Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Gabdhaha waxbarashada uga haraya guurka qasabka ah oo ku soo badanaya xeryaha qaxootiga

Radio Ergo by Radio Ergo
March 30, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Isniino 24 jir ah iyo gabadheeda oo horfadhiya gurigooda/ Bashiir Gaaxnuug/Ergo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)-Boqollaal gabdho ah oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa la kulma guurka qasabka ah oo mugdi geliya aayo- tiinkooda. Waalidka oo eegaya dano dhaqaale ayaa ku dara rag da’ ahaan ka weyn. Guurkaas ayaa sababa inay gabdhaha qaar ka haraan waxbarashada.

Faarax Xassan Maxamed waa 84 sano jir deggan xerada xagardheer. Wuxuu la nool yahay welwel uu ka dhaxlay gabadhiisa Xaliimo Faarax Xassan oo ay kala tageen nin uu si qasab ah ugu guuriyay isla markaana ay ka hartay waxbarashada iskuulka oo gabagabo u aheyd.

“Anigana dhaqaale raadis ayaan ahaa dad qoxooti ah ayaa nahay oo ilmo badan haysto duruuftaas ayaana igu kaliftay in aan gabadha ninka ku daro, iyaduna waxay ahayd gabadh baari ii ah sidaasayna igu aqbashay oon ninka ugu daray.”

Faarax ayaa sheegay inay gabadhiisa ay ku jirtay fasalka labaad ee dugsiga sare. Waxay han sare ka laheyd tacliinta, balse maanta iyadoo niyad jabsan oo wadata gabar 3 bil jirta ayay guriga u joogtaa. wuxuu intaas ku daray in laga rabo qaan dhawga lacag uu sheegay in yarad loo sii yay oo uusan hada awoodin inuu bixiyo.

“lacag boqol kun ah ayaan ka qaatay waxaana ku gatay neefaf adhi ah iyagiina abaartii baa laysay anigana isaga ayaa hadda ii haysta xoolihii. Hadda gabadhii aniga ayay kor saar igu tahay si aan yeelana ma garanayo.”

Wuxuu xusay inuu ka qoomamaynayo go’aankiisii, Hadda wuxuu fahansan yahay raadka aan la mahdin ee guurka deg-degga ah, wuxuu waalidiinta kula taliyaa inaysan gabdhahooda u guurin inta ay waxbarashada ku jiraan rag aysan hubin masuuliyadooda. Qoyska Faarax   oo ka  kooban 11 qof waxay xeryaha Dhadhaab yimaadeen sannadkii 1991.

Xeryaha Dhadhaab waxaa caan ka ah guurkan aan ka hadlayno, waxaa lala xiriiriyaa duruufaha nololeed ee ka jira iyo rag qurba joog ah oo halkan u yimaada inay gabdho guursadaan dabadeedna ay ka tagaan ama ay furaan.

Aamino Maxamed Cabdi waxay kamid tahay gabdhaha guurka lagu jujuubay. Bishii 12 ee 2021 ayay xustay inay waalidkeed u soo jeediyeen inay guursato  iyada oo markaa ku jirtay fasalka 3 ee dugsiga sare, labo-labayn kaddib waxay  qaadatay go’aanka waalidkeeda.

Hamigeeda waxbarashada ayaa halkaas ku joogsatay. Waxaa u baryay waa cusub. Waxay noqotay xaas. Ninkeedii ayaa ku wargaliyay inay iska ilawdo waxbarasho iyo iskuul. Waxay xustay inay taasi horseeday khilaaf iyo kala tag ku yimid reerkeedii. Aamina waxay intaa ku dartay inay la nooshahay qalbi jab ku xoogaysta markay aragto saaxiibadeedii hore ee iskuulka oo mustaqbal ifaya leh.

“Gabdho ayaan wax la baran jiray iskuulka, markay dhameeyeen  fursad jaamacadeed ayay heleen. Aniguna maanta hadaan gabdhahaas la socon lahaa  meesha ay gabdhahaasi gaadheen waan uun gaadhi lahaa, maaddama gabdhihii la iga reebay oo waalidkay iga reebeen mooraal jab ayaa igu dhacay.”

Waxay sheegtay in iyada iyo ilmo yar oo ay dhashay ay dulsaar ku yihiin qoyskeeda. Waxay rajaynaysaa in ay dib ugu laabato waxabarashada.

“Waxaan go’aan saday in aan cunuga waalidkayga u dhiibto dibna iskuulkii ugu laaabto oon dhamaystirto halkii galas ee ii dhimanaa, waayo waxbarashadu aniga ayay i anfacaysa.”

Waxaa jira gabdho kale oo ay uur-ku-taallo ku noqotay guurka qasabka ah ee ku salaysan rabitaanka waalidka.

Isniino Cali Aadan waxay ka mid tahay da’yarta waalidkood ay ku qasbeen guur, waxay sheegtay in waalidkeed u guuriyeen iyadoo markaa ku jirtay imtixaanka qaran ee fasalka 8 ee dugsiga dhexe, waxayna intaas ku dartay in ay shuruud ku xirtay guurkeeda iyada oo codsatay in loo oggolaado in ay sii wadato waxbarshadeeda inta uga dhiman dugsiga sare, waxay xustay in markay guursatay ay billowday galaaska koobaad ee dugiga sare, balse ay sii wadi wayday waxbarashadeeda markii ay dhashay da’deedii koobaad.

“Waalidka hadalkiisa waan diidi kari waayay waxbarasho la’aantuna dhib ayay leedahay. Hadda meeshaan ayaan iska fadhiyaa ninkaygu shaqo fiican kama shaqeeyo, foorno ayuu ka shaqeeyaa wax saas ah ma soo galaan maalintii 150 ksh 200ksh ayuu soo qaataa.”

Isniino waa 24 jir waxay ku dhalatay xerada Xagar-dheer ee qoxootiga Dhadhaab, qoyskeedu wuxuu ka kooban yahay 6 qof oo kala ah iyada afar carruur ah oo ay dhasay iyo ninkeeda. Waxay aaminsan tahay in haddii ay waxbarashada dugsiga sare dhamaysan lahayd inay nolosha qoyskeeda wax ku soo kordhin lahayd.

Maxamed Xusseen Cali oo ah guddoomiyaha waxbarashada dugsiga sare ee Xagardheer wuxuu sheegay in uu kordhay guurka degd-egga ah labadii sanno ee tagtay. Arrintaas ayuu ku dhaliilay waalidiinta oo sida uu sheegay aan ahmiyad badan siinin waxbarashada gabdhahooda.

“Ardayda sanad walba ka taga iskuulada siiba gabdhaha sababna ay u tahay guurka deg dega ah waxaan dhihi karaa boqolkiiba toban way gaadhaysaa hadii aysan ka badnaynba xeradan xagardheer way ku badan tahay in gabdhuhu ay wakhti hore guursadaan siiba laga soo bilaabo dugsiga hoose ilaa kan sare.”

Ninkan ayaa intaas raaciyay in si looga hortago guurka deg degga ah loo baahan yahay ka bulsho ahaan in lagu baraarugo waxyeelooyinka ka dhalan kara. Wuxuu xusay in ka guddi ahaan ay qaateen doorkooda oo ah in ay si wada jir ah waalidiinta iyo ardaydaba ay uga wacyi galiyaan guurka qasab ka ah  ee gabdhaha lagu sameeyo waxbaranaya.

Previous Post

Dhallinyaro barakac ku ah xeryo ku yaalla Muqdisho oo shaqo abuur noloshooda beddelay ka helay iskuullo xeryahooda laga furay

Next Post

Muqdisho: Qoysas nolol-maalmeedka uu ku adkaa oo helay gaargaar raashin ah oo loogu geeyay xeryaha ay ku jiraan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Muqdisho: Qoysas nolol-maalmeedka uu ku adkaa oo helay gaargaar raashin ah oo loogu geeyay xeryaha ay ku jiraan

Muqdisho: Qoysas nolol-maalmeedka uu ku adkaa oo helay gaargaar raashin ah oo loogu geeyay xeryaha ay ku jiraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo