Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 25, 2023
in Arrimaha Bulshada, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

Kaydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Cawil Xasan Maxamed oo lix ah ayaa wajahaya xaalad cunno xumo oo ka dhalatay dabeyl ku dhufatay xeebta deegaanka Iidaan ee gobolka Mudug, taasi oo qasaare gaarsiisay qalabkii uu ku kalluumeysan jiray iyo noolihii ku jiray badda 14 bishii Maarso ee sanadkan.

Cawil wuxuu ka mid yahay kalluumeystada deegaannada Afweyn, Iidaan, Lafacade iyo Galhagoog ee gobolka Mudug, kuwaas oo wajahaya saameyn ka dhalatay shaqo la’aanta.

Wuxuu badda ku waayay afar shamaagood, doon iyo matoorkii ay ku shaqaynaysay. Dabeysha ka qaadday qalabka ayaa sidoo kale sababtay in xeebta deegaankiisa ay ku soo caariyaan xayawaan u badan kalluun dhintay.

Hal doon iyo shamaag u badbaaday ayuu sheegay in uusan badda la galin tan iyo billowgii bishan, maaddama dhowr jillaabasho oo uu sameeyay uu ku soo waayay wax kalluun ah.

Wuxuu sheegay in nolosha qoyskiisa ay ka sii darayso tan iyo markii ay meesha ka baxday shaqadiisii kalluumeysiga oo dhaqaale fiican oo maalinle ah uu ka heli jiray.

“Aargoosatadii aan badda kala soo bixi jirnay oo aan iibsan jirnay waan waynay. Waxaa iga soo gali jiray maalintii $7 ilaa $10 inta u dhaxeysa. Waxaas baan ku maarayn jiray noloshayda. Hadda hal waqti ayaa wax la karsadaa markii horana labo waqti.”

Kalluun la’aanta ka jirta badda ayaa ku qasabtay Cawil in uu u weecdo dhagax jabinta. Shaqadan oo ah midda kaliya ee deegaankiisa laga helo maahan  joogto. Tobankii maalinba mar ayuu ka helaa lacag u dhaxaysa $3 ilaa $4.

Wuxuu sheegay in uu ku sii dabbaro qoyskiisa raashin dayn ah oo uu ka qaato bakhaarrada ku yaalla deegaankiisa mararka qaarna cunno bisil iyo mid ciiriin ah ay ku caawiyaan dad ay ehello yihiin.

Waxaa se walaaca ugu badan ku haya helidda biyaha. Ceelashii deegaanka Iidaan oo ay abaartu qalajisay ayaa ku riixay dadka ku nool in ay biyaha iibsadaan. Fuustada biyaha ah ayaa ugu timaadda $4.

Tan iyo markii uu shaqo la’aanta noqday Cawil waxaa ku adkaatay helidda biyaha qoyskiisa ay isticmaalaan. Waxay dantu bidday in toddobaadkii uu daynto fuusto biyo ah barkeed. Ganacstada iska leh booyadaha ayaa ku yeeshay $12.

Cawil oo in ka badan 20 sano kalluumeysato ahaa ayaa xusay in dabeysha ka kacday badda iyo wasakhowga ku dhacay uu arkay hal mar noloshiisa. Waxay ku beegnayd sanad ka dib duufaantii Sunaami.

“2005 baa mar wasakhdaas oo kale soo gashay badda. Ka horna lama arag ka bacdina lama arkin. Wasakhdaas iyo kicitaan baddu ay kacday labadaas baa nagu dhacday. Dad yar baa ku laabtay ( jillaabashada) iyaguna waxba kama aysan helin.”

Xaaladdan oo sii dabo dheeraata ayuu xusay Cawil in ay keeni karto ka hayaamidda deegaankiisa si magaalooyin ay ka mid tahay Gaalkacyo uu uga shaqaysto.

“Aniga waxaa ii qorshaysan haddii badda uu isbadalkan ka baxo inaan iskaga laabto haddii uu ka baxi waayana meeshii kaloo aan is iraahdo nolosha ka heli kartaa baan rabaa inaan nolosha ku maareeyo.”

Maxamed Cabdikariin Xasan oo deggan deegaan xeebeed Afwayn oo 280 km u jirta Gaalkacyo wuxuu ka mid yahay kalluumeysto faro-ku-tiris ah oo toddobaadkiiba mar u kalluumeysi taga badda.

Ninkan iyo afar kalluumeysto ah oo doontiisa ka shaqeeya ayaa badda gudaha u galla 500 oo mayl. Waa in ka badan masaafadii markii hore ay tagi jireen, balse wuxuu sheegay in ay dib u soo laabtaan iyagoo faro maran.

Muddo ku dhow bil oo xaaladdan ay ku jireen ayuu xusay in uu ka dhaxlay qasaare. Waxaa lagu yeeshay $300 oo ah shidaalka ay isticmaashay doonta ay ku jilaabasho tageen.

Qasaaraha lacageed waxaa barbar socda khatar caafimaad oo ka jirta badda. Maxamed wuxuu xusay in uu goobjoog u ahaa ilaa afar kalluumeysto oo ku neef qabatoobay badda intii lagu jiray bishan April.

“Waxa jirta dad quusaayaal ah markii ay quuseen in neeftu qabatay. Ur daraadeed in iyagoo tabcaan ah loo qaaday dadkaas qaarkiis dhulka magaalooyinka ah sida Gaalkacyo iyo Hobyo.”

Xaaladda dadkaas ayuu xusay in ay soo hagaagayso, markii tacaal caafimaad ay heleen. Wuxuu sharraxayaa isbaddelka ay ku arkeen badda ay ka jillaabtaan ee saameynta ku yeeshay shaqadooda.

“Waxaa la gaaray xilli shamaagtu markay qar qabsato qofka quusa uusan shamaagta arkayn. Waxaa ku xigtay Aargoosatadii shamaagu qabanayeen ay noqotay mid dhimatay, saameyntana shamaagaha qaarbaa la waayey oo wasakhdu qabstay oo la soo bixin waayay. Sidoo kale matooradii qaarbaa ku qalibmay oo ku halaabay.”

Saddex matoor iyo 60 shamaagooda oo iskugu jira kuwa uu lahaa iyo qaar uu dad kale uu ugu shaqaynayay ayay baddu ka qaadday bartamihii bishii Maarso.

Inkastoo doon iyo dhowr shamaag oo kayd ahaan uu u haystay hadda uu isticmaallo haddana taasi kama caawin in kalluun ama Aagoosato uu soo jillaabto.

Ka hor dabeysha ku dhufatay badda shaqadiisu waxay u badnayd dabashada Aargoostada. Wuxuu si maalinle ah uga heli jiray lacag u dhaxeysa $80 ilaa $90 oo faa’iido ah.

Lacagtan $40 oo ka mid ah wuxuu mushahar ahaan u siin jiray shaqaalaha ka shaqeeya doontiisa. Inta soo hartay ayuu ku maarayn jiray nolosha carruurtiisa oo afar ah iyo hooyadood.

Qoyskiisa ayaa hadda ku tiirsan raashin dayn ah oo uu ka qaato ganacsatada deegaankiisa. Wuxuu rajaynayaa in uu iska gudo marka ay wax iska baddelaan xaaladda ka jirta badda.

Sakariye Cumar Macalin Cabdulle oo ah khabiir cilmiga badda ku taqasusay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sanadii u danbeeyay dabeylaha ku dhufta xeebaha ay ku badnaayeen Soomaaliya, balse arrinta walaaca leh ayaa ah in xayawaankii ku jiray ay dibadda u soo caaryaan iyagoo dhintay.

Wuxuu sheegay in noolayaasha ku jira badda ay sababsan karaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo midda dad samayga ah.

“Ilaa shan qodob ayaa sababi karta inkastoo aan reseach sax ah aan laga ahayn. Shantaas qodob haddii aan kuu dulmaro waxay tahay oxygenka badda oo yaraaday. Sidaan ka war qabno Soomaaliya shantii sano ee u danbeeyay roobab fiican maysan helin baddana waxay ka mid tahay meelaha roobka u baahan, sababtoo ah roobku wuxuu siiyaa oxygen. Waxaa kaloo jira Kiimiko lagu shubo badda. Waxay saameeyaan noolihii badda ku jiray. Waxaa kaloo jiri kara cudurro faafa oo kalluunka iyo waxa la xariira ku dhaca.”

Deegaannada dhaca xeebaha bari ee gobolka Mudug saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ku yaraa roobka. Xoolo-dhaqato ku cayroobay abaarta ka dhalatay ayaa u weecday xirfadda kalluumeysiga inkastoo hadda ay wajahayaan caqabad hor leh.

Previous Post

Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

Next Post

Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo

Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo