(ERGO) – Qoyska Cawil Xasan Maxamed oo lix ah ayaa wajahaya xaalad cunno xumo oo ka dhalatay dabeyl ku dhufatay xeebta deegaanka Iidaan ee gobolka Mudug, taasi oo qasaare gaarsiisay qalabkii uu ku kalluumeysan jiray iyo noolihii ku jiray badda 14 bishii Maarso ee sanadkan.
Cawil wuxuu ka mid yahay kalluumeystada deegaannada Afweyn, Iidaan, Lafacade iyo Galhagoog ee gobolka Mudug, kuwaas oo wajahaya saameyn ka dhalatay shaqo la’aanta.
Wuxuu badda ku waayay afar shamaagood, doon iyo matoorkii ay ku shaqaynaysay. Dabeysha ka qaadday qalabka ayaa sidoo kale sababtay in xeebta deegaankiisa ay ku soo caariyaan xayawaan u badan kalluun dhintay.
Hal doon iyo shamaag u badbaaday ayuu sheegay in uusan badda la galin tan iyo billowgii bishan, maaddama dhowr jillaabasho oo uu sameeyay uu ku soo waayay wax kalluun ah.
Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay ka sii darayso tan iyo markii ay meesha ka baxday shaqadiisii kalluumeysiga oo dhaqaale fiican oo maalinle ah uu ka heli jiray.
“Aargoosatadii aan badda kala soo bixi jirnay oo aan iibsan jirnay waan waynay. Waxaa iga soo gali jiray maalintii $7 ilaa $10 inta u dhaxeysa. Waxaas baan ku maarayn jiray noloshayda. Hadda hal waqti ayaa wax la karsadaa markii horana labo waqti.”
Kalluun la’aanta ka jirta badda ayaa ku qasabtay Cawil in uu u weecdo dhagax jabinta. Shaqadan oo ah midda kaliya ee deegaankiisa laga helo maahan joogto. Tobankii maalinba mar ayuu ka helaa lacag u dhaxaysa $3 ilaa $4.
Wuxuu sheegay in uu ku sii dabbaro qoyskiisa raashin dayn ah oo uu ka qaato bakhaarrada ku yaalla deegaankiisa mararka qaarna cunno bisil iyo mid ciiriin ah ay ku caawiyaan dad ay ehello yihiin.
Waxaa se walaaca ugu badan ku haya helidda biyaha. Ceelashii deegaanka Iidaan oo ay abaartu qalajisay ayaa ku riixay dadka ku nool in ay biyaha iibsadaan. Fuustada biyaha ah ayaa ugu timaadda $4.
Tan iyo markii uu shaqo la’aanta noqday Cawil waxaa ku adkaatay helidda biyaha qoyskiisa ay isticmaalaan. Waxay dantu bidday in toddobaadkii uu daynto fuusto biyo ah barkeed. Ganacstada iska leh booyadaha ayaa ku yeeshay $12.
Cawil oo in ka badan 20 sano kalluumeysato ahaa ayaa xusay in dabeysha ka kacday badda iyo wasakhowga ku dhacay uu arkay hal mar noloshiisa. Waxay ku beegnayd sanad ka dib duufaantii Sunaami.
“2005 baa mar wasakhdaas oo kale soo gashay badda. Ka horna lama arag ka bacdina lama arkin. Wasakhdaas iyo kicitaan baddu ay kacday labadaas baa nagu dhacday. Dad yar baa ku laabtay ( jillaabashada) iyaguna waxba kama aysan helin.”
Xaaladdan oo sii dabo dheeraata ayuu xusay Cawil in ay keeni karto ka hayaamidda deegaankiisa si magaalooyin ay ka mid tahay Gaalkacyo uu uga shaqaysto.
“Aniga waxaa ii qorshaysan haddii badda uu isbadalkan ka baxo inaan iskaga laabto haddii uu ka baxi waayana meeshii kaloo aan is iraahdo nolosha ka heli kartaa baan rabaa inaan nolosha ku maareeyo.”
Maxamed Cabdikariin Xasan oo deggan deegaan xeebeed Afwayn oo 280 km u jirta Gaalkacyo wuxuu ka mid yahay kalluumeysto faro-ku-tiris ah oo toddobaadkiiba mar u kalluumeysi taga badda.
Ninkan iyo afar kalluumeysto ah oo doontiisa ka shaqeeya ayaa badda gudaha u galla 500 oo mayl. Waa in ka badan masaafadii markii hore ay tagi jireen, balse wuxuu sheegay in ay dib u soo laabtaan iyagoo faro maran.
Muddo ku dhow bil oo xaaladdan ay ku jireen ayuu xusay in uu ka dhaxlay qasaare. Waxaa lagu yeeshay $300 oo ah shidaalka ay isticmaashay doonta ay ku jilaabasho tageen.
Qasaaraha lacageed waxaa barbar socda khatar caafimaad oo ka jirta badda. Maxamed wuxuu xusay in uu goobjoog u ahaa ilaa afar kalluumeysto oo ku neef qabatoobay badda intii lagu jiray bishan April.
“Waxa jirta dad quusaayaal ah markii ay quuseen in neeftu qabatay. Ur daraadeed in iyagoo tabcaan ah loo qaaday dadkaas qaarkiis dhulka magaalooyinka ah sida Gaalkacyo iyo Hobyo.”
Xaaladda dadkaas ayuu xusay in ay soo hagaagayso, markii tacaal caafimaad ay heleen. Wuxuu sharraxayaa isbaddelka ay ku arkeen badda ay ka jillaabtaan ee saameynta ku yeeshay shaqadooda.
“Waxaa la gaaray xilli shamaagtu markay qar qabsato qofka quusa uusan shamaagta arkayn. Waxaa ku xigtay Aargoosatadii shamaagu qabanayeen ay noqotay mid dhimatay, saameyntana shamaagaha qaarbaa la waayey oo wasakhdu qabstay oo la soo bixin waayay. Sidoo kale matooradii qaarbaa ku qalibmay oo ku halaabay.”
Saddex matoor iyo 60 shamaagooda oo iskugu jira kuwa uu lahaa iyo qaar uu dad kale uu ugu shaqaynayay ayay baddu ka qaadday bartamihii bishii Maarso.
Inkastoo doon iyo dhowr shamaag oo kayd ahaan uu u haystay hadda uu isticmaallo haddana taasi kama caawin in kalluun ama Aagoosato uu soo jillaabto.
Ka hor dabeysha ku dhufatay badda shaqadiisu waxay u badnayd dabashada Aargoostada. Wuxuu si maalinle ah uga heli jiray lacag u dhaxeysa $80 ilaa $90 oo faa’iido ah.
Lacagtan $40 oo ka mid ah wuxuu mushahar ahaan u siin jiray shaqaalaha ka shaqeeya doontiisa. Inta soo hartay ayuu ku maarayn jiray nolosha carruurtiisa oo afar ah iyo hooyadood.
Qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan raashin dayn ah oo uu ka qaato ganacsatada deegaankiisa. Wuxuu rajaynayaa in uu iska gudo marka ay wax iska baddelaan xaaladda ka jirta badda.
Sakariye Cumar Macalin Cabdulle oo ah khabiir cilmiga badda ku taqasusay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadii u danbeeyay dabeylaha ku dhufta xeebaha ay ku badnaayeen Soomaaliya, balse arrinta walaaca leh ayaa ah in xayawaankii ku jiray ay dibadda u soo caaryaan iyagoo dhintay.
Wuxuu sheegay in noolayaasha ku jira badda ay sababsan karaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo midda dad samayga ah.
“Ilaa shan qodob ayaa sababi karta inkastoo aan reseach sax ah aan laga ahayn. Shantaas qodob haddii aan kuu dulmaro waxay tahay oxygenka badda oo yaraaday. Sidaan ka war qabno Soomaaliya shantii sano ee u danbeeyay roobab fiican maysan helin baddana waxay ka mid tahay meelaha roobka u baahan, sababtoo ah roobku wuxuu siiyaa oxygen. Waxaa kaloo jira Kiimiko lagu shubo badda. Waxay saameeyaan noolihii badda ku jiray. Waxaa kaloo jiri kara cudurro faafa oo kalluunka iyo waxa la xariira ku dhaca.”
Deegaannada dhaca xeebaha bari ee gobolka Mudug saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ku yaraa roobka. Xoolo-dhaqato ku cayroobay abaarta ka dhalatay ayaa u weecday xirfadda kalluumeysiga inkastoo hadda ay wajahayaan caqabad hor leh.