(ERGO)-Dhaqan Daahir Cabdullaahi oo 52 jir ah waxay carruurteeda oo sagaal agoon ah u heshay cunno saddex waqti ah markii uu dhaqaale fiican ka soo galay wax soo saarka dhul beereed loo kireeyay oo ay goosatay dhamaadkii bishii Febraayo.
Haweeneydan ayaa ka mid ah 280 qof oo iskugu jira danyar iyo barakac ku nool Luuq, kuwaas oo ka faa’ideysanaya mashruuc qoysaska saboolka ah lagu siinayay dhul ay si bilaash ah ku tacbadaan.
Dhaqan waxaa u keydsan 10 kiish ah oo gallay iyo digir isugu jira. hadda waxaa u yaalla raashin ku filan afar bilood. Waxay maalinle xirmooyin bal ah uga iibisaa xoolaha dhaqatada ay saamaysay abaarta. Waxay ka heshaa lacag gaaraysa labo $2. Waxay dareemaysaa isku filaan.
“Hadda labo waqti ayaan shidanaa. Waxaan haystaa biyo. Beerta wax alaale wixii iigu beeran annigaaa isla leh. Waan ku calool fayoobahay oo ku faraxsanahay inaan aniga tabcato ahay. Markii hore ee aan baadiye joogay nin ayaan u shaqaynayay haddana xor madax-bannaan ayaan ahay,”
Bishii November ee sanadkii 2022 ayaa lagu wareejiyay beer labo hektar ah oo leh matoor waraabiya. Waxay ku taallaa deegaan 2 km dhinaca koonfur galbeed ka xigta demada Luuq. Hab nololeedka qoyskeeda oo ka kooban iyada iyo siddeed carruur ah oo agoon ah ayaa isbeddeshay tan iyo markii ay beerta tabcadeen.
Haweeneydan ayaa markii labaad isku diyaarinaysa tacab. Raashinka dheeriga ka ah quudkooda waxay u iib geysaa suuqa magaalada iyadoo lacagta ay ka soo hesho carruurteeda ugu soo gada caano, dhar iyo wixii kale oo ay u baahdaan. Waxay beertan u noqotay il dhaqaale oo ay siyaabo kala duwan uga faa’iidaystaan.
Qoyska dhaqan waxay barakac ku yihiin xerada Kulmiye tan iyo bishii September 2022. Afartii bil ee ugu horreeyay waxay iyada iyo carruurteeda ku tiirsanaayeen oo la dheri ahaayeen deriska. Hal waqti ayay heli jireen cunno aan ku filnayn.
Maarenyta nolosha qoyska oo ay ku jiraan xubno qaba baahiyo gaar ah ayaa ku adkaatay haweeneydan, balse nasiib wanaag waxay ka mid noqotay haween loo kireeyay beero deegaanka ah.
“Saddex gabdhood oo curyaan ah ayaan haystaa. Annigoo iska xammaalato ah oo maalinna wax soo helaya maalinna wax soo waaya markaan beertan helay waan ku nastay. Qof wax soo saarkiisa ku tashanaya ayaan noqday,”
Qoyska Dhaqan waxay ahaayeen xoolo-dhaqato beeralay ay saamayn taban ku reebtay roob yari xiriir aheyd sannadihii la soo dhaafay. Saddex sanno waxay awoodi waayeen inay tabcadaan beer saddex hektar ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Haluul oo hoos tagta Garbahaarey. Siddeetan neef oo ah ari ayaa uga dhintay baad iyo biyo la’aan bartamihii sanadkii hore.
Dadka dhulka la siiyo waxaa sidoo kale laga caawiyaa abuurka iyo aqoonta tacabka. Waxay u shaqeystaan si gaar gaar ah iyo koox koox ah. Dadka ka faa’iidaysta oo haween u badan ayaa sheegay inay hadda helaan cunno saddex waqti ah.
Kheyre Diiriye Cabdi waa 45 jir nolosha qoyskeeda oo 11 ah ka maaraysa beer saddex hektar ah oo bishii May ee sanadkii hore loo kireeyay. Waxay maalinle ugu shaqo tagtaa beerteeda oo ku taalla tuulo magaalada Luuq u jirta saddex km. Labo ka mid ah carruurteeda ayaa dhigta iskuul hoose. waxay bille uga bixisaa $10.
“Beerta dalaggeeda waxaan ka faa’iidnay suuqa ayaan geysanay waa soo gadanay waan ku noolaanay. ilmahaan waxbarashada ugala baxay,”
Saygeeda ayay sheegtay inuusan wax shaqo ah haynin. Wuxuu xilliyada qaar ka caawiyaa shaqada beerta. Nolosha qoyskeeda ayaa hadda soo kabanaysa marka loo fiiriyo sidii ay aheyd markii ay ku soo biirayeen nolosha barakacnimada.
Qoyska Kheyre waxay ka soo barakaceen tuulada Quraan-gago oo 45 km u jirta Luuq . Boqol iyo labaatan ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsnayd ayaa noqday wax abaarta u dhintay iyo in ay gateen markii ay afar sanno abaar ku dhufatay. Qoyskooda ayaa ka mid ah in ka badan saddeex boqol oo qoys oo 2022 soo deggay xerada Kulmiye iyo kuwo deris la ah.
Qoysaskan ayaa bilaha ay beerta u tacban tahay ee ay sugayaan goosashada waxay dayn ka qaataan dukaamada. Marka ay u bislaadaan dallagyada ayay iska bixiyaan waxyaabaha lagu leeyahay. Sidoo kale dadka beeraha la siiyo waxaa la baraa inay geed Hindiga u adeegsadaan la dagaalanka cayayaanada waxyeelleega dallagga.
Cabdi Xuseen Muxumed waa 60 jir barakac ku ah xerada Kulmiye wuxuu nolosha qoyskiisa oo ka kooban afar carruur ah iyo xaaskiisa ka biilaa beer hal hektar ah oo ku taalla duleedka xerada ay ku nool yihiin.
Maamulka xerada ayaa ku daray diiwaanka qoysas loo arkay inay yihiin kuwa ugu baahida badan markii la qiimeeyay duruufahooda nolosha. Waxaa lagu wareejiyay dhul beereed uu hadda filaayo inuu markii saddexaad goosto.
Cabdi wuxuu maalinle ugu shaqo tagaa beerta. Wuxuu sheegay inay u noqotay il dhaqaale oo muhiim u ah noloshoooda, ku dhawaad 12 saacadood ayuu beerta ka shaqeeyaa isagoo shimbiraha iyo duurjoogta ka ilaalinaya, wuxuu sheegay in abaarta jirta ay sababtay inay beerta soo beegsadaan duurjoog kala duwan.
“Doofaaraa cunnaya, dameeraa cunnaya, da’dan ayaan joogaa maalintii haddaan joogo haweenkii uma dari karo. Dhibkaas marka loo fiiriyo wax weyn ayaa naga soo gala,”
Nolosha qoyskiisa ayaa soo kabanaysa. Waxay helaan saddex waqti oo cunno ah. ninkan ayaa sheegay inuussan walwal ka qabin helidda quud maalmeedka reerka. Bishii July ee sannadkii hore ayay degaankan soo degeen iyagoo naf la caari fara maran ah.
Mashruuca lagu taageeray ayaa qoysaska danyarta ah u oggolaanaya inay afar sano dhul beereedka la siiyay ay si bilaash ah uga faa’iideystaan. Dhaqaalaha ku baxaya barnaamijka waxaa bixinaysa Trocaire oo laga leeyahay Ireland halka ay fulinayso SIRAD.










