Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: qoysas nolol xumo wajahaya markii ay xanuuno uga naceen xoolihii ay dhaqanyeen

Radio Ergo by Radio Ergo
March 22, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: qoysas nolol xumo wajahaya markii ay xanuuno uga naceen xoolihii ay dhaqanyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)-Qoyska Muuse Cali Saciid oo duleedka tuulada Miir-cowleed ku dhaqanayay 70 ari ah waxay cuduradan ka dileen 50 neef. Ninkan ayaa sheegay in hadda ay u joogaan 20 ay lix jiran yihiin. Raadiyow Ergo uga warramay calaamada ay xoolaha ku arkayaan.

“Marka ugu horraysa neefka qandhaa qabanaysa. Wuu madoobanayaa. Diif iyo waxbuu laadlaadinayaa. Ugu yaraan labo maalmood waa jiitamayaa neefku sida uu iskaga jiitamayo ayuu iska dhimanayaa,”

Muuse ayaa intaas ku daray in markii xoolihiisa uu ku arkay xanuunka uu gaar u soocay intii jiranayd. Arrintan ayuu sheegay in aysan waxbadan soo kordhin, maaddama xoolaha oo dhan uu ku faafay xanuunka.

Muuse ayaa tilmaamay in xoolaha ka dhintay ay ku jireen 15 neef oo arigiisa ugu roonaa. wuxuu ku quudin jiray raashin uu ka soo daysanayay bakhaarro ay leeyihiin dad ay macaamiil yihiin oo ku yaalla deegaanka Gilinsoor. wuxuu qorshaynayay in marka ay naaxaan uu ku gudo daynta isla markaana ku dabbaro nolol maalmeedka qoyskiisa.

Waxay kaga tageen $500 oo dayn ah oo uusan awoodin in uu bixiyo. Qoyska Muuse oo lix qof ah waxay muddo 8 bil ah ku tiirsanaayeen raashin dayn ah oo hadda loo diiday, maaddaama xoolihii ay ku tashanayaan ay meesha ka baxeen.

Waxay hadda wajahayaan xaalad nolol xumo ah. 24 saac hal mar oo ah habeenkii ayay dabka saartaan raashin ay ku caawiyaan dadka ay dariska yihiin ee awooda in ay mar dabka u shidaan.

Muuse ayaa ku haminaya in uu u xoogsi tago magaalada Cadaado oo deegaanka Miircawleed u jirta 55 km, balse waxa uu waayay qof uu reerka uga tagto.

Ratigii uu reerku u raran jiray oo uu ku dhacay xanuunka ayaa isna ka dhintay 30 Janaayo. Maalin kasta waxa uu garabkiisa ku soo qaadaa jirkaan biyo ah oo uu ka doono ceel riig ah oo ku yaalla tuullada Miircawleed oo u jirta hal km.

Cunno yarida iyo caqabadaha ka dhashay xoolaha dhimanaya kuma eka qoyska Muuse oo kali ah. Waxaa la wadaaga xoolo-dhaqatada Miro cowleed.

Qoyska Ismaaciil Geelle Xasan oo duleedka Miircawleed ku dhaqanayay siddeetan neef oo ari ah waxaa tan iyo billowgii bishii hore ka dhintay soddon neef.

Wuxuu isku dayay in uu kala tacaalo xoolihiisa xanuunnada sanbabka iyo jadeecada. Wuxuu sheegay in neefka xanuunku asiibo in uu durbo dhinamanayo, maaddama ay nuglaysay abaartu.

Waxa uu tilmaamay in cudurradan ay horay xoolaha uga dhici jireen, balse markan uu u awoodi waayay inuu daawo u iibiyo sabab la xiriirta dhaqaale xumada iyo xoolaha aan suuqa lahayn.

Waxaa lagu yeeshay 3,500 oo saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ku qaadanayay raashin iyo biyaha ay isticmaalayeen qoyskiisa iyo xoolihiisa.

Ismaancii ayaa sheegay in gabar ay walaalo yihiin oo deggan magaalada Muqdisho oo bil kasta u soo diri jrtay lacag gaaraysa $70. Lacagtan ayaa istaagtay bishii hore markii sida uu sheegay ay xanuunsatay gabadha caawin jirtay.

Wuxuu intaas ku daray in arrintaas ay xaaladda ku sii adkaysay. Lacagta uu gabadha ka helo ayuu sheegay in uu ku soo iibsan jiray adeegyada yaryar sida caanaha carruurta iyo khudaarta.

Ismaaciil ayaa tilmaamay in 50 neef ee hadda u nool oo ay 19 xanuunsan yihiin uusan u hayn daawo uu ku dabiibo.

“Wax ii qorshaysan maleh  haddii xoolahan idhaafaan inaan meelahaas iskaga shaqo tago  ilmaha dhanba ka dhex tago baa ii qorshaysan,”

Fahmo Cabdi Xuseen oo ah agaasimaha waaxda tababarada iyo qorshaynyta ee wsaaradda xannanada xoolaha Galmudug ayaa sheegtay in xanuunadan ay xoolaha badan u dhinteenn ay keentay nafaqo darrida haysata xoolaha. Fahmo ayaa xustay in mar walba oo ay abaar dhacdo ay soo bataan cudurada.

waxay intaas ku dartay inaysan jirin qiyaas guud ee xoolaha uu cudurkan hayo, balse ay wasaaaddu diiwaan galisay ilaa 30 deegaan oo cudurrada laga soo sheegay. Fahmo ayaa tilmaamtay inay socdaan dedaallo lagu daweynayo xoolaha.

“ Xoolo badan baa la daaweynayaa oo mashruuca haddaaba la daahfuray ku dhowaad hal milyan oo xoolo ah baa la daaweynayaa oo Isbuucaanba noo furmaya oo shaqadeeda lagu guda jirah. Marka cudurka sambabka oo kale daaweyn waa leeyahay, lakiin jadeecadu waa cudur fayris ah waxuuna leeyahay talaal ee malaha daaweyn”

Fahmo ayaa sheegtay in dawaynta laga fulin doono deegaan kasta oo cudurradu ay ka jiraan, iyadoo loo eegayo sida ay u kala badan yihiin. Waxay xoolo-dhaqatada kula talisay inay xoolahooda ka taxadaraan oo marka ay xanuunsadaan ay la xiriiraan wasaaradda.

Previous Post

Jowhar: Qoysas beeraley ahaa oo wajahaya nolol xumo markii abaar iyo colaad ay saameysay

Next Post

Luuq: Qoysas laga caawiyay dhul beereed biyo leh oo ay noloshoooda isbeddeshay markii ay goosteen dallagyadii ugu horreeyay

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Luuq: Qoysas laga caawiyay dhul beereed biyo leh oo ay noloshoooda isbeddeshay markii ay goosteen dallagyadii ugu horreeyay

Luuq: Qoysas laga caawiyay dhul beereed biyo leh oo ay noloshoooda isbeddeshay markii ay goosteen dallagyadii ugu horreeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo