Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: Beeraley dhib ku qabay helidda biyaha roobka oo laga taageeray ceelal ku shaqeeya soolarka

Radio Ergo by Radio Ergo
March 7, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Yoontoy: Qoysas dib u abuurtay beerahooda markii ay heleen agab webiga biyo uga soo jiida oo ku shaqeya tamarta cadceedda

Beeraleeyda Yoontooy ayaa dib u abuurtay beerahooda saddex sano kaddib/Axmad Toronto/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdullaahi Axmed Xasan oo labadii sano ee u daneeyay ku qasaaray tabacbka beertiisa  roob yarida darteed ayaa bishii 8 Febraayo ee sanadkan goostay dalag iskugu jira galley, masago, yaanyo, barbanooni, basbaas iyo calafka xoolaha nooca loo yaqaan suudaani.

Waxaa ka caawiyay in beertiisu ay wax-soo-saar yeelato ceel ku shaqeeya soolarka oo laga hirgaliyay shan bil ka hor deegaankiis Qaydar oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dalagga u soo go’ay oo uu u suuq geeyay Guriceel ayuu ka helay Cabdullaahi lacag dhan

$850. Biyaha uu ku beertay dalagyada oo lacag la’aan ah ayaa mar kale u sahlay in uu beertiisa galiyo abuur cusub oo iskugu jira khudaar iyo raashin.

“Biyuhu inkastoo awal cariiri iska ahaayeen kaalin fiican bay hadda nooga soo baxeen. Wax biyaha walwal ah kama qabaysid. Subaxa hore soolarka ayaa shaqaynaya galinka danbana soolarka waxyaabaha laga kaydiyay oo biyaha ah ayaan dib u isticmaalnaa,”

Wuxuu tilmaamay in caruurtiisa oo 4 ah ay si joogta ah u helaan saddexda waqti ee maalintii waxay cunaan iyo arad tirkooda, taasi oo ku adkayd markii hore. Wuxuu ku dabbari jiray raashin uu ka daymanayay dukaamada oo hal waqti ay dabka saaran jireen.

Wuxuu sheegay in uu iska bixiyay $200 oo ka mid ah $340 oo ay ku lahaayeen ganacstada iska leh dukaamada. Wuxuu rajaynayaa marka dalagga ka baxaya beertiisa uu u soo go’o in iska gudo lacagta ku hartay.

Cabdullaahi wuxuu quus ka joogay beero falashada ka hor inta uusan helin biyaha ceelka ku shaqeeya soolarka. Bartamihii sanadkii hore ayuu sheegay in beertiisa uu maal galiyay $600 oo uu ku caawiyay wiil ay walaallo yihiin.

Qayb ka mid ah lacagtan ayuu u isticmaalay abuurka iyo shaqaalaha beertiisa oo labo qof ah. Midkiiba wuxuu siinayay $60.

Hayeeshee, roobka oo yaraaday ayaa ku qasbay in uu isticmaalo biyo iib ah si uu beertiisa ugu waraabiyo, taasi oo meesha ka saartay faa’iidadii uu ka heli lahaa dalaggii uu beertay.

“Konton fuusto booyadda qaadda waxay kuugu keenaysaa halkii mar $60 ilaa $50 lacag u dhaxeysa. Waxaa la gayaabaa bil wax ka yar in aad ku isticmaasho booyaddaas. Marka dalaggii adiga kuu soo go’i lahaa biyay kaaga baxayaan,”

Biyaha lagu waraabiyo beertiisa waxaa gaarsiiya labo tuubo oo ceel biyoodka ka soo jiida, kuwaas oo hay’adda dhistay ceelasha ay ka taageertay Cabdullaahi iyo beeraleyda kale.

Ninkan oo 28 jir ah wuxuu cilmiga maamulka iyo maaraynta ka bartay jaamacad ku taalla guriceel oo uu ka qalin jabiyay sanadkii 2018. Wuxuu doobiday in uu noqdo beeraley, markii uu shaqo ku waayay aqoontiisa. Wuxuu ku hingoobay helidda fursado shaqo oo uu ka raadsaday xafiisyada maamulka iyo kuwa hay’ada.

Wuxuu billaabay in aaladda internetka uu ka barto macluumaad ku saaban beeraha. Waxay ku qaadatay muddo sanad ah. Cabdullaahi oo u baahnaa maal galin waxaa caawiyay qoyskiisa oo siiyay $1,600 oo uu ku samaystay beerta.

