Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

Ahmed Mohamed by Ahmed Mohamed
May 15, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

Togga Burao oo saameyn fatahaad u geeysta beeraleyda Togdheer/Siddiq Yuusuf/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xuseen Maxamuud Faarax oo ka mid ah beeraleyda gobolka Togdheer wuxuu  xal u la’yahay sidii uu uga faa’iideysan lahaa biyaha mara togga weyn ee  magaalada Burco xilli roobaadkan Dayrta.

Ninkaan oo heysta laba beer oo kala ah toddobo hiktar iyo afar hiktar ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay dhaqaalle yarida beeraleyda iyo in ay waayeen cid ka caawisa sidii loo soo leexin lahaa biyaha mara togga.

Beeraha Xuseen oo saaran labada qar ee wabiga waxaa ka baxa khudaarta noocyadeeda kala duwan sida, yaanyada, degalka, saytuun, liindhanaanta iyo qaraha. Ninkaan ayaa beeraley ahaa muddo Siddeed sano ah.

Waxaa uu xusay in hadda oo ay isticmaalaan ceel-riig ah halkii mar ee beerta u soo go’do ay soo saaraan Saddex Tan labada beerood, balse haddii ay ka faa,iideysan lahaayeen biyaha togga ay saari lahaayeen ugu yaraan 20 tan sanadkii.

Ninkaan ayaa sheegay in sanadkii ugu yaraan Shan kun doollar ay uga baxdo Shidaalka ceelka beerta lagu waraabiyo.

“Sababaha looga faa’iideysan waayay waxaa ugu muhiimsan waa aqoon la’aanta. Waxaa loo baahan yahay dad aqoon u leh qalabkii. Annaga haddii aan nahay beeraleyda togga kama faa’iideysano biyaha meesha maraya anagoo waliba baahi badan u qabana, waayo annaga awoodayada waa ka baxsan tahay waxaan u baahanahay dowlad wax naga kala qabata.”

Waxaa uu tilmaamay in ay sameyeen isku dayo badan oo ay ka mid yihiin in ay biyaha u sameeyaan Kanaalo ay maraan iyo in ay lacag iska aruuriyeen, balse ay ku filnaan weyday in lagu soo iibiyo qalabka looga faa’iideysan karo biyaha. Waxaa kaloo uu tilmaamay in ay waayeen dad ku tababara qalab yar oo ay ku soo iibsadeen dhaqaalle ay iska aruuriyeen beeraleyda qaarkood.

Waxaa uu rajo qabaa mustaqbalka in beertiisa oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta in lagu waraabiyo biyaha togga ayna heli doonaan taageero iyo aqoonta qalabka lagu jeexaayo biyo mareenada.

Khuburada dhanka beeraha ayaa sheegay in haddii loo helo qorshe biyaha mara togga looga faa’iideysan karo in ay sare u qaadi karto dadka beeraleyda ah ee ku nool gobolka Togdheer, maaddama hadda tiradoodu yar yahay oo dadka ay u badan yihiin xoolo dhaqato.

Maxamed Muuse Nuux oo ah khabiir dhanka beeraha ah waxa uu Raadiyow Ergo u sheegay in dad badan oo rabay in ay noqdaan beeraley ay uga baaqsadeen, markii ay waayeen biyihii ay ku waraabin lahaayeen.

Khabiirka ayaa tilmaamay in biyaha mara Togga weyn ee magaalada Burco ay waraabin karaan in ka badan 100 hiktar oo beero ah muddo ka badan hal sano, haddii loo helo keydin iyo dhaamam ku habboon.

Waxaa uu xusay in ganacsatada iyo qurbajoogta ay halkaasi uga banaan tahay fursad ay uga faa’iideysan karaan biyaha togga mara oo laga sameyn karo waraab xooggan oo kordhin kara dhaqaallaha soo gala dadka beeraleyda ah.

Wuxuu tilmaamay in ay meesha ka maqan yahay qorshihii dowladda, maaddama beeralayda ku dhaw Burco aysan haysan aqoon iyo awood dhaqaale oo ay biyaha ku soo leexsadaan.

“Haddii la heli lahaa dhaamam biyaha ay ku jiri karaan sanad ama lix bil wax badan ayaa la beeran lahaa, balse caqabadda heysta waa dhanka biyaha, intii roobka la sugi lahaa haddii laga faa’iideysan lahaa toggaa waxaa suuqa soo gali lahaa dalagyo badan oo dhaqaale si deg-deg ah looga sameeyn lahaa.”

Somaliland ayaa sheegtay in ay ogsoon tahay kaalinta biyahan, kuwaas oo wax wayn u goyn lahaa beeraleyda haddii loo helo daamam ay biyaha ku kaydsadaan kuna waraabsadaan beerahooda.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Ibraahim oo ah Iskuduwaha wasaaradda beeraha Somaliland ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in mustqabalka qorshaha Somaliland ay ku jirto sidii loo sameyn lahaa biyo xireen weyn oo laga jeexi doono togga Burco.

Waxaa uu sheegay in dadka ay siiyaan wacyi galin joogto ah oo ku saabsan sidii ay wax u beeran lahaayeen, si looga hortago cunno yarida ku soo laab laabatay Somaliland.

“Qorshaha hadda aynu wadnaa waa inaan tababaro siinno beeralayda. Dhiiri gelinno ka wasaarad ahaan, toggan wuxuu u baahan yahay dhaqaale badan, waayo waxaa laga samaynayaa in la qabto biyihii iyo ciidda. xagga hoose la soo xiro, oo toga la ka jeexo si biyaha laagag loogu sameeyo taasina waad ogtahay oo waxay u baahan tahay dhaqaale badan.”

Previous Post

Dhadhaab: Helidda cunnada oo ku adkaatay kumannaan qoys oo ku nool xeryaha markii uu kordhay qiimaha raashinka

Next Post

Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo