(ERGO)-Qoyska Muuse Cali Saciid oo duleedka tuulada Miir-cowleed ku dhaqanayay 70 ari ah waxay cuduradan ka dileen 50 neef. Ninkan ayaa sheegay in hadda ay u joogaan 20 ay lix jiran yihiin. Raadiyow Ergo uga warramay calaamada ay xoolaha ku arkayaan.
“Marka ugu horraysa neefka qandhaa qabanaysa. Wuu madoobanayaa. Diif iyo waxbuu laadlaadinayaa. Ugu yaraan labo maalmood waa jiitamayaa neefku sida uu iskaga jiitamayo ayuu iska dhimanayaa,”
Muuse ayaa intaas ku daray in markii xoolihiisa uu ku arkay xanuunka uu gaar u soocay intii jiranayd. Arrintan ayuu sheegay in aysan waxbadan soo kordhin, maaddama xoolaha oo dhan uu ku faafay xanuunka.
Muuse ayaa tilmaamay in xoolaha ka dhintay ay ku jireen 15 neef oo arigiisa ugu roonaa. wuxuu ku quudin jiray raashin uu ka soo daysanayay bakhaarro ay leeyihiin dad ay macaamiil yihiin oo ku yaalla deegaanka Gilinsoor. wuxuu qorshaynayay in marka ay naaxaan uu ku gudo daynta isla markaana ku dabbaro nolol maalmeedka qoyskiisa.
Waxay kaga tageen $500 oo dayn ah oo uusan awoodin in uu bixiyo. Qoyska Muuse oo lix qof ah waxay muddo 8 bil ah ku tiirsanaayeen raashin dayn ah oo hadda loo diiday, maaddaama xoolihii ay ku tashanayaan ay meesha ka baxeen.
Waxay hadda wajahayaan xaalad nolol xumo ah. 24 saac hal mar oo ah habeenkii ayay dabka saartaan raashin ay ku caawiyaan dadka ay dariska yihiin ee awooda in ay mar dabka u shidaan.
Muuse ayaa ku haminaya in uu u xoogsi tago magaalada Cadaado oo deegaanka Miircawleed u jirta 55 km, balse waxa uu waayay qof uu reerka uga tagto.
Ratigii uu reerku u raran jiray oo uu ku dhacay xanuunka ayaa isna ka dhintay 30 Janaayo. Maalin kasta waxa uu garabkiisa ku soo qaadaa jirkaan biyo ah oo uu ka doono ceel riig ah oo ku yaalla tuullada Miircawleed oo u jirta hal km.
Cunno yarida iyo caqabadaha ka dhashay xoolaha dhimanaya kuma eka qoyska Muuse oo kali ah. Waxaa la wadaaga xoolo-dhaqatada Miro cowleed.
Qoyska Ismaaciil Geelle Xasan oo duleedka Miircawleed ku dhaqanayay siddeetan neef oo ari ah waxaa tan iyo billowgii bishii hore ka dhintay soddon neef.
Wuxuu isku dayay in uu kala tacaalo xoolihiisa xanuunnada sanbabka iyo jadeecada. Wuxuu sheegay in neefka xanuunku asiibo in uu durbo dhinamanayo, maaddama ay nuglaysay abaartu.
Waxa uu tilmaamay in cudurradan ay horay xoolaha uga dhici jireen, balse markan uu u awoodi waayay inuu daawo u iibiyo sabab la xiriirta dhaqaale xumada iyo xoolaha aan suuqa lahayn.
Waxaa lagu yeeshay 3,500 oo saddexdii sano ee la soo dhaafay uu ku qaadanayay raashin iyo biyaha ay isticmaalayeen qoyskiisa iyo xoolihiisa.
Ismaancii ayaa sheegay in gabar ay walaalo yihiin oo deggan magaalada Muqdisho oo bil kasta u soo diri jrtay lacag gaaraysa $70. Lacagtan ayaa istaagtay bishii hore markii sida uu sheegay ay xanuunsatay gabadha caawin jirtay.
Wuxuu intaas ku daray in arrintaas ay xaaladda ku sii adkaysay. Lacagta uu gabadha ka helo ayuu sheegay in uu ku soo iibsan jiray adeegyada yaryar sida caanaha carruurta iyo khudaarta.
Ismaaciil ayaa tilmaamay in 50 neef ee hadda u nool oo ay 19 xanuunsan yihiin uusan u hayn daawo uu ku dabiibo.
“Wax ii qorshaysan maleh haddii xoolahan idhaafaan inaan meelahaas iskaga shaqo tago ilmaha dhanba ka dhex tago baa ii qorshaysan,”
Fahmo Cabdi Xuseen oo ah agaasimaha waaxda tababarada iyo qorshaynyta ee wsaaradda xannanada xoolaha Galmudug ayaa sheegtay in xanuunadan ay xoolaha badan u dhinteenn ay keentay nafaqo darrida haysata xoolaha. Fahmo ayaa xustay in mar walba oo ay abaar dhacdo ay soo bataan cudurada.
waxay intaas ku dartay inaysan jirin qiyaas guud ee xoolaha uu cudurkan hayo, balse ay wasaaaddu diiwaan galisay ilaa 30 deegaan oo cudurrada laga soo sheegay. Fahmo ayaa tilmaamtay inay socdaan dedaallo lagu daweynayo xoolaha.
“ Xoolo badan baa la daaweynayaa oo mashruuca haddaaba la daahfuray ku dhowaad hal milyan oo xoolo ah baa la daaweynayaa oo Isbuucaanba noo furmaya oo shaqadeeda lagu guda jirah. Marka cudurka sambabka oo kale daaweyn waa leeyahay, lakiin jadeecadu waa cudur fayris ah waxuuna leeyahay talaal ee malaha daaweyn”
Fahmo ayaa sheegtay in dawaynta laga fulin doono deegaan kasta oo cudurradu ay ka jiraan, iyadoo loo eegayo sida ay u kala badan yihiin. Waxay xoolo-dhaqatada kula talisay inay xoolahooda ka taxadaraan oo marka ay xanuunsadaan ay la xiriiraan wasaaradda.










