Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
March 17, 2023
in Arrimaha Bulshada, Cunto-Yaraanta
0
Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

Dhaqane in his shop reselling food items/Abdirisak Ahmad/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafey waxaa hoos u dhac ballaaran laga dareemayaa qiimaha raashinka ka soo go’a beeraha Baladweyne. Arrintan ayaa waxay saameeyn aad u ballaaran oo dhanka nolosha ah ku yeelatay beeraleeyda oo suuq u la’ dalaggii u soo go’ay. Waxay qeyb ka mid ah raashinka u diri jireen deegaanada Somaliland. Balse, waxaa hadda istaagay dhammaan gawaaridii xamuulka ahaa ee u safri jiray dagaalka Laascaanood awgiis.

Cumar Muumin Cisman wuxuu ka mid yahay beeraleeyda ay saameeynta soo gaartey. Ninkan oo leh beer 12 hektar ah ayaa waxaa u soo go’ay kun boqol afartan iyo labo kiish oo isugu jira galeey, digir iyo masaggo. Wuxuu xusay inuu suuq u helay 187 kiish keliyah, kuwaasi oo looga iibsaday qiimo aad u jaban. Raashinka u gadmay ayuu sheegay inuu ka helay keliyah $450, maaddaama ay macaamiisha qaar dayn ahaan uga qaateen.

Xilliyadan oo kale oo ay abaarta jirto ayuu tilmaamay in loogu imaan jiray beertiisa oo laga iibsan jiray dalagga u soo go’ay. Balse, middaas ayuu sheegay in hadda ay meesha ka baxday oo uu khasaaro dul taagan yahay.

“Beertii aan muddo badan qarashka galiyey, aan islahaa qarashka beerta lagaaga leeyahay iyo kuwa aan raashinka ugu soo qaatay isaga bixi, dhibaato badan ayaa hadda ku qabaa. Awal raashinka lacag fiican ayaan ka heli jiray oo waxaa raashinkan loo qaadi jiray ilaa Hargeeysa. Hadda cid naga iibsaneeyso majirto. Aniga waxaa la igu leeyahay $470 oo deeyn ah oo aan abuur iyo shidaal ku soo qaatay. Waxaa intaa i dheer $250 oo ay qoyska cunto ku soo qaateen,” ayuu yiri.

Cumar oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa xusay in hoos u dhaca qiimaha raashinka u walwal gaar ah ku haayo. Dadkii lahaa dukaamadii u deynta ka soo qaatay ayuu tilmaamay inay soo wacaan maalin walbo, maaddaama u ka ballan qaaday inuu dayntooda gudi doono marka ay beerta u soo go’do.

Wuxuu sidoo kale xusay inay ku adkaatay bixinta kirada guriga ay ku noolyihiin oo bishii ah $35. Muddo saddex bilood ah ayuu sheegay inuusan bixin kirada oo hadda ka cabsi qabo in laga saaro guriga u deggan yahay.

Lix ka mid ah carruurtiisa oo dhiganaya waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo uu bishii ka bixiyo $60 ayuu sidoo kale sheegay inuu san saddex bilood ka bixin.

“Walwal badan ayay arrintan igu haysaa, raashin intaan la eg haddii la iga gadan waayo waxan ku sameeyo xitaa ma aqaanno. Intii yarayd ee aan iibiyay lacagtii aan ka helay waxay ku baxday dadkii beerta ka soo raray. Waxaan rajeynaa inuu suuqa furmo mar dhow, haddii u furmi waayo, waxay noqoneysaa inaan iska xaraasho raashinka,” ayuu yiri.

Cumar ayaa sheegay in dalagyada u soo haray ay hadda iska yaalaan beerta oo uu ka cabsi qabo inay halkaas ku hallaabaan.

“Waxaan Abuuray Bishii 1-0aad ee sanadkii hore, waqti abaar ah ayaa lagu jiraa, dadkii kale oo aanan abuurin ayaan abuurtay. Waxaan is lahaa lacag fiican ayaad ka heleeysaa. Lakiin arintaasi waa ii saamixi waysay, dhibkan ayaa dhacay,” ayuu yir.

Hoos u dhaca qiimaha raashinka ayaa sidoo kale saameeyay dadkii ganacsatada ahaa ee ka ganacsanayay.

Dhaqane Camaloow oo ka mid ah ganacsatad iibisa raashinka dalka ka soo go’ay ayaa sheegay in suuq xumo aad u baahsan ay jirto. Wuxuu xusay in suuqa la keenay raashin ka badan intii horay la keeni jiray.

Beeraleeyda ayuu tilmaamay inay raashinka u soo go’a ay horay u diri jireen intiisa badan deegaanada Somaliland. Dagaalka ka socda Laascaanood ayuu sheegay inuu meesha ka saaray xilligan, gawaaridii raashinka u qaadi jirtay halkaa.

“Raashinka waxaa ku dhacay xilliga uu soo go’ayey ayaa la gaaray, dadkii qaadan lahaa ma joogan, sidaa darteed raashinkii hoos u dhac ayaa ku dhacay. Kiishka galeeyda $35 ayay ahayd, hadda waa $18. Masagada oo ahayd $45, hadda $24 ayay maraysaa. Digirta oo kale $90 ayay ahayd, hadda na waa $65. Raashinka oo dhan ayaa hoos u dhacay. Waxaa loo qaadi jiray Hargeeysa ilaa iyo boosaaso,” ayuu yiri.

Dhaqane ayaa sheegay in saameeynta iyaga soo gaartey ganacsato ahaan ay tahay in suuqa uu soo galay raashinka soo go’ay, iyadoo ay u taalo raashin ay lacag qaali ah ku soo qaadeen. Suuqa ayuu sheegay in hoos u dhaca aad looga wada dareemaayo.

Yuusuf Axmed Cabdi oo ah aabaha 19 carruur ah wuxuu qoyskiisa ku maareyn jiray dhaqaale u ka helo gaari xamuul ah oo u safra Hargeysa. Wuxuu xusay in muddo bil ah uusan safrin cabsida colaadda la xiriirta awgeed.

Wuxuu Raadiyow Ergo uga warramay sida ay arrintan u saameeysay.

“Bil qof aan shaqeeynayn waad dareemi kartaa culeeyska ay leedahay. Annaga isha keliyah ee dhaqaale ee aan ku tiirsannahay waa baabuurkaan, isagana waa u istaagay hadda. Garaash ayuu ku jiraa oo lacag ayaa la iga qaadaa. Anigii guriga ayaan iska joogaaa, taasi waxaa ay muujinaysaa shaqo la’aanta dhibta ay leedahay,” ayuu yiri.

Yuusuf wuxuu sheegay in 15 sano u kala safrayay Somaliland iyo Beledweyne. Gaariga u wado ayuu tilmaamay inuu u dhiibtay qof qaraabadiisa ah oo ku nool dibadda. Halkii safar ayuu sheegay in marka ay ugu badantahay uu ku heli jiray $3,000. Wuxuu tilmaamay in isaga uu $100 lacagtaasi kala hari jiray oo inta kale u diri jiray ninka gaariga iska leh. Lacagta uu heli jiray ayuu sheegay inay ku filnayd maareeynta qoyskiisa.

Toban ka mid ah carruurtiisa oo dhigta iskuul hoose/dhexe iyo sare ayuu tilmaamay in bishii Febraayo uusan ka bixin lacagtooda waxbarashada oo ah $80. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu awoodi la’yahay kirada guri u magaalada ka deggan yahay oo bishii ah $40.

“Bishii waxaan safri jiray 5 ilaa 4 Jeer inta u dhaxeeyso, hal marna ma istaagi jirin, mar Itoobiya ayaan ka gali jirnay, mar toos ayaan u bixi jirnay. Aniga dad masaruuf ka raadinaaya ayaan nahay, marka gaadiidleeyda waa dulman yihiin maaddaama dagaalo dhulkaasi ay ka qarxeen. Waxaan leeyahay sidii hore Allaha ha noogu soo celiyo,” ayuu yiri.

Yuusuf wuxuu xusay in darawaladii ay isla shaqeeyn jireen ay qaarkood ku xanniban yihiin Hargeeysa. Halka kuwa kale oo uu isaga ka mid yahay ay Baladweyne shaqo la’aan ku hayso, maaddaama u safarkii istaagay.

Previous Post

Nugaal: Reer guuraa ay nolol xumo ku hayso tuulada Doonta oo ay ku xayiran yihiin

Next Post

Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Coconut Shell Charcoal

Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo