Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
April 27, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kumannaan qoys oo barakac ku ah qaar ka mid ah xeryaha Luuq iyo Doollow ayaa wajahaya hoy la’aan markii daadad soo rogmaday oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay maalmihii la soo dhaafay ay ka dumiyeen buulal yaryar oo ay si wadaag ah u degganaayeen.

Qoyska Ambiyo Maxamed Yarow oo ku nool xerada Diin-soor ee duleedka magaalada Luuq wuxuu ka mid ah qoysaska hoy la’aanta ah. Haweeneydan iyada iyo carruurteeda oo afar ah tan iyo kowdii Abriil waxaa hoy u ah geed hoostii.

“Hoori oo buush ayaan ku jirnay daad ayaana naga qaaday. Guryaha daraad dhow markii ay dabeesha imaaneysay ayayba naga dumisay. Teendhadiina wax ay qoraxda horay u jeexjeexday ayay ahayd oo wax shandarwo xun ayay ahaayeen. May guri ma haysanno. Wax buush oo xun ayay ahaayeen daad ayaa intuu maray daraad suluq inoogu siiyay. Guryaha ayay inoogu soo galeen aqalkiina waa ay naga qaadeen,” ayay tiri.

Haweeneydan ayaa la daalaadhacaysa inay carruurteeda u hesho cunno iyo guri ay ka galaan dhibcaha guga. Waxaa u dheer inay u taag la’dahay maaraynta nolosha qoyskeeda oo markii hore ku tiirsanayd shaqo dhar dhaqaal ah oo ay u aadi jirtay xaafadaha magaalada taas oo ay xustay inay u joogsatay roobka.

“Cunto sidaas ah ma haysanno marmar ayaan shaqeysanaa. Dhar ayaan dhaqnaa habeenki lee imaanaa ilmaha kama war qabno. Marmar wax ayaa la helaa marmarna wax waa la waayaa. Xaalka jira ayaa kaas ah. Sodon kun ayaa laga helaa sonkor kuuma gooneyso, caleynta ayaa rabtaa wax kasto ayaad rabtaa hadii kale dadka aan la noolnahay ayaan iska tuugsanaa.”

Ambiyo ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay in seyga carruurteeda ay kala tageen sanad ka hor markii uu bixin waayay biilka reerka abaarta awgeed. Xerada ay nool yihiin waxay soo deggeen December 2022 markii 93 neef oo ari oo ay ku dhaqanayeen miyiga degmada Buurdhuubo ay ku waayeen abaarihii jiray.

Gobolka Gedo waxaa ku nool kumannaan qoys oo barakac ah kuwaas oo kala deggan xeryaha magaalooyinka Doolow, Luuq, Beledxaawo iyo Baardheere. Intooda badan waxaa guryahooda saameeyay roobka gobolka ka curtay.

Khadiijo Madey Ibraahim iyo carruurteeda oo toddobo agoon ah waxay ku hoydaan meel bannaan markii ay biyaha kala tageen buulkoodii.

Marka laga tago hoy la’aanta hadda ma haysato maacuun ay wax ku karsato iyo gogol ay ku seexdaan midna. Waxay sheegtay inay deriska ka soo qaataan weelal xilliyada ay gacantooda wax soo galaan.

“Saxan, digsi waxba iima reebin. Wixii ciyaalka aan wax ugu karsanaayay wuu iga qaaday. Wax aan aniga haysto maleh. Alaabti waa iga qaaday gogoshii sijaayadii ciyaalka iigu seexanayeen waa ay iga qaaday. Dhulkan ayaan jiifnaa wax aan haysanno maleh.”

Haweeneydan waxay haysataa carruur isku nuug ah oo aan u adkaysan karin dhaganta iyo dhibcaha roobka. Khadiijo culeyskaas waxaa u wehliya warwarka gaajada carruurteeda.

“Wax aan haysanno ma leh. Sidii aan u imaanay habeenada qaarkiis sidii aan ku soomanahay wax aan dab saaraneeno oo aan dabka la aadeyno maleh. Wax lagu afurayo maleh, wax lagu saxuuranayyo maleh. Wax aan haysanno maleh. Shaqo oo dhan waan waynay intii uusan soonka imaan haweeneydi baxdo dhar dhaqaal ayay soo heli jirtay. Hadda inta soonka la galay waxbo waa la waayay.”

Qoyska Khadiija oo deggan xerada Masiirka oo labo km u jirta magaalada Luuq waxay nolosha qoyskeeda ku tiirsanayd caws ay ka soo guri jirtay miyiga balse hadda shaqadaas ayaa joogsatay markii xoolo dhaqatadii ka iibin jirtay ay xoolihii u heleen doog.

Qoyskan ayaa bishii December ee sanadkii hore ka soo barakacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay markii abaarta ay ku waayeen 180 oo ari ah.

Sulaybaan Macalin Cali oo ah maamulka xerada Qurdubey ee degmada Doolow oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in qiimayn ay sameeyeen ay ku ogaadeen inay boqollaal qoys ay wajahayaan hoy la’aan. Wuxuu sheegay inay intooda badan hadda la hoydaan qoysas kooban oo ay u badbaadeen guryahooda.

Wuxuu intaas ku daray in qoysaska deggan xerada uu maamulka ka yahay  ay yihiin kuwo ku tirsan gargaar ay ka helaan hay’adaha samafalka balse aysan helin wax caawimaad tan iyo markii ay daadadku buulashoodii qaadeen.

“Roobkii waxa uu ku keenay saameyn badan. Bicihii yaryaraa ee ay meelaha ka taag-taag teen wuu isku dhax daatay wax badan oo biyihii wabiga inta ay soo fatahay ay bi’iyeen dhibaato badan ay kala kulmeen xitaa meelihi ay u carari lahaayeen oo Doolow-yo ay wax u doonan lahaayeen is mari waa uu dhacay. Dadkaasi dhibaato ayay xagga hoyga ay ka qabaan. Hoy la’aan ayaa jirta. Waxaa kale oo jirto caafimaad darro.”

Qoysaska barakaca ku ah xeryaha magaalooyinka Luuq iyo Doollow ayaa horey ula kacaa-kufayay helidda cunnada, hoy la’aanta ay badeen daadadka ayaa ku sii kordhinaysa culeysyada nololeed ee ku hareeraysan.

Previous Post

Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

Next Post

Muqdisho: Wiil lugaha naafo ka ah oo cillad bixinta gawaarida ka maareeya nolosha qoyskiisa

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Muqdisho: Wiil lugaha naafo ka ah oo cillad bixinta gawaarida ka maareeya nolosha qoyskiisa

Muqdisho: Wiil lugaha naafo ka ah oo cillad bixinta gawaarida ka maareeya nolosha qoyskiisa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo