Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qoysas ku jira xeryaha oo aan u awoodin carruurtooda in ay kala tacaalaan xanuunno haya dhaqaale xumo darteed

Ahmed Mohamed by Ahmed Mohamed
May 19, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas ku jira xeryaha oo aan u awoodin carruurtooda in ay kala tacaalaan xanuunno haya dhaqaale xumo darteed

Fardowso Maxamuud oo ku sugan ilinka aqalkeeda/Rijaal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saciido Maxamed Cali oo hooyo u ah lix carruur ah oo ku nool xero ku taalla dagmada Dayniile ayaa labo ka mid ah oo da’doodu ay tahay toddobo jir iyo iyo lix jir waxay wajahayaan xanuunnada Tiifowga iyo Malaariyada, kuwaas oo laga helay markii ay dhakhaartiir baaritaanno ku sameeyeen.

Haweynadaan ayaa sheegtay in habeenkii aysan seexan carruurteeda, sabab la xariira qandho daran oo qabanaysa, markii qoraxda ay qabowdo ilaa laga gaaraayo labo saac oo subaxnimo.

Saciido ayaa xustay in ay awoodi waysay in ay iibsato daawo ay u qoreen carruurta dhaqaatiir gurigeeda ugu yimid. Waxa ay sheegtay in subaxdii ay siiso liin dhanaan walina aysan ku arkin isbedel oo xaaladda  ay ka sii dareyso mar walba.

“Meel caafimaad ma geyn ilamaha, sababtoo ah wixii la siin lahaa ayaan raadin ugu jirnaa. Wax lacag ah oo isbitaal ku geyn karo ma hayo. Hadda xabad-sowdo iyo saliid ayaan u mariyaa. Xaaladda waad arkeysaa beeso la’aan darted ayaan isbitaal u geyn waayay ilmaha.”

Waxay tilmaamtay in markii ururka dhaqaatiirta ay baaritaano ku saameeyeen carruurteeda bishii April ee lasoo dhaafay si lacag la’aan ah ay u sheegeen in daawo qiimaheeda dhan yahay 64$ looga baahan yahay in ay ka soo iibsato meelaha daawada lagu gado, balse duruufta haysa ay u saamixi wayday helidda lacagtaas.

Carruurteeda oo agoon ah ayay ku quudisaa qarashaad kooban oo ay ka hesho shaqada dhar dhaqidda oo ay si maalin dhaaf ah u hesho. Waxaa ka soo gashay $6 halkii mar.

Wax la’aanta ayay sheegtay in ay biday in mararka qaarkood 24 saac oo xiriir ah aysan helin wax ay cunnaan ilmaheeda markaasna baahida heysta darteeda ay u hilmaamaan xanuunka haaya.

“Haddii maalinkii la quraacdo lama casheeyo. Haddii la casheeyana lama quraacdo. Xaaladda quutul-yoom ee aan ku nool nahay ayaa sidaasi noqtay.”

Saciido ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha Samafalka ugu soo jeedisay in lagu caawiyo daawada ilmaha iyo sidii ay u heli lahaayeen goob Caafimaad.

Sanadkii 2021 ayay ka soo barakacday degaanka Kuulow ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib dagaal beeleedyo ka dhacay degaankaas islamarkaana saameyn ku yeeshay, maaddama ay ku weysay aabbihii dhalay lixdeeda carruur.

Fardowso Maxamuud Kuulane oo ah hooyada saddex carruur ah wiilkeeda ugu yar oo ay da’diisa tahay saddex sano ayaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan la xanuunsan cudurka maqaarka ee loo yaqaano isnidaamiska. Arrintan ayaa keentay in uusan joojin oohinta habeen iyo maalin xanuunka haaya dartiis.

Waxay sheegtay in wiilkeeda loogu sameeyay baaritaan lacag la’aan ah, balse natiijadii baaritaanka ka soo baxday ay noqotay in loo soo iibiyo boomaatooyin iyo kaniiniyaal loo qoray oo lacagtooda dhan tahay 35$, taasi oo heliddeeda aysan awoodin.

“Qof wax heysta ayaa ku fakara in uu isbitaal aado. Mar waliba xanuunka waa uu ku kacaa. Wax aan isbitaal ku geeyo ama aan baabuur kula raaco ma heysto. Wax aan u awoodo ma jirto aniga waxaan ahay qof iska daruufeysan oo aan waxba gacanta ku heyn.”

Fardowsa oo ilmaheeda ay yihiin agoon aabbahood uu geeriyooday laba sano ka hor ayaa hadda ku nool guri ka sameysan baco iyo cooshado, kaasi oo ku yaalla xerada Aaran ee degmada Dayniile.

Waxay nolol maalmeedka carruurteeda ka maareysa qoryaha dabka lagu shito oo ay ka soo aruuriso banaanka xerada ka dibna ay ka iibiso maqaayaddaha ku yaala Dayniile. Maalinkii ugu badan waxa ay heshaa lacag dhan 12 oo shilin Soomaali ah oo u dhigta Nus doollar. Lacagtan uma goyso in hal waqtti ay cunno dabka ku saartaan sida ay sheegtay Fardowso

Sanadkii 2019-kii ayay ka soo barakacday gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Jilib Marko, markii halkaasi ay ka dhaceen dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab. Waxaa ay heysatay ka hor inta aysan soo barakicin maqaayad lagu iibiyo cunnooyinka iyo shaaha, balse dagaalladii dhacay ayay uga burburtay.

koox dhalinyaro dhaqaatiir oo si iskood ah isu abaabulay  kana kooban 12 dhaqtar ayaa baaritaano caafimaad oo bilaash ah ka sameeyay xeryaha barakaca ee degmooyinka Kaxda iyo Dayniile billihii Maarso,  April iyo May.

Dhalinyaradaan ayaa sheegay in u jeedadoodu ay tahay in dadkaasi u sheegaan xanuunka haaya si ay u raadsadaan dhaqaatiir iyo daawooyin ay ku badbaadiyaan naftooda.

Shaafici Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirta sameysay baaritaanka oo socday muddo saddex bil ah ayaa sheegay in cudurada ugu badan ee dadka barakaca ah ay kala yihiin Qoor-gooyaha,  Jadeecada, Bus-buska iyo cudurada maqaarka ku dhaca.

Shaafici waxaa uu sheegay in baaritaanka ay ku sameeyeen 70 xero oo ku yaalla degmooyinka Dayniile iyo Kaxda, halkaas oo ay deggan yihiin barakacyaasha ugu badan.

Saddex boqol oo carruur ah ayaa laga helay cudurada ku dhaca maqaarka intii ay wadeen baaritaanada  oo toddobaadkiib labo mar ay sameynayeen dhakhaatiirta.

Natiijada ka soo baxday baaritaannada waxay la wadaageen maamulka gobolka Banaadir qeybta caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka si wax looga qabto xaaladahaas ay ku soo arkeen xeryaha.

Previous Post

Sool: Qoysaska ka soo cararay colaadda Laascaanood oo la qabsan la’ nolosha barakacnimada

Next Post

Afmadow: Daad ka dhashay roobka oo saameeyay waxbarashada boqollaal arday ah oo ku jira xeryaha lagu barakacay

Related Posts

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Daad saameeyay gododka laga qodo carada oo nolol xumo biday qoysas ku tiirsanaa

June 23, 2025
Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Colaad hubanti la’aan cunno galisay boqollaal qoys oo barakac ka fursan waayay

June 20, 2025
Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland
Cunto-Yaraanta

Nolol xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday dhallinyada ku nool Puntland

June 19, 2025
Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku tiirsanaa iibinta biraha oo wajahaya nolol xumo suuq la’aan awgeed

June 17, 2025
Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah
Caafimaadka

Shabeellaha hoose: Haweenay ku guuleysatay yaraynta umul-raaca iyo gudniinka fircooniga ah

June 16, 2025
blank
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhalinyaro ka baxay shaqo xumo haysay markii la siiyay mootooyin

June 15, 2025
Next Post
Afmadow: Daad ka dhashay roobka oo saameeyay waxbarashada boqollaal arday ah oo ku jira xeryaha lagu barakacay

Afmadow: Daad ka dhashay roobka oo saameeyay waxbarashada boqollaal arday ah oo ku jira xeryaha lagu barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-JUN-2025

IDAACADDA 23-JUN-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-JUN-2025
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2025
June 23, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2025
June 22, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2025
June 21, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2025
June 20, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2025
June 19, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo