Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Warshad soo saarta dhuxul macmal ah oo door ka qaadanaysa yaraynta jaridda lagu hayo dhirta

Radio Ergo by Radio Ergo
March 20, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Coconut Shell Charcoal

Shaqaalaha warshadda oo ku howlan soo saarista dhuxusha macmalka ah/ Axmed Toronto

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Warshaddan oo ay hirgaliyeen saddex dhallinyaro oo dalka dib ugu soo laabtay 22 bishii Nofeembar ee sanadkii hore ayaa maalin walba soo saarta 500 kg oo ah dhuxul macmal ah.

Dadka ku nool Kismaayo ayaa billaabay in ay iibsadaan iyagoo doorbidaya qiimaheeda jaban. Loorka dhuxushan ayaa laga siiyaa $3, taasi saddex jeer ka qiimo jaban tan dhirta laga shido oo kismaayo ka joogta $12.

Saalax Macalin Xusseen oo ah maamulaha warshaddan ayaa Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in ku dhawaad saddex bil ay ku qaadatay sidii dadka magaalada ay uga dhaadhacsiin la haayeen waxtarta dhuxusha ay soo saaraan.

“Labaatankii bari ee hadda u danbeeyay ayaa iibkeedu toos u billowday. Maalintii waxaan gadnaa afartan loor ilaa sodon loor bulshadana waa ay ku cusub tahay oo waa ay la yaaban yihiin, habeenkii waxaan isku dayaynaa in aan 500 kale aan soo saarno,”

Dhuxushan ayay ka sameeyaan isku darka qolofta miraha qumbaha oo ay gubaan, xashka dhuxusha caadiga ah, carro iyo biyo aan badnayn.

Saalax ayaa sheegay in aysan u adeegsan wax kiimiko ah, balse ay qamiiriyaan dhowr saacadood waxyaabaha ay isku daraan ka hor inta aysan warshaddu soo saarin.

Waa mid ka adag dhuxusha dhirta loo baddello dhumuc ahaanna ka wayn. Dadka isticmaalay ayaa inoo sheegay in ay shidnaan karto saacado badan si fududna ay cunnada u bislayn karto.

Saalax wuxuu xusay inkastoo ay billow tahay shaqada warshadda in ay door firfircoon ka qaadan karto yaraynta jaridda lagu hayo dhirta iyagoo u maraya sidii looga kaaftoomi lahaa dhuxusha kale.

Xashka ay adeegsadaan ayuu sheegay in ay ku badan tahay Kismaayo.

“Xashka waa la daadin jiray oo meelaha ayuu iska tuurnaan jiray magaaladana wasakh ayuu u keeni jiray. Waxaan soo aruurinaynaa oo recycle baan ku sameynaynaa. Waxaan nagu filan xashkii labaatankii sano la daadinayay, Sidaas daraadeeda, qayb wayn baan ka nahay in aan bulshadii iyo deegaankii aan ilaalinno,”

Qoysaska shita ayaa u badan dan yar duruuf dhaqaale wajahaya. Waxaa ka mid ah Sowda Muumin Cabdiraxmaan.

Qoyskeeda oo toban qof ah ayaa isticmaalaya tan iyo 28 bishii Febraayo loor dhuxul ah oo ay qiimo jaban ku gatay marka loo eego tii ay hore u iibsan jirtay. Waxay isbar bar dhigtay farqiga u dhaxeeya labada dhuxul.

“Tan waxaa ay uga fiican tahay qiiqna malahan xoogaa yar haddii aad ku shubatidna cabaar ayaad isticmaali. Halihii aad quraacda ku shidatay ayaa ilaa qadada aad ku sii karsani adiga oo aan damin,”

Sowda oo miis ay khudaar ku iibiso ku leh Kismaayo ayaa sheegtay in uu ka degay culays dhaqaale oo ay ku qabtay dhuxusha qaaliga ah. Bil walba ayay xustay in ay iibsan jirtay saddex loor oo ay ka bixin jirtay $36. Hadda se waxaa kaga baxaysa $6 oo kaliya.

Waxay tilmaamtay in aysan horay u aaminsanayn dhuxul aan hayn tan dhirta laga shido, balse iyadoo danaynaysa qiimaheeda hooseeya ay tijaabisay waxtarkeeda isla markaana ay ku qanacday.

Dhallinyarada aasaasay warshadda soo saarta dhuxusha ayaa billowgii sanadkii hore dib uga soo laabtay dalka Kenya oo ku dhawaad labaatan sano ay ku maqnaayeen. Waxay isku darsadeen dhaqaalaha ay ku sameeyeen.

Saalax Macallin oo ka mid ah milkiilayaasha ahna maamulaheeda ayaa sheegay in u jeedada ay kala haayeen hirgalinteeda in ay tahay sidii ay u soo kordhin lahaayeen ganacsi aan horay Kismaayo uga jirin dhinaca kalana faa’iido u leh dadka iyo deegaanka.

Warshadda ayay ku maal galiyeen lacag dhan $7,600.

“Cid warshadan gacan nagu siisay malahan. Anaga ayaa indhaha isku qabsanay. Jeebkeenaan fuulnay qaarna waan daynsanay oo dayn baa lagu soo qaaday. Lacagta aan daysanay waxay dhan tahay $3,800,”

Waxay shaqaaleysiiyeen 13 qof oo saddex ka mid ah ay yihiin injineero si gaar ah u qaabilsan soo saaridda dhuxusha macmalka ah. Waxay qaatan bishii mushahar dhan $150, halka tobanka caawiya ay helaan min $50.

Shaqaalahan waxay ka mid ahaayeen 500 oo qof oo wasaaradda deegaanka iyo isbaddelka cimilada Jubbaland ay bartay sanad ka hor sida loo sameeyo dhuxusha macmalka ah.

Maslax Mowliid Maxamed Agaasimaha wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Jubbaland ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka ay cilmigan bareen ay siiyeen shahaadooyin aqoontooda muujinaya si naftooda iyo dalka ay wax u taraan.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay hal abuurka ganacsi ee ay la yimaadeen dhallinyarada dalka ku soo laabtay.

“Barnaamijka noocaas ah horayna waan u dhiiri galinay oo dad baan tababaro ku siinay in ay deegaankooda ilaaliyaan isticmaalka dhuxushana ay ka maarmaan dhuxul macmal ahna in la helo”

Waxaa jira ku dhawaad 50 qof oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo si maalinle ah uga faa’iideysta shaqada ka socota warshadda.

Waxay ka soo aruuriyaan deegaanka Goobwayn qolofta miraha qumbaha iyagoo ka iibsada maamulka shirkadda. Waxay ka siiyaan lacag u dhaxeysa $1-$2 qofkiiba.

Previous Post

Beeraleyda Beledweyne oo khasaare wajahaya, markii ay suuq u waayeen dalagyada u soo go’ay oo ay qaarkood u diri jireen gobollada Somaliland

Next Post

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo