(ERGO) – Qoyska Cabdi Daahir Shide wuxuu kamid yahay ku dhawaad 500 qoys oo ah xoolo dhaqato ku cayroobay abaaraha gobolka Gedo kuwaas hadda noloshooda ka maareeya shaqooyin beer falis ah oo ay ka helaan beeraha webiga Jubba.
Cabdi oo 48 jir ah wuxuu maalinle ugu shaqo tagaa beer labo hektar oo ku taalla tuulada Taaganey oo 12 km u jirta degmada Luuq. Wuxuu qaabilsan yahay tacbidda, falidda iyo waraabinya beerta oo u adeegsado tubbooyinka biyaha webiga soo qaada.
Ninkan oo abaarta kala soo cararay qoyskiisa bishii Oktoobar 2022 markii uu ku waayay ari labo tiro ku dhow. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in shaqada beeraha ay dantu ku qasabtay si uu uga helo cunno carruurta uga badbaadisa macaluul.
Shaqadan oo waqti badan ka qaadata ayaa u suuragalisay inuu qoyskiisa oo toban qof uu u helo raashin labo waqti ah. Wuxuu sheegay inay shaqada beerta u noqotay il dhaqaale oo isbeddel u keentay noloshooda.
“Waan xoogsanaa. Jawaankaas iyo beeraha tacab ugalna iyo xoogaanadda waan iska xarbinaa. Ilaah kama aanan quusanine waan xoogsanna. Webigaas ayaan ka shaqeysanaa waxa ka soo baxaba aan aadnaa,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa ka shaqeeya beer lagu abuuro khudaarta iyo noocyo ka mid ah dalagyada sida galleyda, digirta iyo geed mireedka.
Qoyskiisa keli kuma ahan shaqada beeraha waxaana kula lamaanan labo wiil oo uu dhalay oo da’adoodu kala tahay 17 iyo 15 jir. Waxay ka caawiyaan soo saaridda biilka reerka.
Dhaqaalo dhan $60 ayuu Cabdi bishii ka helaa beerta halka wiilashiisa ay iyaga beeraha webiga Jubba kaga shaqeystaan joornaati aan joogto aheyn oo u dhaxeeya 1.5-2 doollar.
Raadiyow Ergo ayuu Cabdi u sheegay in markii ay soo barakaceen ay galeen marxalad muruq-maal ah taas oo dadka deegaanka ay yimaadeen u ah howl-maalmeed.
“Dadka maanta la iskuma jiifo joornaatigooda waa ay soo dhacsadaan. Wax yar iyo wax badan waxa ay helaanba wixii tabartooda ah. Marna waa ay soo waayaan oo beerihii ay aadaan oo shaqo la’aan ayay ku noqdaan. Dad badan ayaa shaqo la’aan noqday. Marna wax ayay soo helaan oo waa wax wax lagu heli karo,” ayuu yiri.
Qoysaskan ayaa sanadkii hore intooda badan ka soo barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo markii abaar ka jirtay ay saameysay duunyadii ay ku tiirsanaayeen wax soo saarkeeda.
Qoysaskan u soo nolol doontay tuulooyinka ku tiidsan webiga Jubba waxay sidoo kale beeraha deegaanka ka helaan bal qiimo jaban oo ay siistaan neefaf ari iyo lo’ isugu jira oo ay abaarta kala soo carareen.
Calafka ay helaan wuxuu ka caawiyay inay soo kabtaan xoolahooda isla markaanna ay u suuq geeyaan sayladda magaalada. Deegaankan beeraha waa meesha keliya ee loo tasho tago, waxay qoysaska iyo xoolahooda u yihiin udub dhexaad si siman u caawiyay.
Qoyska Ibrahim Geedi Cabdi oo soo maciin-biday tuulada Awaara si ay u helaan nolol fiican wuxuu ka mid yahay qoysaska ay sidoo kale xoolahooda u helaan biyo daaq isku dheelli-tiran.
Ninkan oo ah aabaha qoys ka kooban sideed qof wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in labadii bil ee ugu dambeeyay ay nolosha qoyskiisu ku tiirsanaayeen iibka ari afar ah oo abaarta ugu soo haray. Neef ama labo ayuu bil kasto suuqa degmada Luuq u iibgeysa si uu raashin ugu helo carruurtiisa.
“Xoolaha markii bisha la joogo waad garaneysaa qoyska saddex haaf iyo kasii badan digir iyo saliid ayaa losoo qaadaa. Markaas neefki lacag leh adigu malyan iyo shan boqol marka labo neef hadii ay galaan sidaas ayaan ku soo shahar sannaa. Adigu labo neef ayaa bishi naga baxo,” ayuu yiri.
Ibraahim ayaa sheegay inay la kulmeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah, markii abaarta ay ka dishay ku dhawaad 150 ari ah iyo sodon lo’ ah oo uu ku dhaqanayay deegaanka Surtaag oo qiyaastii 25 km dhinaca koofur galbeed ka xigta.
Ninkan ayaa nolosha qoyskiisa ka soo saara beer uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin. Wuxu qaabilsan yahay abuuridda iyo falidda.
Marka la gooyo beerta balkeeda ayuu sheegay inuu ugu faa’iideeyo xoolihiisa kuwaas oo hadda aysan ka muuqan raadka abaarta.
“Hadda meesha abaar ayaa na keentay si haddii loo fiiriyo isbadal badan ayaan helnay biyo iyo baad waan helnay sababtoo ah wixii aan haysanay ayaan dalagii kula dagaalannay waxaan ka gadanno ayaan ka helnay. Dalaga horta suuq ma geeyo xoolihii baan siiyaa. Xoolihii markii ay ii noolaadeen iyagii baan sii gataa oo hadda iyaga ayaan ku tiirsanahay. Hadda neefka ariga marka abaarahan suuqa loo fiiriyo neefki dhiiga leh lacag fiican ayuu galayaa marka suuqa la keeno,” ayuu yiri.
Gobolka Gedo oo qeyb ka ah goobaha ay roobabku ku yaraayeen sanadiii tagay waxaa ka dhashay abaar saameysay dadka iyo duunyada. Tan iyo horraanti 2021 waxaa gobolka laga daad gureeyay boqolaal kun oo xoolo ah si abaaraha looga badbaadiyo halka qoysas badan oo xoolo dhaqato ah ay maciin bideen xeryaha barakaca si ay gargaar u helaan.
Xoolo dhaqatadan ayaana ah kuwo taasi hadda ka walwal la’ maadama il dhaqaale ay ka heleen deegaanada wabiga Jubba jiinkiisa ah oo ay u soo carareen.
Qoysaska waxay isugu jiraan kuwo dad iyo xoolo la yimid deegaankan iyo kuwo aan wadan wax duun yo ah.
Wali Koosaar Saalax waa aabbaha qoys ka kooban kow iyo toban qof. Waxay xoolo dhaqato ku ahaayeen tuulada Caracase oo ay ka soo barakaceen bishii Maarso ee 2022 markii ay waayeen aril abo tiro ah. Hadda waxay ku nool yihiin tuulada Awaara oo hoos tagta Luuq.
Wali oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in qoyskiisa oo faro-maran ay imaadeen halka ay deggan. Ujeedka ay halka ugu soo guureen ayay sheegay inay aheyd inuu ka xoogsado beeraha.
Shaqo burjawaasi ayuuna ka qabtaa tuulada taas oo faa’idadeedu tahay mid la helo marka beerta miraheedu bislaadaan oo la beeciyo.
Waxa uu sheegay in raashin quraac iyo casho xiriir ah uu carruurtiisa u helo taas oo uu beerta ka keeno.
“Hadda waa burjawaasi wax la yiraahdo ayaan ka qabanaa oo nin ayaa beertiisa la galayaa. Marka shidaalki iyo wixii ayuu meesha keenayaa anagana xoogi baan meesha la tageenaa. Marka wixii ka soo baxo waa noo kala goos. Isaga bar ayuu qaadanayaa anagana bar. Wixii baa hadde suuqi lala soo aadayaa oo hadii xoolihii la waayay waa la shahar sanayaa oo carruurti wixii ayaan isku celcelinnaa,” ayuu yiri.
Qoysaskan ayaa ka soo kabanaysa qeyb ahaan dhibaatadii soo gaartay. Waxay isku hawlayaan inay la qabsadaan nolosha ka jirta halkan balse weli waxay la nool yihiin saamayn jireed iyo mid maskaxeed oo ay ka dhaxleen abaaraha dagaagga ka dhigay.