(ERGO) – Maxamed Aamiin Xasan oo ah 27 jir labada lugood naafo ka ah wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku filnaaday maareynta nolosha walaalihiis oo afar ah iyo hooyadii oo da’ ah. Noloshiisa iyo midda qoyskiisa ayaa isbeddeshay markii uu shaqo ka helay garaash gaadiidka lagu cillad bixiyo oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir bishii Janaayo ee 2023.
Wuxuu subax kasta u kallahaa goobtiisa shaqada oo qiyaastii u jirta saddex km isagoo adeegsanaya gaariga dadka laxaadkoodu kala dhimanayahay oo uu ku gatay mushaarkiisii ugu horreeyay.
Celcelis ahaan wuxuu maalinle u helaa lacag u dhaxeeya $5 ilaa $15. Dakhliga ka soo gala shaqada farsamada ayuu sheegay in reerkiisa uu ka qaaday culeysyo nololeed oo ay la daalo dhacaayeen sida helidda cunno maalmeedka.
“Daqliga walaalkey marba si waaye, laakin yowmiye ayaad waxaaga u helee, bisha ma ogaan kartid waxaad heshid, sababtoo ah gaari ayaad sameenee wixii laga sameeyay qeybtaada ka qaadanee waa lagu kala baxaa. Walaahi biilka reerka qeyb waan ka qaataa, wax waan keenaa.”
Qoyskiisa inta uusan shaqadan billaabin waxay ku tiirsanaa kaalmada dad ay qaraabo yihiin. Maxamed wuxuu hadda daboolay baahiyaha aasaasiga ah ee reerka. Wuxuu u kireeyay guri labo qol oo isku go’an ah oo uu bille ugu bixiyo $100. Sidoo kale wuxuu 25 doollar ka dhiibaa labo wiil oo walaallo ay yihiin.
Ninkan oo ku soo koray duruufo nololeed iyo agoonnimo ayaa sheegay inuu aabbihiis uu dhintay asagoo uurka ku jira. Wuxuu dhashay isagoo laxaad qaba balse waxaa naafeeyay firirka hoobiye haleelay asagoo jira sagaal bilood oo hooyaddiis ay ku siday dhabarka.
Barashada xirfaddan u noqotay isha dhaqaale wuxuu bilaabay 2020. Wuxuu ka soo maray caqabado dhowr ah oo isugu jiray kuwo uga imaanayay bulshada iyo shaqada balse hadda waxaa u suurta galay inuu si madax bannaan uga shaqeysto gudaha garaashka, maadaama uu dhammeystay tababar u socday muddo labo sanno ah.
Wuxuu tilmaamay inuu soo maray xilliyo uu ku sigtay inuu tababarka iska jooojiyo maadaama uu yahay nin aan istaagi karin oo mararka qaarkood loo baahan yahay in shaqada lagu qabto istaag balse uu uga soo gudbay taageero iyo caawimaad uu ka helay saaxiibbo ay shaqo wadaag yihiin.
“caqabadaha ugu weyn ee i soo wajaho ayay kamid aheyd. Waxaa laga yaabaa anigoo la i dhoho hoboska fur inaan meel kale furo ama soo bixi shiimeeska meel kale aan furaa, bareegga gaarigaas ka same ayaa la i dhahaa meel kale ayaan ka aadaa marka hadda waan bartay mid mid aan u kala aqaanaa.”
Wuxuu deggan yahay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan, halka goobta uu ka shaqeeyo ay ku taallo xaafadda Labo-dhagax ee Warta Nabadda, waxaa u dhaxeeya masaafo badan, balse Maxamed kama hor istaagin in uu maalin ka baaqdo shaqaddiisa.
Ninkan ayaa sidoo kale shaqada ku barbar wata waxbarasho. Wuxuu maraya sannadkii ugu dambeeyay waxbarashada jaamacadda heerka koowaad ee kulliyadda Culuumta Kombiitarka iyo Tiknoolojiyadda ee jaamacadda Jamhuuriyo ee magaalada Muqdisho. wuxuu rajeynaya in mustaqbalka uu gaaro heer uu kala yaqaano dhammaan gawaarida birahooda.
Macalimiinta iyo kooxda la shaqeysa Maxamed ayaa sheegay in uu yahay nin howlkar ah oo qabta shaqooyin ay adag tahay in ay qabtaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba gaar ahaan kuwo cuuryaanada ah.
Salaad Maxamuud Diini oo ah macallinka garaashka ayaa sheegay in uu aad ula yaabi jiray markii koowaad ee uu la kulmay una sheegay in uu doonaayo inuu noqdo farsamo-yaqaan balse uu ka dalbaday in uu taageero waxna baro.
Macallinkan ayaa tilmaamay in wali Maxamed uu ku jiro waxbarashada Makaanikada, islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu sii baranayo aqoon hor leh oo ku saabsan hagaajinta gawaarida yar yar.
“Meeshaan markuu imaaday ani baa isku xiray inuu aniga idaba socdo oo wixii aan anigu qabanaayo uu iga daba qabto, koleey waa nin ay maskaxdiisu fiican tahay, fahankiisa intaba way fiican yihiin.”
Wuxuu xusay in Maxamed uu ilaaliyo waqtiga isla markaana uu ka mid yahay dadka xilliga hore soo xaadira oo diyaar u noqdo in ay qabtaan shaqooyinka ugu horreeya ee maalinlaha ah.
Mustaqbalka wuxuu ku rajo weyn yahay inuu taqasuskiisa jaamacadeed ku helo shaqo uu kaga nasto farsamada biraha oo uu hadda ka maro dhibaatooyin gaar ah.