Wuxuu ka mid yahay beeraleyda tuulooyinka Qaydar, Laanle iyo Toon oo hoostaga Guriceel, kuwaas oo ka faa’iideysanaya biyaha saddex ceel oo laga hirgaliyay deegaannadooda. Waxay u baddeleen roobka oo aan joogta ahayn sanadigii lasoo dhaafay.

Ceelashan waxaa hirgalisay hay’adda maxaliga ah SECO waxaana dhaqaale ku baxay bixisay hay’adda IOM.

Beeraleyda ka soo kabanaya biyo la’aantii haystay waxay iskugu jiraan qaar muddo badan ku jiray beer falashada iyo kuwa sanadihii u danbeeyay tacabka beeraha billaabay oo u badan dad abaartu ay xoolo yari badday.

Waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Cabdalle oo 56 jir ah. Tuulada Toonka oo Guriceel u jirta 34 km ayuu ku leeyahay beer hiktar iyo bar ah.

Wuxuu safka hore ka soo galay dad noloshoodu ay is baddeshay, markii laga taageeray biyaha uu ku waraabiyo beertiisa.

“Ceelkaas waxaad mooddaa nolol gaar ah in uu noo abuuray walaallow. Hadda kollay rajo xumadii hore ma qabno beeraha rajo wayn baan ka qabnaa. Wixii abuur ah oo aan haysanayna hadda si fiican bay noogu baxayaan,”

Bishii Febraayo ee sanadkan ayuu ka helay dalag u soo go’ay faa’iido dhan $600. Wuxuu iskugu jiray dalaggan oo uu iib geeyay Guriceel qare, galley, digir, calafka xoolaha iyo noocyada kala duwan ee Khudaarta.

Wuxuu rajaynayaa in bil ka dib uu goosto dalag kale oo beertiisa ka baxaya, kuwaas oo u badan raashin.

Wuxuu iskaga filnaaday nolosha qoyskiisa oo 7 qof ah. Waxay si joogta ah u helaan cunnada ay dabka saartaan.

Axmed sidoo kale waa xoolo-dhaqde. Waxaa u jooga 85 ari ah. Waxay ka badbaadeen abaar ka dishay 230 neef. Wuxuu sheegay in faa’iidada uu ku qabo beertiisa mid la mid ah ay ka helaan xoolihiisa.

“Beertu way wayntahay. Intii aan awoodno waan beeranaa oo abuur baan u awoodnay inta kaleetana waxaa jira dalag xoolaha loo kaydiyo sida cowska iyo waxyaabo noocaas ah oo aan ku beerno oo aan waraabino, gurno meelna u dhiganno. Marka cowskaas bay hadda ku nool yihiin. Hadda xilli abaareed baa la iskaga jiraa,”

Wuxuu sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay saddex jeer oo ka mid ah uu ku qasaaray dalag uu beertay, markii uu roobku ku filnaan waayay. Wuxuu ku waayay In ka badan $1000 oo uu ka helay xoolo uu iibiyay.

Wuxuu sheegay in uu ka soo kabanayo dhibaatadii si daba joogga ahayd ee soo gaari jirtay beertiisa.

Ceelka uu waraabka uga helay beertiisa ayaa sidoo kale meesha ka saaray biyo uu u iibin jiray qoyskiisa iyo xoolihiisa. Halkii fuusto ayaa laga siin jiray lacag u dhaxeysa $4 ilaa $5.

Cabdi Iimaan Sharmaarke madax hay’adda SECO ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in mashruuca lagu qoday ceelashan uu qayb ka ahay barnaamij loogu dhawaynayo xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda biyo bilaashka ah, kaas oo ka socda qaybo ka tirsan Soomaaliya.

Intaas wuxuu ku daray in adeegga soolarka uu ku habboon yahay deegaannada laga sameeyay ceelasha, maaddama cimiladoodu ay kulushahay sidoo kalana uusan qarash ku soo celinayn.

Dhaqaalaha lagu dhisay saddexda ceel ayuu sheegay in ay tahay $210,000. Halkii ceelba waxaa lagu hirgaliyay $70,000.

 

 

Previous Post

Jubbada hoose: Qoysas ku barakacay colaad oo cunno yari iyo hoy xumo ku wajahaya xeryo ku yaalla Afmadow

Next Post

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la'aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo