(ERGO) – Warshaddan oo ay hirgaliyeen saddex dhallinyaro oo dalka dib ugu soo laabtay 22 bishii Nofeembar ee sanadkii hore ayaa maalin walba soo saarta 500 kg oo ah dhuxul macmal ah.
Dadka ku nool Kismaayo ayaa billaabay in ay iibsadaan iyagoo doorbidaya qiimaheeda jaban. Loorka dhuxushan ayaa laga siiyaa $3, taasi saddex jeer ka qiimo jaban tan dhirta laga shido oo kismaayo ka joogta $12.
Saalax Macalin Xusseen oo ah maamulaha warshaddan ayaa Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in ku dhawaad saddex bil ay ku qaadatay sidii dadka magaalada ay uga dhaadhacsiin la haayeen waxtarta dhuxusha ay soo saaraan.
“Labaatankii bari ee hadda u danbeeyay ayaa iibkeedu toos u billowday. Maalintii waxaan gadnaa afartan loor ilaa sodon loor bulshadana waa ay ku cusub tahay oo waa ay la yaaban yihiin, habeenkii waxaan isku dayaynaa in aan 500 kale aan soo saarno,”
Dhuxushan ayay ka sameeyaan isku darka qolofta miraha qumbaha oo ay gubaan, xashka dhuxusha caadiga ah, carro iyo biyo aan badnayn.
Saalax ayaa sheegay in aysan u adeegsan wax kiimiko ah, balse ay qamiiriyaan dhowr saacadood waxyaabaha ay isku daraan ka hor inta aysan warshaddu soo saarin.
Waa mid ka adag dhuxusha dhirta loo baddello dhumuc ahaanna ka wayn. Dadka isticmaalay ayaa inoo sheegay in ay shidnaan karto saacado badan si fududna ay cunnada u bislayn karto.
Saalax wuxuu xusay inkastoo ay billow tahay shaqada warshadda in ay door firfircoon ka qaadan karto yaraynta jaridda lagu hayo dhirta iyagoo u maraya sidii looga kaaftoomi lahaa dhuxusha kale.
Xashka ay adeegsadaan ayuu sheegay in ay ku badan tahay Kismaayo.
“Xashka waa la daadin jiray oo meelaha ayuu iska tuurnaan jiray magaaladana wasakh ayuu u keeni jiray. Waxaan soo aruurinaynaa oo recycle baan ku sameynaynaa. Waxaan nagu filan xashkii labaatankii sano la daadinayay, Sidaas daraadeeda, qayb wayn baan ka nahay in aan bulshadii iyo deegaankii aan ilaalinno,”
Qoysaska shita ayaa u badan dan yar duruuf dhaqaale wajahaya. Waxaa ka mid ah Sowda Muumin Cabdiraxmaan.
Qoyskeeda oo toban qof ah ayaa isticmaalaya tan iyo 28 bishii Febraayo loor dhuxul ah oo ay qiimo jaban ku gatay marka loo eego tii ay hore u iibsan jirtay. Waxay isbar bar dhigtay farqiga u dhaxeeya labada dhuxul.
“Tan waxaa ay uga fiican tahay qiiqna malahan xoogaa yar haddii aad ku shubatidna cabaar ayaad isticmaali. Halihii aad quraacda ku shidatay ayaa ilaa qadada aad ku sii karsani adiga oo aan damin,”
Sowda oo miis ay khudaar ku iibiso ku leh Kismaayo ayaa sheegtay in uu ka degay culays dhaqaale oo ay ku qabtay dhuxusha qaaliga ah. Bil walba ayay xustay in ay iibsan jirtay saddex loor oo ay ka bixin jirtay $36. Hadda se waxaa kaga baxaysa $6 oo kaliya.
Waxay tilmaamtay in aysan horay u aaminsanayn dhuxul aan hayn tan dhirta laga shido, balse iyadoo danaynaysa qiimaheeda hooseeya ay tijaabisay waxtarkeeda isla markaana ay ku qanacday.
Dhallinyarada aasaasay warshadda soo saarta dhuxusha ayaa billowgii sanadkii hore dib uga soo laabtay dalka Kenya oo ku dhawaad labaatan sano ay ku maqnaayeen. Waxay isku darsadeen dhaqaalaha ay ku sameeyeen.
Saalax Macallin oo ka mid ah milkiilayaasha ahna maamulaheeda ayaa sheegay in u jeedada ay kala haayeen hirgalinteeda in ay tahay sidii ay u soo kordhin lahaayeen ganacsi aan horay Kismaayo uga jirin dhinaca kalana faa’iido u leh dadka iyo deegaanka.
Warshadda ayay ku maal galiyeen lacag dhan $7,600.
“Cid warshadan gacan nagu siisay malahan. Anaga ayaa indhaha isku qabsanay. Jeebkeenaan fuulnay qaarna waan daynsanay oo dayn baa lagu soo qaaday. Lacagta aan daysanay waxay dhan tahay $3,800,”
Waxay shaqaaleysiiyeen 13 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin injineero si gaar ah u qaabilsan soo saaridda dhuxusha macmalka ah. Waxay qaatan bishii mushahar dhan $150, halka tobanka caawiya ay helaan min $50.
Shaqaalahan waxay ka mid ahaayeen 500 oo qof oo wasaaradda deegaanka iyo isbaddelka cimilada Jubbaland ay bartay sanad ka hor sida loo sameeyo dhuxusha macmalka ah.
Maslax Mowliid Maxamed Agaasimaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Jubbaland ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ay cilmigan bareen ay siiyeen shahaadooyin aqoontooda muujinaya si naftooda iyo dalka ay wax u taraan.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyay hal abuurka ganacsi ee ay la yimaadeen dhallinyarada dalka ku soo laabtay.
“Barnaamijka noocaas ah horayna waan u dhiiri galinay oo dad baan tababaro ku siinay in ay deegaankooda ilaaliyaan isticmaalka dhuxushana ay ka maarmaan dhuxul macmal ahna in la helo”
Waxaa jira ku dhawaad 50 qof oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo si maalinle ah uga faa’iideysta shaqada ka socota warshadda.
Waxay ka soo aruuriyaan deegaanka Goobwayn qolofta miraha qumbaha iyagoo ka iibsada maamulka shirkadda. Waxay ka siiyaan lacag u dhaxeysa $1-$2 qofkiiba.










