Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhallinyaro barakac ku ah xeryo ku yaalla Muqdisho oo shaqo abuur noloshooda beddelay ka helay iskuullo xeryahooda laga furay

Radio Ergo by Radio Ergo
March 28, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro barakac ku ah xeryo ku yaalla Muqdisho oo shaqo abuur noloshooda beddelay ka helay iskuullo xeryahooda laga furay

Bare Mulki oo ardyadeeda u sharraxeysa Cashir ku saabsan afka Soomaaliga/Maxamed Khadar Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)-Ku dhowaad kontan dhallinyaro ah oo barakac ku ah saddex xero oo ku yaalla deegaanka Garas-baallay iyo degmada Kaxda ayay isbeddeshay noloshooda iyo midda qoysaskooda markii ay fursad  shaqo abuur ka heleen iskuullo xeryaha ay deggan yihiin ay ka furtay Hay’adda NAPAD.

Fursadan ayay heleen markii ay ku soo baxeen imtixaan loo galay qaadashada macallimiin hadda ka shaqeeya iskuuladan oo hoose dhexe ah oo si bilaash ay wax uga bartaan in ka badan kun arday oo ka soo jeeda qoysaska barakaca ah oo aan awoodin inay carruurtooda geeyaan iskuullada lacagta ah.

Dhallinyaradan oo markii hore aan kaalin ku laheyn biilka qoysaskooda oo ay saamaysay shaqo la’aanta iyo sicir bararka magaalada ayaa hadda ku filnaaday baahiyaha aasaasiga ah ee qoysaskooda. Mushaar bille ah oo ay qaataan ayaa ka caawiya inay qoyskooda u helaan cunno saddex waqti iyo biyo nadiif ah.

Cali Isaaq Axmed oo 22 jir ah wuxuu ka mid yahay dhallinyarada shaqo abuurka helay bishii September ee 2022. Wuxuu macallin ka yahay iskuulka Gurmad oo ku yalla xerada Xaq-dhowr ee degmada Kaxda.

Qoyskiisa oo ka kooban toddobo walaalihiis ah iyo labadiisa waalid wax walwal ah kama haysto quud helidda. Wuxuu tilmaamay inuu isbeddelay hab nololeedkiisa iyo midka qoyskiisa wixii ka danbeeyay markii macallinimada loo qaatay.

“Shaqadan noloshayda waxay ku soo kordhisay wax badan ayay ii qabatay. In badan sidii aan horay ahaa hadda ma aha. Wax walba ayaan ku iibsaday lacagtaas. Waana ku barbaxay.”

Qoyska uu ka soo jeedo da’yarkan waa barakac nolosha la dalaa-dhacayay balse noloshooda ayaa isbedeshay markii lagu daray galka barayaasha iskuulka. Wuxuu bille u qaataa sagaashan doollar oo noloshooda kor u qaaday.

Wuxuu si kooban u sawirayaa sida ay aheyd shaqadan ka hor xaaladda nololeed ee qoyska.

“Way dhibbanaayeen maalintii nus doollar ayay ku adeegan jireen laakiin inta aan ani shaqadan helay maalintii saddex dollar ayay biishaan, hadda way isku filan yihiin.”

Cali waa curadka reerka. Wuxuu soo qabtay shaqooyin muruq maal ah. ka hor inta uusan shaqadan helin wuxuu ahaa god qashin qode. In ka badan siddeed saac ayuu maalin walba dhex wareegi jiray xaafdaha degmooyinka dhaca galbeedka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay inay aheyd shaqo waqti badan uu kaga bixi jiray isla markaanna uusan ka heli jirin wax u dhigma dedaalka uu ku bixiyo.

Toddobo bilood kaddib weli gacmihiisa waxaa ku yaalla nabarro uu ku reebay badiilkii uu u adeegsan jiray qodidda godadka.

“God qashinka uu dhib badan yahay laakiin tan culuumtaada waaye. Shaqada sideedaba waxay tahay tan aad fartaada ku baratay taas ayaa nolol fiican leh. Hadda macallin ayaan ahay xitaa inaan madaxweyne noqdo waan jeclahay.”

Wuxuu intaas ku daray inuu shaqadaas dhibaatada gaarsiisay uu u qaban jiray inaysan walaalihii iyo waalidiintiisa aysan gaajo ku seexan balse wuxuu sheegay inuusan maalmaha qaar wax soo heli jirin. Wuxuu ka heli jiray ugu badnaan maalintii labo doollar.

Wuxuu inuu shaqada godka iska daayay markii loo sheegay inuu ka mid noqday dadka baranimada loo xushay. Wuxuu xusay in shaqada god qodidda inay noqotay mid ay adag tahay in la helo markii degmooyinka gobolka ay ka shaqo billaabeen shirkaddo ganacsi oo qashinka guryaha uga qaada toddobaad dhaaf.

“God qashinka waxaan ka shaqaynayay saddex bil. Caqabadda aan la kulmayay maalintii waxaan ka heli jiray nus dollar ama hal dollar waan isaga dulqaadanayay. Qoyska ayaan iska siin jiray wixii aan ka helo.”

Cali Isaaq wuxuu sheegay inuu ka nastay shaqadii god qodista oo uu xusay inuu kala kulmi jiray caqabado maalinle ah. wuxuu ku faraxsan yahay inuu aqoontiisa ku shaqaysanayo iyo inuu soo saarayo arday sidiisa oo kale barakac ah. Wuxuu dhigaa afka Ingiriiska iyo maadada Sayniska.

Qoyskiisa kahor shaqadan ma laheyn il dhaqaale. Waxay la daalo dhacayeen wixii ay quudan lahaayeen, balse isbeddel nololeed ayaa u bilowday Cali reerkiisa, wuxuuna maareeyaa biilka iyo baahiyihiisa gaarka ah.

Da’yarkan ayaa isaga oo qaxooti ah waxbarashadiisa  dugsiga hoose dhexe iyo sare ku soo qaatay xeryaha dalka Itoobiya gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida. Qoyskiisa ayaa 2021 ku soo laabtay Soomaaliya markii colaado ka jiray dalkaas ay saameeyeen shaqadii hay’adaha sama-falka ee caawi jiray qaxootiga.

Mushaarka la siiyo macallinmiinta waxaa bixisa hay’adda iskuulada aasaastay.

Daahir Aadan Xasan maamulaha iskuulka Gurmad ayaa sheegay inay xeryaha joogaan dad aqoon hore leh oo ay waayuhu baddeen nolosha barakacnimada. Ujeedada isla xeryaha barayaasha looga soo xulay ayuu sheegay inay ku timid tashi iyo is tusid ah in la dhiiri geliyo dhallinyarada wax soo bartay si ay carruurta u qiimeeyaan tacliinta.

“Barayaasha waxaa lagu soo xulay waa dhallinyaro firfircoon oo wax soo bartay oo ku nool deegaanka. Imtixaan lagu ogaanayo khibradooda iyo aqoonta ay leeyihiin ayay galeen. Sababta loo xulay waxaa weeye inay jiilka cusub ee soo koraya ay waddo waddo wanaagsan ay ku barbaariyaan maadaama iyaga naftooda ay soo mareen dhib iyo rafaad.”

Dhallinyarada oo wax ku soo bartay xeryaha Qaxootida ee dalalka deriska ayaa ku filnaaday baahida baranimo ee xeradan oo ay qoysaskoodu dib ugu soo laabteen.

Mulki Cali Ibraahim waa 21 jir, waxay ka mid tahay barayaasha la shaqaalaysiiyay bartamihii sanadkii hore. Waxay far Soomaaliga u dhigtaa ardayda ku jira fasalada koowaad ilaa shanaad. Shaqadan ayaa ka caawisay inay qoyskeeda u hesho cunno ku filan.

“Caawinaadda qoyska waxbarashada carruurta, biyaha, caawinaadda waalidkayga.  Iyo sidoo kale biilka xaafadda, qof walba wuxuu u baahan yahay inuu heli karo. Hadda haddaan wax u baahdo waan heli karaa sababtoo ah anniga ayaa shaqeysta.”

Qoyskeeda ayaa ku tiirsanaa raashin maalin dhaaf looga kariyo xeradan ay degan yihiin balse tan iyo markii ay heshay shaqadan waxay helaan cunno saddex waqtia ah sidoo kale waxay ka maarmeen raashinkii ay safka u geli jireen.

Gabadhan ayaa lacag ay ka dhigatay mushaarkeeda waxay ku furatay sandaqad yar oo ku dhex taalla xerada taas oo ay walaalaheed gadaan gelinka ay shaqadan iskuulka ku maqan tahay. Waxay intaas raacisay inay doonayso waxbarasho heer jaamaceed ah si ay qoyskeeda iyo bulshada kalaba ugu yeelato waxtar.

“Waxaan u baahnaan lahaa waxbarasho jaamacadeed si aan u noqdo Dr wayn oo dalka wax u qabata. Waxaan rajaynaa inaan ilaa heer jaamacadeed dhammaysto.”

Mulki waxay ku soo barbaartay xerada Xagardheer ee dalka Kenya. Qoyskeeda sanadkii 2011 ayay abaar uga barakaceen degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Sannadkii 2016 ayay dib ugu soo laabteen Soomaaliya, gaar ahaan xeryaha dadka barakaca ah ee ku yaalla duleedka Muqdisho.

Previous Post

Luuq: Qoysas laga caawiyay dhul beereed biyo leh oo ay noloshoooda isbeddeshay markii ay goosteen dallagyadii ugu horreeyay

Next Post

Dhadhaab: Gabdhaha waxbarashada uga haraya guurka qasabka ah oo ku soo badanaya xeryaha qaxootiga

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Isniino 24 jir ah iyo gabadheeda oo horfadhiya gurigooda/ Bashiir Gaaxnuug/Ergo

Dhadhaab: Gabdhaha waxbarashada uga haraya guurka qasabka ah oo ku soo badanaya xeryaha qaxootiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo