(ERGO) – Hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu iibiyo raashinka ka baxa dalka ayaa keentay in Shamso Maxamed Isaaq oo muddo afar bil guri joog ahayd ay dib ugu laabato suuqa raashinka Godey ee magaalada Baydhabo.
Saddex loor oo galley, digir iyo masago iskugu jira oo ay qiimo jaban uga iibsatay beeralayda deegaanno hoostaga Baydhabo ayay ku gadataa meheraddeeda iyadoo dulsaarata faa’iido lacageed oo u sahlay in nolol-maalmeedka ay u hesho carruurteeda oo toddobo ah.
“Afarta boqol (shilin Soomaali) ee maalintii aan ka helo iibinta raashinka labo boqol waxbarashada carruurta ayaan isaga bixiyaa boqol kunna gabar ii joogtaa ayaan u dhiibaa waana biillanaa boqolna meel baan dhigtaa si carruurta dugsigooda iyo iskuulkooda aan ugu bixiyo.”
Raashinka ay iibiso ayaa hoos u dhacay bishii Janaayo ee sanadkan, markii beeraleyda tuulooyinka Bohol, Ooflow iyo Hariiri-Jiif oo ka tirsan gobolka Bay ay suuqa raashin geeyeen dalag u badan masago, digir iyo galley bilihii Nofeembar iyo Diseembar ee sanadkii hore.
Shamso waxay ku faraxsan tahay in mar kale ay awood u yeelato helidda cunno ku filan saddex waqti maalintii carruurteeda iyo waxbarashada labo ka mid ah oo ku jira iskuul hoose iyo dhexe oo ku yaalla Baydhabo.
Aabbaha dhalay carruurteeda ayay sheegtay in uu ka tagay bishii Nofeembar ee sanadkii hore, markii ganacsigeedu uu istaagay isla markaana hubanti la’aan cunno ay gashay noloshooda.
Waxay xustay in ay ku tiirsanayd muddadii suuq la’aantu jirtay qoysas ay ehello yihiin, kuwaas oo ka taageeri jiray hal waqti cunno ay dabka saaran jireen. Waxay ka soo kabanaysaa nolol-xumo ay wajaheen muddadii ganacsigeedu uu ha kadka kaga jiray.
“Masagada markii ay soo raqiistay haddana suuqa Goday baan ku laabtay. Badarka iibintiisa ayaa billaabay. In aan ku laabto suuqa waxaa keenay baadiyaha ayaa dalaggii ka baxay oo magaallo iyo baadiye barwaaqo ayaa ka dhacday, Masaggada iyo kuwa kale way noo fiicnaadeen. Seddaxdayda baaf ee aan ku iibiyo wey ii buuxaan.”
Ganacsigeeda waxaa sii bilay bisha Soon oo dad badan ay ku saxuurtaan ama ay ku afuraan raashinka dalka ka baxa sida masagada ama galleyda.
Raashin ay iibiyaan Shamso iyo suuqlayda kale ayaa ka soo go’ay in ka badan 6000 oo beer oo ku yaalla tuulooyin hoostaga Baydhabo, kuwaas oo ku baxay roobkii Dayrta sida Raadiyow Ergo uu sheegay Cabdinuur Ibraahim Xasan guddoomiyaha iskaashatada beeraleyda gobolka Bay.
Maxamed Ibraahim Caddow oo aabbe u ah shan caruur ah ayaa ka mid ah beeraleyda dalaggu u soo go’ay afar sano kaddib.
Bartamihii bishii Diseembar ayuu suuqa raashinka ee Goday uu geeyay 21 kiish oo masaggo ah, 24 digir ah iyo 18 galley, kuwaas oo uga soo go’ay beertiis oo 5 hiktar ah.
Beertan oo ku taalla deegaanka Bohol 12 km u jirta Baydhabo ayuu abuurka galiyay bishii Ogoosto ee sanadkii tagay, markii uu helay roobka Dayrta.
Inkastoo uu cabasho ka muujiyay qiimaha looga iibsaday raashin oo hooseeyay haddana wuxuu awood u yeeshay in uu iska bixiyo lacagtii abuurka iyo shan milyan oo shilin Soomaali ah oo ay ku lahaayeen bakhaarro uu raashin ka dayn saday xilligii ay wax-soo-saar la’aanta ay ahayd beertiisa.
“Badarkii aan geeyey sidii aan Ka rabay ma noqon. Beec qabow oo raqiis ah ayaan ku so gadanay. Siddeed milyan iyo xoogaa boqollaal ah baan ka helay. Xamaaliga iyo kareetadii keentay markaan ka jaray 6,748 Kun oo shilin Soomaali ah camal ayey ii noqdeen. Badarkaas aan gatay dayn ayaa ku bixiyey wax dhaqaale kale ah oo aan Ka sameysatay ma jiraan.”
Qoyskiisa ayaa weli quudanaya siddeed kiish oo raashin ah isla markaana iskugu jira galley, digir iyo masago, kuwaas oo uu ka reebay dalagga uu suuq geeyay.
Maxamed ayaa wajahay sanado is xigxiga oo qasaare uu kala kulmayay tacabka uu galiyay beertiis roob yarida darteed.
Dhaqaale uu ka helo wax-soo-saar ay sameysay beertiisa waxaa ugu danbeysay sanadkii 2019. Haddaba sidee ayuu ku maaraynayay nolosha qoyskiisa, maaddama il kale oo dhaqaale uusan lahayn.
“Xerooyinka barakacayaasha ayaan tagayay mararka qaar kaar baan ka helayay oo raashin la igu siinayay. Intaas baan ciyaalka ku maareynaayey ilaa afartaas sano ee beeraha ay naga halaabayeen.”
Beertiisa oo ku tiirsan biyaha roobka ayuu rajaynayaa in uu mar kale abuur galiyo isagoo ka faa’iideysanaya roobka Gu’ga oo labo jeer ku da’ay deegaankiisa intii lagu guda jiray bishan April.
Dadka ku nool Baydhabo gaar ahaan dan yarta iyo kuwa ku jira xeryaha lagu barakacay ayaa fursad wanaagsan u arka hoos u dhaca ku yimid qiimaha raashinka. Dadkaas waxaa kamid ah Maxamed Cali Deerow oo ah 60 jir aabbe u ah 10 carruur ah.
Wuxuu sheegay in kiilada masagada ah oo uu ku iibsan jiray markii hore 20 kun oo shilin Soomaali ah hadda uu ku gato 7 kun. Sidaas oo kale waxaa hoos u dhacay qiimaha digirta iyo galleyda.
Maxamed ayaa tilmaamay in qoyskiisu ay dabka shitaan saddexda waqti ee maalintii, halka markii hore ay ku tiirsanaayeen cunno hal mar ah dhaqaale xumo iyo qiimaha raashinka oo sareeyay awgeed.
“Haddii uu qaali noqdo badarka wuxuu aad u dhibaa danyarta. Saameynteeda way badatay haddii ay qaaliyowday masagadii anigoo raba oo u baranay qarash yari awgeed waan goywaynay. Hada nolosha aad ayay u fiicantahay qofba siduu rabay ayuu wax u karsanayaa soorta la cunaayo canbuulada. Siduu rabo ayuu u mabuulaysanayaa.”
Nolosha qoyskiisa ayaa ku tiirsan kaar ay ku helaan lacag $70 ah bishii oo ay bixiso hay’adda WFP. Wuxuu xusay in lacagtaas aysan ku filnaan jirin markii hore, balse haatan oo raashinku raqiisay dhinaca cunnada uu ku maarayn karo.
Saddex sano ka hor ayuu joojiyay beero falashada, markii abaar ay saameysay beer yar oo uu ku leeyahay dhul u dhow gurigiisa. Wuxuu ku beeran jiray khudaarta noocyadeeda kala duwan iyo galley.
Wuxuu ku rajo wayn yahay in uu dib u billaabo tabcashadeeda haddii uu isku helo roob ku filan, abuur iyo dhaqaalo uu ku fasho.










