Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
March 13, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sahra Xasan Cabdi iyo carruurteeda oo toddobo ah ayaa ku wajahaya cunno yari iyo hoy xumo deegaanka Doonta ee gobolka Nugaal oo ay barakac ku tageen dabayqaadii bishii Diseembar.

Tuuladan oo miyigeeda ay u roob raaceen ayaa daaq iyo biyo la’aan ay uga dhinteen 80 ari ah bilihii 9 iyo 10 ee sanadkii hore. Waxay la soo gashay deegaanka 20 neef oo iib iyo caano aan lahayn.

Qoyskeeda wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo ka kala yimid gobollada Bari, Mudug iyo qaybo ka tirsan Nugaal oo ku hungoobay daaq ay soo raaceen. Waxay awoodi waayeen dhaqaale ay dib ugu laabtaan iyo mid cunno ay ku iibsadaan.

Sahra waxay ka hayaantay tuulada ceel-lahelay ee gobolka Mudug oo halka ay joogto u jirta 170 km. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in subax walba ay u kalahdo sidii ay dadka deegaanka uga soo heli lahayd cunno ay dabka u saarto carruurteeda.

Waxay xustay in nacfigii xoolaha markii uu meesha ka baxay ay maciin bidday tuulada barakaca ay ku tahay.

“Waxaan ku noqonno oo fiican maba haysano. Gaadiid aan raranana ma haysanno qarash aan baabuur ku kiraysannana maba haysan,”

Aqal cooshad ah oo dhinacyada ka bannaan ayay ka dhistay deegaanka Doonta, kaasi oo ay qorraxda ka galaan maalintii, balse habeenkii dhaxanta ayay u nugul yihiin. Halka ay deggan yihiin waxaa kula sugan qoysas abaarta ku cayroobay iyo qaar xoolo aan badayn wata.

Ka hor inta aysan ka soo barakicin waxay suuqa gaysay ritigii uu reerku raran jiray bishii sagaalaad ee sanadkii hore. Lacagta ay ku iibisay oo ahayd $450 ayay xustay in qoyskeeda ay samata bixisay shantii bil ee la soo dhaafay.

Hayeeshee, tan iyo markii barakaca ay noqotay ayay tilmaamtay in carruurteeda aysan habeenna dharag ku jiifan.

“Dad ma dhargaan ah baan nahay. Wixii xoolaha ah oo gadmi lahaanna horaan uga gadannay,”

Maamulka deegaanka oo biyaha ka taageera ayaa toddobaadkii labo mar biyo dhaamin u sameeya qoyska Sahara iyo kuwa la deggan. Waxay qab ahaan u heshaa 200 liitar oo biyo ah asbuucii.

Biyahan ma soo dhaafaan qoyskeeda, tiiyoo ay jirto in xoolaha u haray ay si joogta ah haraad iyo daaq la’aan ay u dhintaan. Labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayay sheegtay in lix neef ay dhinteen.

Dadka duruufta dhaqaale ay yarirtay waxaa ka mid ah Cabdirixmaan dhubad Cabdi. Wuxuu ka dhaxlay hayaanka uu ku yimid Nugaal xoolo yari.

Labo boqol iyo labaatan ari ah oo uu la tagay miyiga tuulada Doonta waxaa uga badbaaday tiro yar oo uusan rajo badan ka qabin in ay sii noolaadaan.

“Waa 25-taas neef oo haddana uu waqtigu iska hayo oo baqbaqtinaya. Markii hadda la dhoho xoolihii haba la raro iyagii ayaa gaarayn. Qarash baabuur lagu saari lahaana ma awoodno,”

Qoyskiisa oo shan qof ah ayaa ka soo hayaamay sanadkii hore deegaanka Qorile ee gobolka Mudug oo tuulada uu joogo u jirta qiyaastii 200 km.

Waxay ku tiirsanayeen nacifaga xoolihiisa oo hadda meesha ka baxay. Wuxuu gocanayaa in nolosha ku haysta tuulada Doonta ay u dhaantay tii deegaankiisa. Wuxuu aaminsan yahay in xoolihiisa badankood ay u badbaadi lahaayeen haddii uusan soo guureen.

Qoyskiisa ayuu sheegay in cunnada ay helaan ay ku xiran tahay sida dadka deegaanku ay u caawiyaan. Mararka qaar ayuu xusay in ay qadaan wax ka badan 24 saac.

Deegaankiisa Qorile oo uu jeclaan lahaa in dib loogu celiyo ayuu markii hore xoolihiisa kaga soo qaaday gaari uu ku kireystay lacag dhan $300. Hadda se awood dhaqaale oo dib u celisa mahaysto.

Rooble Ismaaciil Warsame guddoomiyaha tuulada Doonta ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ka sameeyeen deegaanka markii ugu horreysay xero barakac oo kumee gaar ah. Waxay ugu talo galeen qoysas guuri waayay iyo dad deegaanka ah oo abaaraha ku xoolo beellay.

“Dadka hoy waxaa u ah baco yar yar oo aan u gaynay oo aan deegaanka Burtinle uga qaadnay iyo meelo yar yar oo ay dhisteen ayaa deegaan u ah,”

Wuxuu sheegay in xoolaha u haray ay sii dabar go’ayaan, maaddama aysan haysan baad iyo biyo ay ku noolaadaan.

Rooble ayaa intaas ku daray in qoysaskan ka maamul ahaan ay dib ugu celin lahaayeen deegaannadii ay ka soo hayaameen, balse aysan hayn awood dhaqaale.

Maamulka Puntland oo ay gaarsiiyeen duruufta qoysaskan ayuu tilmaamay in aysan jawaab ka helin.

Previous Post

Mudug: Xoolo dhaqato xirfado ay barteen kaga shaqaysta deegaanka Xeero-dhagaxley

Next Post

Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo