Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

Ahmed Mohamed by Ahmed Mohamed
May 16, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

Ceyni Cali Maxamed oo ah hoyada labo carruur ah waxay ka mid tahay dadka dagaalka ka soo barakacay ee aan haysan hoy, macuun iyo cunno midna/Mahad Macallin/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khadra Cabdi Cigaal kuma aysan fikirin waligeeda inay maalin noqon doonto barakac aan haysan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, balse dagaalka ka socda Laascaanood ayaa ku qasbay inay ka soo cararto gurigeeda iyo dukaan ay ku lahayd magaalada billowgii bishii Abriil ee sanadkan, iyadoo aan waxbo ka soo qaadan.

Waxay ku biirtay Kaamka Sool oo labo kiilo mitir dhanka bari ka xiga magaalada Galkacyo. Haweeneydan oo ah hoyada afar carruur ah ayaa sheegtay in bishii ay xeradan joogeen ay hal waqti oo maalinkii ah dabka saaranayeen 40 kiilo oo raashin ah oo ay u soo uruuriyeen dadkii ay kaamka ugu timid.

Raashinka ayay xustay in hadda uu gabaabsi ka yahay oo ay u soo hartay inyar oo ay ku moodaan toban maalmood keliyah. Waxay walaac ka muujisay sida ay noqon doonto nolosha carruurteeda, haddii uu raashinka ka dhammaado.

Khadra oo qoyskeeda dabka shidan jiray saddexda waqti ee maalinkii ayaa xustay in hadda ay carruurteeda hal waqti helaan. Raashinka ay karsadaan ayay sheegtay inuu yahay mid aan idaan lahayn. Waxay xustay inaysan magaalada cidna ka aqoon.

“Annaga meeshaan deegaan uma nihin oo ma ka soo shaqaysan karno. Maamulka kaamka iyo dadka kale waxay noo soo uruuriyaan bay nolosheenu ku dhisan tahay. Kiilooyin bay nasiiyaan, waxay so uruuriyaan daqiiq bay noo soo qaadaan, qof saliid unbuu noo keenayaa, kuwa sonkor bay keenayaan, kuwa baasto ayay keenayaan,” ayay tiri.

Khadra iyo carruurteeda ayaa ka mid ah 150 qoys oo dagaalka ka soo barakacay labadii bilood ee la soo dhaafey, kuwaasi oo Kaamka Sool ku soo biiray. Dadka barakaca ah ee xerada uga soo horreeyay ayaa ka caawiyay dhismaha buushash ka sameeysan calal iyo kartoomo la isku xir-xiray oo ay ku hoydaan.

Hasayeeshee, haweeneydan ayaa xustay in guriga cooshaadka uusan ka celin karin dhibicda roobka gu’ga oo halkaasi ka da’aaya. Waxay tilmaantay in carruurteeda oo aan noloshaan u baran ay u adkaysan la’yihiin qaboowga.

Khadra oo ku nooleed guri ka kooban afar qol oo ay iyada leedahay, ayaa sheegtay in marka uu roob soo da’o ay ka codsato qoysaska deriska la ah ee ku nool guryaha jiingadda ka sameeysan inay carruurta u hayaan.

“Annaga cooshado la isku waxeeyey baa noo dhisan. Cooshadii saa iskaga gabaadsanaynay oo bac malahayn [roob] ayaa aad noo saameeyey, cooshadii ayadaba nagu sii kor dhisay oo ilmahii baa nooga xajiimooday, gacmahan ku qaadnay ilmahii reeraha sarahu u dhisanyahiin iyo xafiis kaamka ka dhisan baan la galay aad buu noo saameyey cuntadii baa qoyday, ilmihii baa naga qarqaray, intaasi buu na gaarsiiyey.”

Khadra ayaa sheegtay in nolosha barakacnimada ay tahay mid aad u adag. Maalinba midda ka dambeeyso ayay xustay in culeeyska uu ku sii kordhaayo. Waxay tilmaantay in markii ay Laascaanood joogtay uu qoyskeeda nolol ahaan isku filnaa, maaddaama ay iyada iyo seygeedaba ay shaqeeyn jireen.

Dukaan ay magaalada ku lahayd ayay sheegtay inay maalinkii ka heli jirtay 10-15 doolaar oo faa’ido ah. Saddex ka mid ah carruurteeda oo dhiganayay dugsi Quraan ayay xustay inay bishii ka bixin jirtay $7 midkiiba. Lacagta u soo harto ayay tilmaantay inay ku kabi jirtay biilka qoyska.

“Laascaanood markan joogay waxaan lahaa dukaan xaafadeed, xabuubkan ka ganacsan jiray. Nolosheena waa iska dhacsan jirnay, odayga reerkana muruq maal buu ahaa markaas nolosheena qof daggan bay ahayd oo way noo xasiloonayd. Hadda lakiin, dad soo barakacay oo sabool ah oo meeshoodii aan joogin baa nahay. Markaan deegaankeenii joognay nolosheena waa ku qanacsanayn.”

Khadra ayaa xustay inay go’aansatay inay soo barakacdo, markii ay u adkeeysan weyday xabadaha la isweydaarsanayo. Ninkeeda ayay sheegtay inuu Laascaanood ku haray, si uu u ilaaliyo gurigooda oo burbur ka soo gaarey xabadaha.

Qoysaska qaar ee collaadda ka soo barakacay ee ku biiray Kaamka Sool ayaan haysan macuun ay xitaa wax ku karsadaan.

Ceyni Cali Maxamed oo ah hoyada labo carruur ah ayaa ka mid ah dadka maacuun la’aanta ah. Waxay sheegtay inay la soo baxsatay naftooda un. Alaabtii guriga u taalay ayay xustay inay ka soo qaateen keliyah dharkii markaasi ugu jiray.

Waxay codsatay in laga caawiyo helidda adeegyada aasaasiga u ah nolosha, sida hoy, cunno, alaab ay wax ku karsadaan iyo biyo.

“Meel aan roobka ka galno mahaysanno, cunno mahaysano – xaaladda aad ayay u adagtahay. Qof kasto oo soo barakacay gurigiisa raashin hadii caawa la karsado, subixii lama karsanaayo. Markii hore saddexda waqti waan helayne. Hadda se, hal waqti hadii la helo markaas ayaa dabka lagu shubanaa.”

Ceyni ayaa tilmaantay in qoysaskii uga soo horreeyay xerada ay ku caawiyeen 16 kiilo oo raashin ah oo isugu jira bur, bariis iyo sonkor markii ay timid xerada billowgii bisha Ramadhaan.

Haweenaydaan ayaa tilmaantay in roob ka da’ay Galkacyo 27-kii bishii Abriil uu ka dumiyay qeyb ka mid ah gurigii cooshka ee ay daganayd. Helidda hoy ay dhibicda roobka ka galaan ayay xustay inay tahay baahideeda ugu weyn.

Ceyni ayaa ku noolayd guri saddex qol ka kooban oo ay iyada leedahay, ka hor inta aysan collaadda soo barakicin. Waxay sheegtay in guriga loo soo sheegay inuu ku burburay xabadaha la isweydaarsanaayo.

Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in nolosha qoyskeeda ay uga soo saari jirtay miis ay u saarnayd khudaar. Waxay xustay in maalinkii ay ka heli jirtay 10 doolaar oo faa’ido ah. Gabar ay dhashay iyo labo gabdhood oo la dhashay ayay xustay inay ka bixin jirtay dugsi Quraan.

“Dad iska xoogsato ah oo miis yar magaalada ku heystay ayaan ahayn. Nolosheena waan ku filnayn oo cidna uma baahnayn caawinaadooda. Wuxuu Alle naga siiyo oo irsaaqad ah baan iska quudanaynay, lakiin meeshii haddii dagaal ka dhacay oo nabad jirin waa la iska garan karaa, marka nafta kala soo cararnay.”

Guddoomiyaha Kaamka Sool Sahro Xasan Cali ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dadka ka imaaday Laascaanood ay isugu jiraan wayeel, dumar iyo carruur aan qaraabo u joogin magaalada. Dadka ku nool kaamka oo aan iyagaba dhaamin ayay xustay inay raashin ay iska soo uruuriyeen ay ku caawiyeen. Waxay walaac ka muujisay sida uu xaalkooda noqon doono, haddii aysan helin gargaar, maaddaama raashinkii la siiyay uu gabaabsi ka yahay.

“Dadkan annagu waxaa u sameeynay inaan ka caawinay dhismaha cooshadaha iyo raashin yar oo aan iska soo uruurinay. Mar mar baa fuusto biyo ah u shubnaayo, wax kale oo loo qabtay ma jirto.”

Previous Post

Togdheer: Beeraley qalab la’aan uga faa’iideysan la’ biyaha mara togga Burco

Next Post

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryaha oo aan u awoodin carruurtooda in ay kala tacaalaan xanuunno haya dhaqaale xumo darteed

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas ku jira xeryaha oo aan u awoodin carruurtooda in ay kala tacaalaan xanuunno haya dhaqaale xumo darteed

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryaha oo aan u awoodin carruurtooda in ay kala tacaalaan xanuunno haya dhaqaale xumo darteed

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo