(ERGO) – Cabdiraxman Cali Carab oo xoolo-dhaqde ah wuxuu ku qasbanaaday inuu kabal-yeeri ka noqdo hoteel ku yaalla deegaanka Xero-dhagaxley ee gobolka Mudug. Shaqadan oo uu wado tan iyo bishii Deseembar ee sanadkii hore wuxuu ka helaa cunno ku filan qoyskiisa.
Wuxuu sheegay in $170 oo uu bishii ka qaato ay cunno yarida ka saartay qoyskiisa oo kooban 5 carruur ah.
“Ilmaheyga hadda saddex waqti waxbay cunaan awalna subixii iyo habeenkii ayaa wax yar la siin jiray,”
Cabdiraxmaan oo miyiga deegaanka ku dhaqan jiray 150 neef oo ari ah ayaa sheegay inay dantu bidday inay magaalada yimaadaan. Daaq la’aan iyo biyo yari ayaa 25 neef ka soo reebay xoolihiisa oo intooda badan ay ka dhinteen bilihii 6 iyo 7 ee sanadkii hore.
Wuxuu xusay in ka hor inta uusan shaqadan billaabin ay dulsaar ku ahaayeen qaraabadiisa oo deggan Xero-dhagaxley oo magaalada Gaalkacyo u jirta 200 oo km. Waxay wax ka siin jireen raashinka ay soo iibsadaan.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in bishii ay u beegi jireen 30 kiilo oo isugu jira bariis, sonkor iyo bur. Idaan ma lahayn raashinka oo waxay ku darsan jireen sonkor, inkastoo mararka qaar ay heli jireen khudaar aan badnayn.
“Dhibaato aad iyo aad ah ayaan baadiyaha ku qabnay. Noloshii isma kaamileyso. Magaalada waxaa taala nasniino shaqana waa leedahay,”
Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in qoyskiisu uu hadda helo cunno saddexda waqti ah oo leh iidaan.
Waxaa u suurta galiyay dhaqaalaha uu ka helo shaqadiisa oo nolol wanaagsan u abuurtay.
”Shaqadaan waa codsaday ninkii kaaba shaqaalaha ahaa oo shaqadan masuulka ka ahaa baa u tagay waxaan ku dhahay intaas oo ilmo ah ayaa waxbarasho iyo cunto iga raba shaqana ma haysto ee walaalow aan kamid noqdo isna waa iga aqbalay,“
Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray in isbedelka nololeed ee shaqadan ay u horseedday ay ka mid tahay in iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan uu geeyo carruurtiisa oo afar ah. Bil kasta wuxuu ka bixiyaa $44. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale bishii uu keydsado lacag toban doollar ah.
Ninkan oo 28 jir ah ayaa Xeero-dhagaxley ku haysta xoolaha u haray oo uu sheegay inaysan laheyn cad iyo caano abaarta oo jilcisay awgeed. Qoyskiisa waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo miyiga uu kala soo guuray.
Shan iyo labaatan qof oo isugu jira xoolo-dhaqato iyo dan yar ayaa shaqo abuur ka helay hoteelka oo muddo 4 bil ah furan. Shaqooyinka ay qabtaan oo halkaas lagu baray ayaa kala ah kabal-yeeri, cunto kariye, nadaafad, soo dhoweynta macaamiisha iyo waardiye.
Dadka shaqada ka helay waxaa ku jira kuwo ku shaqeyn jiray jarista dhirta dhuxusha laga shido. Maxamed Khaliif Salaad oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaalaha bishii uu ka helo oo ah $100 illaa $190 uu ka caawiyay inay soo kabato nolosha qoyskiisa oo ku tiirsanaa deyn mararka qaar loo diidi jiray. Wuxuu xusay in saddex bil oo howshan uu hayo uu ka baxay hubanti la’aan haysay qoyskiisa.
“Duruuftii haysatay aniga iyo qoyskeyga wax bay ka badashay nolosheenna. Shaqadaan haddey sii jirto oo ilaahay i gaarsiiyo waxaan rajeynayaa nolol fiican inaan ka sameysto,”
Maxamed oo cunno-kariye ah ayaa sheegay in xirfaddan uusan horay u lahayn, isla markaana uu si bilaash ah ku baray maamulka hoteelka muddo labo bil ah.
Ninkan oo ah aabbaha labo carruur ah ayaa tilmaamay in dhaqaale xumo darteed waxbarashada laga soo eryay bishii Maarso ee sanadkii hore wiilkiisa oo 8 jir ah.
Wuxuu dhiganayay fasalka 4 ee iskuul hoose ee Xeero-dhagaxley. Waxbarashada ayuu ku celiyay markii uu shaqada helay, wuxuuna bil kasta ka bixiyaa $23 oo iskuul iyo duqsi Qur’aanka iskugu jirta.
“Hadda kama warwarayo waxbarashadooda oo anigaa shaqeeya oo ka bixinaya,”
Maxamed oo 30 sano jir ah ayaa sheegay in bil kasta uu mushaarkiisa ka keydsado $20, taas oo uu xusay inuusan sameyn saddex sano oo dhuxusha uu ka shaqeynayay. Wuxuu u sababeeyay dhaqaalaha xilligaas soo galayay oo ahaa mid aan joogto aheyn.
Bishii May ee sanadkii hore ayuu tilmaamay inuu iska daayay jaridda dhirta, markii ay soo wajaheen caqabado ay ka mid yihiin dhaawac ka soo gaaray faas uu lug iskaga dhuftay iyo suuq xumo soo wajahday dhuxusha.
“Waxaa suurta gal ah afar bil ama shan bil in aysan kuu gadmin iyadoo diyaarsan oo ay kuu taalo meeshii,”
Maxamed ayaa sheegay in tan iyo markii uu shaqadan helay uu iska bixiyay $150 oo ka mid aheyd deyn $700 oo lagu yeeshay 9 bil oo uu shaqo la’aan ahaa.
Hoteelka uu ka shaqeeyo oo la yiraahdo Xero-dayax waxaa hirgaliyay ganacsato deegaanka Xeero-dhagaxley. Cabdalle Maxamed Cali Shire oo ka mid ah mulkiilayaashiisa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in u jeedka ay u fureen aysan aheyn kaliya in faa’ido dhaqaale ay sameeyaan, balse muhiimadoodu aheyd in deegaanka ay ka soo jeedaan ganacsi ka sameeyaan dadkuna ay shaqo abuur helaan.
Wuxuu xusay in falcelinta ugu wanaagsan ee ay heleen ay tahay tan dadka ay shaqaaleysiiyeen oo uu xusay in fursadan ay beddeshay nolosha qoysaskooda.
Deegaanka Xero-dhagaxley oo u dhexeeya degmooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ayaa dadka ku nool lagu qiyaasay labo kun oo qoys. Waxay u badan yihiin xoolo-dhaqato abaarta soo noq-noqotay ay saameysay hab-nololeedkooda.