(ERGO)-Toddobo boqol oo qoys oo ay saameeyeen abaaro iyo colaado ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe ayay nolol xumo ku haysataa xero ku taalla magaalada Jowhar.
Xaliimo Maxamed oo deggan xerada Isnay-biyaaso ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay ku adag tahay helidda cunno ay hal waqti dabka saartaan. Tan iyo markii ay barakaca noqdeen oo labo sano laga joogay ayay xustay haweenaydan inaysan dharag ku seexan iyada iyo carruurteeda.
“hal maalin oo subaxii ah ayay ilmaha wax cunaan haddii habeenkii wax heli karaana waa la siinaa: Ileen hee daruufaa timid,“
Xaliimo oo ah hooyada siddeed carruur ah ayaa sidoo kale korisa saddex carruur ah oo uu dhalay wiilkeeda oo midka ugu yar uu jiro 7 sano. Waxay sheegtay in hadda aysan dib ugu laaban karin deegaanka Halgan, maaddama weli dhibaatadii ay ka soo barakacday ay ka taagan tahay.
Dhaq-dhaqaaqa shaqo ee xerada oo xaddidan iyo duruufaha nolosha oo ku adkaaday dartood, Xaliimo waxay ka badin weysay in kaalmo aan badnay ay tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2022 ay ka sugto qoysas ay helo yihiin oo kala jooga Muqdisho iyo Sucuudiga.
Waxay xustay in $70 oo bishii hesho ay tahay isha kaliya ee dhaqaale ahaan ay nolosheeda ku tiirsan tahay.
Aqal cooshad ah oo dhinacyada ka bannaan ayay ka dhisatay xerada oo qorraxda ay ka galaan maalintii, balse habeenkii ayay u nugul yihiin dhaxanta.
Xaliimo ayaa sheegay in badi dariskeeda oo ah qoysaskii abaarta iyo colaadaha gobolka ka jiray ka soo barakacay kula nool xerada ay isku mid ka yihiin caqabadaha nololeed ee barakacnimada ay ka dhaxleen.
Qoyska Xaliimo ayaa ka mid ah kumannaan qoys oo beeraley ah isla markaana ay saameeyeen fatahaadaha ka jiray deegaanno ka tirsan bariga magaalada Jowhar sannadkii 2020. Waxay ku qasbanaadeen inay nolol ka soo raadiyaan magaalada inkastoo aysan helin noloshii u sawirnayd.
Sida ay u sheegtay Raadiyow Ergo, Xaliimo seygeeda ayaa geeriyooday bishii Luulyo ee sanndkii 2018. Waxay xustay in markaas wixii ka dambeeyay ay kali ku noqotay daryeelka qoyska. Bishii May ee sannadkii 2020 ka soo barakacday tuulada Halgan oo 18 km u jirta magaalada Jowhar, halkaas oo ay ku lahayd beer hal hektar ah.
Haweenaydan ayaa sheegtay in nolosha qoyskeeda ay ka maarayn shaqada dhar-dhaqista oo ay magaalada u aadi jirtay, taas oo ay ka soo heli jirtay ugu badnaan $3.5. Waxay sheegtay inay joojisay bishii Diseembar ee 2021. Xaliimo ayaa xustay in sababta u hakisay ay la xiriirto wadne xanuun
Dadka nolol xumada ay ku haysato xerada Biyaaso waxaa ka mid ah Maxamuud Xasan Nuur, markii uu halkan u soo barakacayay ayuu sheegay inuusan fileyn inuu la kulmi doono cunno-yari iyo hoy la’aan.
Maxamuud waxaa uu sheegay in nolosha ay ku adkaatay tan iyo markii uu yimid xerada Isnay-biyaaso oo hadda ay ku nool yihiin isaga iyo qoyskiisa.
La-qabsiga magaalada iyo helista fursado shaqo ayaa ku noqotay caqabaddii ugu weyneyd ee uu wajahay, taas oo saameyn ku yeelatay hannaanka cunno helista qoyskiisa.
“Noloshii baa ciriiri gashay, wax la haysto ma leh, wax la cuno ma leh; adiga qofka subaxdii marka uu ka soo kaco wuxuu jecelyahay qaxwadiisa iyo iyo cuntadiisa inay isku kor saarnaato, laakiin hadda ma jirto adiga oo aan qaxwo cabin ayaa gurigaaga ka baxaysaa. Sidaas waaye nolosha gobolka taala hadda,”
Waxay ku tiirsanayeen nacfiga beertiisa oo hadda meesha ka baxay. Wuxuu gocanayaa in nolosha uu ku haysto xerada ay u dhaantay tii deegaankiisa.
Maxamuud ayaa aaminsan in haddii uu u soo bixi lahaa tacabka beertiisa oo markii u dambeysay uu abuuray bishii Oktoobar ee 2020 uu sii wadi lahaa tacbasha.
Ninkan oo ah aabbaha saddex carruur ah oo midka ugu weyn uu jiro todobo sano ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa uu xerada ku wajahayo xaaladdii ugu darnayd noloshooda.
Dhowr jeer ayuu shaqo ka raadiyay magaalada si uu wax uga beddelo hubanti la’aanta cunno ee haysta qoyskiisa.
Subax kasta waxaa uu guriga ka jarmaadaa isagoo niyadda ku haya inuu heli doono wixii uu ku masruufi lahaa qoyskiisa. Laakiin marna kuma guuleysan helitaanka shaqo joogta ah.
Waraabinta beeraha ayuu xusay ninkan in ay tahay waxa ugu badan ee uu qabto, taas oo qoyskiisa ugu filan in hal mar maalinta uu helo ay dabka ku shitaan.
Maxamuud ayaa sheegay in qoyskiisa ay niyaddooda ka bixi la’dahay sida ay ahayd noloshooda markii ay ku sugnaayeen deegaankooda oo ay ku heli jireen wax walba oo ay u baahnaayeen.
“Barakac ayaa dhacay. Dadkii gobolka ku noolaa qaarkood waa is dilaayaan oo hadda nabad kama jirto deegaannadeenii,”
Qoyska Maxamuud ayaa ka soo barakacay sanadkii 2020 deegaanka Jariirow ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo xerada uu joogo u jirta qiyaastii 70 km. Gargaarkii ugu horreeyay, uguna dambeeyay oo ay helaan qoysaskan, waxaa bishii September ee sannadkii 2021 gaarsiiyay maamulka Hirshabeelle. Balse deeqdaas oo ka koobnayd bariis, bur, sokol, saliid iyo caano booro oo qoys walbaa la siiyay ma ahayn mid si guud u dabooshay baahidii ka jirtay xerada.
Guddoomiyaha xerada ay ku nool yihiin dadkaan ee Biyaaso, Cismaan Ciise Xuseen ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in labadii sano oo u dambeysay ay qoysaskan xerada ku haysatay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.
Bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan iyo duruufihii horay u haystay isku darkooda ayuu ka welwelsan yahay sida ay noqon doonto noloshooda.
“waxay ku afuraan xittaa ma haystaano. Wax u imaaday oo gurmad xataa iyo afur ka dhigta ha ahaatee wax aan arkay malahan, “
Hab-nololeedka qoysaska xoola-dhaqatada iyo beeraleyda isugu jira eek u noolaa degmooyinka iyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ciriiri galiyay dagaallada, abaaraha soo laalaabtay iyo fatahaadda webiga Shabeelle.










