Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 9, 2023
in Masiibooyinka, SOCIAL, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

Maryan Maxamed oo ka mid ah dadka uu dabka guryahooda ka gubay/Rijaal Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Maryan Maxamed Cali waxay ka mid yihiin 244 qoys oo dibad yaal ku ah bannaanka xeryo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Guri jiingad ah iyo agabkii yaallay ayay ku waysay dab ka kacay xerada Saacid 18 bishii Febraayo.

Habeenkii waxay ku seexdaan meel banaan oo xerada gudaheeda ah. Kartoomo iyo baco ay ka soo aruuriyeen xaafaddaha magaalada ayay gogol ka dhigtaan maalinkiina waxa ay hargalaan geedaha ku yaalla bannaanka xerada.

Maryan ayaa sheegtay in horay ay u wajahaayeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin biyo yari iyo cunno xumo, balse hadda ay u raacday faro marnaan dhanka hoyga ah.

“Markii hore waxaan aheyn dad heysta meel ay ka galaan roobka iyo dhaxanta inkastoo anan heysan wax aan cunno. Xanuun ayaan dareennay sababtoo ah hadda meel aan galno ayaan weysanahay,”

Maryan oo ah hooyada lix carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in labo mar ay dabka u saari jirtay waxii ay ka soo hesho dhar-dhaqis ay magaalada u aadi jirtay.

Gubashada gurigeeda ayaa saamayn ku yeeshay shaqadeedii maalinlaha ahayd, maadaama carruurteeda ay ku ilaaliso meel bannaan.

Waxa ay halmar siisaa raashin bisil oo ay ka soo dawarsato dariskeeda oo dhaqaale ahaan dhaama.

Gurigeeda ayaa dabku qabsaday xilli ay ku maqneyd shaqo, taasi oo sababtay in dhammaan wixii dhex yaallay ay gubtaan sida maacuuntii iyo dharkii Carruurteeda oo muddo dheer ay soo iibinaysay.

Carruurteeda waxaa soo badbaadiyay dadkii ku noolaa xerada, markii uu dabka ku billowday.

“Gurigan waa u jeeddaa siduu u gubtay hal xabo xitaa igama badbaadin. Awlaaddii yaa Illaahay iiga badbaadiyay banaankaan aan fadhiyo ayaa iga sal ah,”

Dabka waxyeelada u geystay guriga haweeynadaan iyo carruurteeda waxaa sababay hal dhinbil oo ka soo faniintay meel bannaan ah oo cunto lagu karinayay ka dibna qabsatay guri buush ah oo ku dheganaa gurigeeda.

Maryan oo deggan xerada barakaca ee Saacid tan iyo 2019 ayaa ku dhistay guriga ka gubtay lacag ay ka aruurisay shaqada dhar dhaqidda oo ay si maalinle ah uga shaqeyn jirtay iyo lacag ay dad ku sadaqeeysteen oo ahayd $300.

Waxay waddaa dadaallo ay ku doonayso in ugu yaraan ay ku dhisato guri buush ah, balse waxay ka cabsi qabtaa dabka joogtada ah ee ka kaca xeryaha barakaca inuu mar kale saameeyo.

Seyga Maryan ayaa labo bil ka hor u geeriyooday xanuun ku soo booday. Waxay sanadkii 2018 ka soo barakacday deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii ay saameeyeen dagaal beeleedyo sababay in ay tabcan wayso beer 4 hiktar ah oo ay ku leedahay deegaankaas.

Faadumo Maxamed Nuunow oo deggan xerada Daryeel ee degmada Dayniile ayaa dabkii ugu dambeeyay ee ka kacay xerada ay ku nooshahay bishii February ee sanadkaan wuxuu waxyeelo u geystay mid ka mid ah carruurteeda oo lix sano jir ah, kaas oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray lugta bidix.

Haweenaydaan ayaa wali latacaaleysaa dhayidda wiilkeeda oo daaweyn  bilaash ah ka helay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Benaadir.

Dabka ayay sidoo kale ay ku weysay guri ka sameysanaa teendho sida gurigii loo dhisay oo ay ka bixisay $150, maacuuntii iyo dharkii dhex yaallay.

Qoyska Faadumo hadda hal waqti oo kaliya ayay wax karsadaan halka markii hore ee hoyga ay haysteen ay awoodeen laba jeer in ay wax karsadaan.

Sababta keentay arrintaas ayay ku sheegtay Faadumo caruurteeda oo habeenkii dhaxan darteed jiifan waaya oo ay ku dhafarto. Shaqadeeda oo dhar dhaqis ahayd ayaa meesha ka baxday. Waxay ka helaysay maalinkii $4.

“Markii u guriga gubanayay magaalada ayaan qaraab ugu baxay. Waxaan soo laabtay iyadoo dadkii oo dhan banaanka jooggaan oo carruurtii guri la’aan ay yihiin,”

Faadumo waa hooyada 4 carruur ah oo kan u yar uu jiro 4 sano. Kaligeed ayaa korsata carruurta, markii Alshabaab ay dileen aabbahood oo ka biyo diiday in uu qab ka nodo dagaalka ay ciidamada dowlada kula jiraan.

Sanadkii 2020 ayay soo degtay Muqdisho, kadib markii ay ka soo barakacday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Axmed Muuse oo ka mid ah horjoogayaasha xeryaha dadka soo barakacay ee degmada Dayniile ayaa tilmaamay in hadda ay ka welwelsan yihiin kuwa dhisan ee cooshadaha ah, maadaama dabka ka kaca xeryaha uu noqday mid joogto ah oo soo laab laabtay.

Wuxuu u sababeeyay dabeyl xooggan oo ka dhacaysa Muqdisho, taasi oo sidoo kale saameyn ku yeelatay ilaa lix xero barakac.

“Dadkaan noloshooda waa mid aad u liidato. Xilligii ay guryaha heysteen waxay ahaayeen dad meel hoy ah ku jira, markii guryihii ka gubteen xaaladoodii waxaa kusoo biirtay in ay hoy la,aan noqdaan, ”

 Qoysaska deggan xeryahaan ku yaala degmada Dayniile waxay dabka u arkaan culeys kale oo ku soo kordhay noloshooda iyaga oo markii hore ku dhibbanaa helista saddexda waqti raashin ay quutaan.

Previous Post

Galgaduud: Beeraley dhib ku qabay helidda biyaha roobka oo laga taageeray ceelal ku shaqeeya soolarka

Next Post

Mudug: Xoolo dhaqato xirfado ay barteen kaga shaqaysta deegaanka Xeero-dhagaxley

Related Posts

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

March 21, 2023
Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta
Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta

March 21, 2023
Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin
Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin

March 13, 2023
Cali: Walaalkey oo ka baxay Dhadhaab ayaa ku jiray tahriibeyaashii ku dhintay badda Mediterranean-ka
Arrimaha Bulshada

Mudug: Xoolo dhaqato xirfado ay barteen kaga shaqaysta deegaanka Xeero-dhagaxley

March 12, 2023
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda
Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Beeraley dhib ku qabay helidda biyaha roobka oo laga taageeray ceelal ku shaqeeya soolarka

March 7, 2023
Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow

March 4, 2023
Next Post
Cali: Walaalkey oo ka baxay Dhadhaab ayaa ku jiray tahriibeyaashii ku dhintay badda Mediterranean-ka

Mudug: Xoolo dhaqato xirfado ay barteen kaga shaqaysta deegaanka Xeero-dhagaxley

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

Go to mobile version