo qaaday nin qaraabo la ah, kaas oo ahaa 45 kiilo oo ka kooban bur, bariis iyo sonkor.

Waxay xustay in  aysan ku filnayn toban beri oo hadda kadib ah raashinka u haray. Maal maha xiga iyo siday u maareyn doonto nolosha waa walaaca ay qabto Carabo oo ah hooyada 12 carruur ah.

“Ilmahaas qoraxda iga joogo oo raashiin ii haysanin ayaa nolosheenna ugu daran. Wax yaalahaas ayaa iska jirta Ilaahay waa naga bixin karaa.”

Carabo ayaa sheegtay in caqabadaha ee  haysta ay ka mid tahay helitaanka biyaha oo ku adag. Deegaanka ayay xustay inuusan laheyn ceel biyood, balse dadku ay cabaan biyo barkado ay ku keydsadaan iyo kuwo booyado ay ka soo dhaamiyaan masaaso u jirta illaa 20km.

Fuustadii ayay sheegtay in lagu iibinayo $3, taas oo aysan awoodin darteed waxay xustay in dantu ku qasabtay inay cabaan biyo ay sheegtay inay wasaqoobeen, kuwaas oo roobka guga ka dhashay kuna jira dhul gudan ah oo deegaanka ku yaalla.

Carabo ayaa sheegtay in fatahaaddu ay ka jartay beer shan hektar ah oo ay beertay bartamihii bishii Diseembar ee sanadkii hore. Dalagyada uga baxayay oo ahaa yaanyo, qare, bocor, basbaas iyo basal ayay xustay in korriimada ay dhammeysteen, balse nasiib darro xilligii gurashada ay biyuhu galeen.

Waxay intaas ku dartay in beertu aheyd isha kaliya ee dhaqaale ee qoyskeedu ku tiirsan yahay. Seygeeda ayay tilmaantay inuu yahay waayeel xanuunsan oo aan shaqeyn.

Guud ahaan qoysaska ku barakacay fatahaadda ayaanan helin gargaar sida ay sheegtay wasaaradda gargaarka iyo maareeynta musiibooyinka maamulka Hirshabeelle.

Cabdisalaan Faarax Axmed oo ah isku-duwaha wasaaraddaas ee gobolka Hiiraan ayaa Raadiow Ergo u sheegay in qoysaskan ay yihiin kuwo jilicsan oo u baahan in deg deg looga caawiyo cuntada iyo hoyga. Wasaaradda ayuu tilmaamay inaysan hadda ka jawaabi karin baahidooda.

“Waxaana soo ogaanay oo aan kasoo qornay baahiyaha ugu daran xaalada ay ku sugan yahiin dadkaasi.  Madaama ay wasaarada meel waxba u uulin waxaan arintaasi la wadaagnay madaxda Hay’adaha samafalka, Maamulka Hirshabeelle, iyo Dowlada Soomaaliya. Runtii ka wasaarad ahaan waxaa naga go’an in dadkaasi gurmad deg deg ah oo dhinacyada Hoy’ga, Cunada iyo Biyaha laga Caawiyo.”

Cabdisalaan ayaa sheegay in deegaanada ugu badan ee laga barkacay ay kala yahiin Bacaad, Qooqane, Garaash, Leeboow iyo Shiniile. Dadka deggan dhulka gudanka ah ee wabiga Shabeelle u dhow ayuu ugu baaqay in taxadar dheeraad ah ay muujiyaan.

Previous Post

Muqdisho: Wiil lugaha naafo ka ah oo cillad bixinta gawaarida ka maareeya nolosha qoyskiisa

Next Post

Puntland: Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
High school in Somalia

Puntland: Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo