Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

Xaawo daa'uud oo dhabta ku haysa Gadhadheeda oo loo daaweeyay/NaciimoSaalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo ah carruur nafaqo darro iyo cudurro wajahaya ayaa dawayn iyo nafaqayn loogu sameynayaa dadka soo barakacay ee ku jira xero ku taalla deegaanka Tabeellaha sheekh Ibraahim.  Isbitaalka deegaankan ayaa siiya adeegyo bilaash ah tan iyo  bishii Janaayo ee sanadkan.

Carruurta oo qoysaskooda abaaraha iyo colaadaha dalka ka jira ay ka soo barakaceen ayaa la ildarnaa cudurrada Jadeecada iyo shubanka. Waxaa intaas u dheeraa nafaqo-darro ka dhalatay cunno la’aanta. Waxaa la siiyay caano, buskod labo nuuc ah iyo daawayn.

Xaawo Daa’uud Cali oo deggan  xerada Shabeelle waxaa nafaqaynta u qaata afar carruur ah  oo nafaqo darro ay uga dhacday, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso hal ilaa lix sano jir. Waxay sheegtay in xaaladoodu liidatay oo ay cuntada ka go’een sidoo kalana ay kari waayeen socodka iyo hadalka. Raadiyow Ergo ayay uga warrantay waxa iska beddelay tan iyo 23 Febraayo oo ay adeegaan helayaan.

“Hadda waa fiican yihiin carruurta. Wax sii oo ku dedaal ayaa la idhahay. Anna waaan dhahay. Nafaqo darro in ay dhulka iga dhigto waan ka la dadaalaa gacanta ayaan ku hayaa hadda.”

Xaawo ayaa xustay in  maalmaha Khamiista iyo Jumcaha ay isbitaalka deegaanka ka soo qaadato 140 xabbo oo buskud ah iyo labo bac oo caano ah iyada oo carruurta ku sii kaysa maalmaha kale ee isbuuca.  Waxaa intaas u dheer oo halmar oo habeenkii ah ay dabka u saartaa waxa uu soo helo aabbaha reerka oo magaalada Muqdisho u aada shaqada qashin xaarista, kaas oo maalintii ka hela ugu badnaan $3 marna soo waaya.

Qoyska Xaawo cudurada jadeecada iyo shubanka oo deegaanka ka dilaacay bishii koowaad ee sanadkan waxaa uga geeriyootay gabar labo sano jir aheed halka afarta soo hartay ay macluul wajaheen. Waxa ay sheegtay in ay geyeen isbitaallo magaalada Muqdisho ku yaalla oo u sheegay in Jadeeco ka hayso, balse ay awoodi waayeen qarashkii ay ku  daawayn lahaayeen faro marnaanta dhaqaale darteed.

Carruurta ayaa hadda si bilaash ah loogu daweeyay markii isbitaalka Ducaale ee deegaanka ay geeyeen labadii bishii Maarso ee la soo dhaafay. Waxa ay ku faraxsantahay garab istaagga ay ka heshay isbitaalka.

“Niyadeyda hadda waa nadiif, laakiin markaas niyadeyda qushuucbaa ku furnaa maxaad sameysaa? sidee wax yeeshaa? aniga dhan waxaan ahaa mashquul.’’

Qoyska Xaawo ayaa inta aysan soo degin xeradan oo ay ku nool yihiin labo sano waxa ay ka soo barakaceen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose, markii roob yaridu ay ku qasabtay inay tacban waayaan beer labo hikter ah oo noloshoodu ay ku tiirsaneyd.

Tan iyo xiligaas waxaa si tartiib tartib ah uga sii daraysay xaaladdooda nololeed.  Hadda cunno yarida waxaa u dheer hoy la’aan oo waxa ay dibadyaal u yihiin roobabka Gu’ga dhaxanta habeenkii iyo cadceeda maalinta, taas oo aysan u adkaysan karin carruurta tabardarada ka soo ka banaya.

Dhammaan qoysaska carruurtooda la gala tacaalayo nafaqo darrada ayaa ah kuwo ka siman nolol xumada  mana helaan dhaqaale ay ku soo gataan cunno ku filan.

Muxubo  Aadan Cabdi oo ah hooyada sagaal carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in nafaqo darradu ay uga dhacday shan ka mid ah carruurteeda bishii Febraayo. Waxaa ugu liitay wiil hal sano jir ah oo ugu yar, kaas oo cunto yarida ay ku sababtay cudurka Jadeeco, balse hadda wuu soo kabanayaa, markii ay isbitaalka gaysay 18 bishii hore.

“isbitaalka 14 haben ayaan la joogaa waa la cirbadeeyay Buskud ayaa haddana naloo qoray. Waxii nala siiyay waaku caafimaaday wax yar ayaa u dhiman. Waa nabad qabaa hadda.”

Qoyska haweenaydaan ayaa ka soo barakacay 10 bishii Sebteembar ee sanadkii hore deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha hoose oo ay ku lahaayeen beer afar hiktar ah oo ay tacban jireen.   Barakaca ayay ku qasbanaadeen, markii deegaanka uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya Alshabaab iyo ciidanka dawladda.

Waxa ay xustay in muddada  ay joogaan xerada Alle-magan ee deegaankan Tabbeelaha ay la qabsan waayeen nolosha barakaca. Aabaha reerka ayaa ah baagamuuddo aan guriga dhaafin, maadaama uusan aqoon shaqo aanka ahayn beero-falashada. Muxubo si ay carruurta hal waqti oo ah habeenkii ay  dabka ugu shiddo ayay subaxdii dawarsi u dhex aaddaa dadka deegaanka iyada oo u dansheeganaysa.

Maamulaha isbitaalka Ducaale Community dhaqtar Xasan Suleemaan oo ah isbitaalka dawada iyo nafaqynta siiya carruurta ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in isbuuc kasta ay dawayn iyo nafaqayn siiyaan carruur gaaraysa 200 ilaa 250.

Waxa uu xusay in saddexii bil ee la soo dhaafay ay dhamaan adeegyada isbitaalka ay ka dhigeen lacag la’aan markii ay ogaaden in deegaanka oo ay deggan yihiin kumanaan qoys oo barakacayaal ah ay ka dilaacday xaalad nafaqo darro ah.

“Isbitaalka markii Meesha laga furayay maana ogayn in barakacayaal deggan yihiin, balse markii la furay isbitaalka  duruufta aan aragnay waxaay ahayd  dad barakac ah oo aan awoodin inay iska bixiyaan dhaqalaha ku baxaya dabiibkooda. Taas ayaa nagu khasabtay in aanan dayacin ee aan qadano kaalinta bini’adanimo ee nagaga aadan dadkan oo aan u noqono samafalayaal.’’

Waxa uu Radio Ergo u sheegay in qarashaadka isbitaalka ku baxa ay ka soo aruuriyan ganacsatada magaalaa Mugdisho si ay ugu dabaraan qarashka ku baxaya agabka ay u baahan yihiin, mushaarka 7  dhaqtar oo ka shaqeeya iyo kalkalisooyinkooda.  Maamulaka ayaa intaas ku daray in si uusan u dhicisoobin hadafkooda ay sameeyaan dedaalo looga hortagayo in xanuuno hor leh ay xeryaha ka dilaacaan.

“Waxaan tagnaa xeryaha barakacayaasha ah waxan u samaynaa wacyi-galin caafimaad oo baraarujin ah sida in ay ilmaha talaashaan inay nadaafadda ilaaliyaan faradhaqa oo kale inay raashin kulul cunaan inay biyaha iska karkariyaan. Baahida ay dadkaas somaaliyeed ay u baahanyihiin ayaa nagu kaliftay in aan hawlahaas buuxinno.”

Isbitaalka oo la  furay 2022 ayuu sheegay in markii hore loogu talo-galay ganacsi, balse ay bilaash ka dhigeen markii ay qiimeeyeen xaaladda dadku ay u jiraan iyo awoodooda. Waxa uu tilmaamay in ay adeegyadaan bilaashka ah ay sii wadi doonaan ilaa ay xaaladdooda iska beddelayso.

Previous Post

Muqdisho: Dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo samaystay ganacsiyo ay ku maareeyaan noloshooda

Next Post

Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

Mudug: Kalluun la’aan ka jirta badda oo shaqo la’aan ka dhigtay 300 oo kalluumeysato ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo