Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo samaystay ganacsiyo ay ku maareeyaan noloshooda

Radio Ergo by Radio Ergo
April 19, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo samaystay ganacsiyo ay ku maareeyaan noloshooda

Muuse Kadle guddoomiya ururka dadka maqalka naafada ka ah/Rijaal/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol oo ah dhallinyaro maqalka naafo ka ah oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku filnaaday nolosha qoysaskooda oo danyar ah markii ay samaysteen ganacsiyo yar yar bishii Janaayo ee sanadkan.

Arrintaan ayaa ku dhalatay markii ay shaqo ka waayeen shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xaruumaha dowladda iyada oo lagu diiday in aysan   bulshada si fiican isku fahmi karin.

Maxamuud Maxamed yuusuf oo ah 37 jir lix sano shaqo doon ahaa wuxuu si walwal la’aan ah hadda ku soo dhacsadaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo afar carruur ah tan iyo bishii febraayo ee sanadkan, markii uu furtay xarun lagu jaro timaha oo ku taalla degmada Howlwadaag.

“Shaqaddaan nolasheyda wax badan ayay ka beddeshay, markii anan shaqeysan jirin dadka ayaan shaxaadi jiray si aan lacag uga helo. Dhib badan ayaan kala kulmi jiray, laakiin hadda sidii aan shaqaddaan u qabsaday ilmahega biilkooda kiradooda, korontada iyo biyaha dhammaan anigaa bixiya.”

Maxamuud ayaa ka hela maalinkii shaqadiisa faa’iido dhan $10 isaga oo sheegay in uu u kala qaybiyo biilka reerka,  iyo saddex dollar oo maalin kasta meel u dhigo waxbarashada labo ugu wayn carrutsiisa oo dhigta fasalka afraad ee iskuulka iyo dugsi qur’aan oo bishii laga qaado isku dar $30.

Dadka ugu badan ee uu timaha uu u jaro waa dadka maqalka naafada ka ah. Wuxuu tilmaamay in ay uga yimaadaan degmooyin aad uga durugsan, si uu ugu jaro qaabka ay rabaan maadaama uu yahay qofka kaliyah ee ay fahmi karaan.

Maxamuud si ganacsigiisa uusan ugu koobnaan dadka maqalka la’ kaliya waxa uu sameeyay qayb kale ee dad maqalka leh loogu shaqeeyo. Waxa uu u dhiibay wiil shaqaale ah oo maalnkii uu siiyo $4-$6. Ninkaan oo shaqeeya labo saac oo subaxdii ah ilaa afar saac oo habeenkii ayaa Raadiyow Ergo uga warramay falcelinta uu dadka kala kulmo.

“Waxaa jira dad badan oo shaqaddaan igu dhiirigaliya oo marwaliba raba in aan shaqaddaan sii waddo. Waxaa kaloo jira dad aan maqalka la’aan aan ahay oo ka helay qaabka aan timaha u jaraayo oo marwaliba ii yimaada oo iga jarta timaha.”

Maxamuud ayaa ka bartay xirfadda timaha jaraha xarun ku taalla degmada Hodan oo muddo lix bilood ah uu uga shaqeynaayay si lacag la’aan ah isla markaana waxaa uu qaabilsanaa in uu timaha u jaro dadka maqalka la’ ee xaruntaasi yimaada.

Maxamuud oo ka baxay jaamacadda Somville sanadkii 2020 ayaa xusay in shirkaddaha qaarkood xoog looga saari jiray xafiisyadooda, markii uu shaqo ka dalbado loona sheegi jiray in aan la fahmeyn waxa uu sheegayo ama uu rabo, taas oo ku abuurtay in halkii uu shaqo raadin lahaa uu isagu abuurto.

Lacag dhan $1,000 oo uu ku caawiyay nin ay ehello yihiin oo ku nool dalka dibadiisa ayuu ku hirgaliyay fursaddan ganacsi

Wuxuu hadda dhallinyarada kale ee maqalka la’ ku qalqaaliyaa in ay shaqo abuurtan halkii ay shaqaale noqon la haayeen.

Qaar ka mid ah dhalinyarada maqalka la, markii ay waxbarteen waxa ay awood u yeesheen in ay qabtaan shaqo kasta oo ay asaagood ka shaqaystaan. Waxa ay ku biiraan suuqyadda Online ah ee lagu iibiyo alaabaha, halkaas oo inta badan dadka ay ku wada xariiraan farriimo qoraal ah.

Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle muddo labo bil ah ayuu ku jiraa ganacsiyadda alaabaha lagu kala iibiyo baraha bulshada. Xaruntiisa lagu magacaabo Beec-fudud ayaa si maalinle ah uga iibiya dadka alaabaha cusub ee electarooniga ah, aqallada iyo mootooyinka sida bajaajta la sii iibinayo oo uu lacag dul saarto.

Bishii waxaa uu ka helaa lacag u dhaxaysa $200 -$250 oo uu ku dabaro nolol maalmeedka carruurtiia oo lix ah, kirada guriga oo ah $40 iyo laba ka mid ah waxbarashada carruurtiisa oo dhigta fasalka afaraad ee  dugsi hoose oo iyagana laga qaado $8.

Cabdiraxmaan waxaa uu sheegay in noloshiisa iyo tan qoyskiisa ay ku tiirsaneyd hooyaddiis oo suuqa Bakaaraha ku iibisa khudaar. Waxa uu xusay in bilaha qaar ee uu suuqu xumaado ay aad ugu adkeyd in ay bixiso kirada guriga iyo cuntada taasina waxa ay sababi jirtay in hal mar ay dabka wax saartaan halka hadda saddex waqti ay awoodaan.

Wuxuu ganacsigan ku bilaabay lacag sako ah oo uu siiyay nin ganacsade ah, taas oo dhameyd $500. Ninkan maadaama uusan awoodin in uu la hadlo dadka soo wacaya ee dalbanaya alaabaha waxaa caawisa gabadh uu abti u yahay oo macaamiisha taleefanka ka qabata.

Cabdiraxmaan waxaa uu ka baxay dugsi sare sanadkii 2015 . Wuxuu sidoo kale bartay xirfadda cillad bixinta baabuurta iyo korontada, balse dhammaan xirfadahaas shaqo kuma helin.

Tan iyo markii u billaabay shaqadaan waxa uu maalin kasta meel dhigtaa $2-$2.5, taas oo uu uga golleeyahay in uu ku balaariyo ganacsigiisa bilaha soo aadan.

Wiil ay qaraabo yihiin ayaa Cabdiraxaan labo bil barayay sida loogu shaqaysto suuqan internetka ee looyaqaan e-commerce, kaas oo ka war hayay xaaladdiisa nololeed. Arrintaan ayaa waxaa u sahashay waxbarashadiisa maaddama uu waxna qori karo waxna akhrin karo.

Waxa uu ka soo baxay dugsiga dadka maqalka naafada ka ah ee ay furen ururka dadka maqalka naafada ka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo uu ku dhigtay si bilaash ah.

 Muuse Kadle Xasan oo ah guddoomiyaha ururkan ayaa sheegay in markii ay arkeen waxbarasho la’aanta dadka maqalka la’ ay go’aansadeen in ay waxbaraan si ay iskood ugu shaqaystaan.

Waxaa uu sheegay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ay kordhen dadka maqalka la’ ee waxbarashada heerka jaamacadda iyo iskuullada kasoo baxay, balse shaqo la’aantu ragaadisay.

“Aad ayay u yar yihiin kuwa u shaqeeya shirkaddo ama hay,ado. Waxaaba la dhihi karaa ma jiraan oo dhagoolnimadooda ayaa lagu takooray waxa ay u baahan yihiin in arrintaas laga taageero.”

Previous Post

Bay: Qiimaha raashinka lagu iibiyo Baydhabo oo hoos u dhacay markii dalag badan ay suuqa galiyeen beeraleyda

Next Post

Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

Muqdisho: Boqollaal carruur ah oo ka soo kabanaya nafaqo darro iyo cudurro markii ay heleen daawayn bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo