(ERGO) – Warda Ilyaas Axmed oo ah 25 jir ku nool Muqdisho waxay labo sano waqtigeeda lu lumisay dedaal shaqo raadin oo aan miro dhalin balse maanta waa milkiile loo shaqeeyo.
Waxay isbeddel nololeed u samaysay nafteeda, qoyskeeda iyo 13 dhallinyaro oo fursad shaqo abuur ka helay xarumo dharka lagu dhaqo oo uga furan caasimidda.
“Shalay anniga waxaan ahaa shaqo la’aan, maantana aniga ayaa dadka shaqo siiya. Qoyskayga wax ayuu ka beddelay anniga wax ayuu iga beddelay. Lacag ayaa iga soo gasha. Masruuf guriga ha ahaato ama dad aan sic ale u ha ahaato wax badan ayay qoyska ka beddeshay. Waxaan caawiyaa abtiyaal deggan miyiga,” ayay tiri.
Hal-abuurkeeda ayaa u suurageliyay inay nolosha qoyskeeda kabto isla markaana ay bille u dhigato lacag dhigaal ah. waxay sheegtay inay shaqadan ka heshay kalsooni qofeed iyo hami sare oo dhanka ganacsiga ah. Waxay ku hanweyn tahay inay sii ballaariso.
Waxay maalinle ula kulantaa hadallo ka niyad jabiya sii joogteynta shaqadeeda oo uga imaanaya shaqsiyaad ka mid ah bulshada balse waxay sheegtay inay ka dhigato dhiiri gelin oo kale.
“Waxaa lagu leeyahay adoo wax bartay miyaad hadda iyo kow dhar dhaqow gali! Wax ayaad baratay maad waxbarashadaada aadidi? Caqabad fara badan ayaa iga hor timid dadka igu dhawba ha ahaadaane. Laba-daayada waxaa weeye shaqooyinka la yaso,” ayay tiri.
Sanadkii 2018 ayay ka baxday kulliyadda beeraha ee jaamacadda Soomaalia. Waxay maskaxdeeda ku mashquulisay inay hesho hal abuur ganacasi oo ay dhaqaale ka samayn karto.
Dhibaatooyinka shaqo yarida ee dalka ka jira ayaa Wardo ku xanbaaray inay fekraddan la timaado. Taqasuskeeda Jaamacadda oo ahaa cilmiga beeraha ayay ku weyday wax shaqo ah. Uma aysan dedaal yareyn inay dhadhamiso dheefteeda aqoonteeda hase yeeshee duruuraha shaqaalaysiinta ku gudban ayaa xagal daaciyay filashadeedii.
“Inaan shaqo raadiso way adag tahay, waddankana waxaa waaye garabeeshan. Maanta cid shaqo iska kaa siinaysa ma jirto. Waa inaad xildhibaankaaga raadiso ama wasiirkaaga. Sidaas ayaad shaqo ku raadin kartaa. Albaab intaad gargaraacdo in shaqo kugu siinaysa ma laha. Marka aad ayay iigu adkaatay inaan shaqo helo markii hore. Sidaas darteed waxaa inuu dhalatay inaan noqdo qof meel iska soo saarta,” ayay tiri.
Nasiib wanaag, gabadhan oo 25 jir ah waxaa furan saddex doobi oo dharka loogu mayro macaamiisheeda. Saaxibbadeed ayaa ka caawiyay dhaqaalihii uga baxay qalabaynta xaruntii ay ku bilowday, waxaana u suuragalay inay samaysato keyd lacageed oo u fududeeyay inay furato labo xarun ee kale oo hadda soo saara dakhli kor u qaaday hab-nololeedkeeda iyo inta u shaqaysa.
Warda waxaa u xaqiiqoobay rajadeedii aheyd inay noqoto loo shaqeeye. Waxay doonaysaa inay kaalin ka qaadato beddelida dhaqanka nin jacleysiga ee caqabadda ku ah dhallinyarada soo kacaya ee u jeel qaba inay cilmigooda ku helaan shaqo takoor la’aan.
“Aniga waxaan ku xushaa xirfadda uu qofku leeyahay iyo baahida uu shaqada u qabo. Haddii aan arko qofka inuu ka soo bixi karo iyo xirfaddeedana uu leeyahay shaqanada uu baahi u qabo waan shaqaalaysiiyaa, keliya damiinkiisa ayaa la weydiiyaa waa loo fududeeyaa, ma ku dhibno shaqada maxaa yeelay anigaa og dhibka aan ka soo maray….,” ayay tiri.
Shaqadan waxay Warda u tahay mid ka nasiyay fekerkii badnaa ee ay ka dhaxashay shaqo la’aanta. Waqtigeeda waxay ku bixisaa kormeerka la socoshada hawlaha maalinlaha ah ee ka dhex socda shaqada. Waxay tilmaamtay inay tahay hawl adag oo u baahan dulqaad iyo Samir isku sidkan.
“Mararka qaar qof ayaa dhar kuu keensanaya, qofkii oo dharkiisa qaatay ayaa haddana muddo kaddib kuu soo laabanaya wuxuu ku leeyahay dhar ayaa iga maqan…… Waxaa kale oo caqabad kuu imaanaysa qof ayaa wuxuu kuu keenayaa shay guban ama shay wax ka hallaysan. Qofkii markaad dhahdo sidan ma u og tahay, wuxuu ku leeyahay maya aadigaa iga yeeshay adiga ayaaba dacwo laguu raaci,” ayay tiri.
Da’yartan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in fekradeedii ganacsi uu sal dhigatay. Qorshaheeda ayaa ah inay badiso dadka u shaqeeya iyo in adeegeedu uu wada gaaro degmooyinka gobolka Banaadir.
Warda waxay maalaysaa natiijo ka dhalatay maskax-shiil ay samaysay oo iyada iyo qoyskeeda u horseeday isbeddel nololeed iyo isku filnaan dhaqaale.
Warda ayaa ganacsigeeda Soo billowday sannadkii 2020, xarumaheeda ayaa ku kala yaalla degmooyinka Hodan, Xamarweyne iyo Boondheeye. Xarumaheeda waxaa fursad shaqo abuur ka helay sagaal wiil iyo afar gabdhood.
Safiya Ibraahim oo 20 jir ah waxay maalin walba u soo shaqo tagtaa mid kamid ah xarumaha Warda ee Dharka lagu dhaqo, taas oo ku taalla agagaarka isgoyska lanbar afar (KM4). Waxay ka qaadataa mushaar bille ah oo ka caawiyay biilka walaalaheed oo shan ah iyo hooyadeed.
“Shaqadii iigu horreysay aan ka shaqeeyo waaye, wax badan ay ku soo kordhisay, wax badanna way iga anfacday, waayo waxaa jiro dad, ilmo yar aniga iga yar oo wax barto, waxbarashadooda ayaan ku dhiibaa waxaan inta ka helo, aniga nolosheyda waxay ka kaafisaa, wixii aan inta ka qaato qeybna biil aan ka dhiibaa, qeybna waxbarashadii ayaan ku dhiibaa, qaarna aney ii soo hartaa, booska ugu fiican hadda waxaa waaye biilkay saa’id iiga bixisaa, Walaahi si fiican ayuu ii caawiyay aboowe, wax badan uu iga caawiyay, waayo nolosheyda waagii hore say aheyd iyo hadda say tahay way kala duwan tahay,” ayay tiri.
Waa isha keliya ee qoyskeeda u soo saarta nolol maalmeedkooda. Ka hor shaqadan iyada iyo carruurta la dhashay waxay ku tiirsanaayeen dad ehel ah balse maanta shaqadan ayaa u suuragalisay inay dabkooda gaar u shitaan.
“Walaahi shaqadan ka hor guriga aan iska joognay ee annag Ayeeyadeen ayaa na soo korsatay Abtiyaashey ayaa wax na siin jireen, wax badan saa’id weli, wax badan aan ku soo kordhiyay, waayo waagii hore qof guri iska joogto ayaan iska ahaay, laakin hadda waxaan ahay qof lagu tashto wax laga sugo, Walaahi qof caadi ah oo iska faraxsan oo iska shaqeysato ayaan ahay Alxamdulilah,
Ilaah mahad iska leh, ka sokowna Abbaayadan mahad iska leh ayadaa shaqada i siisay oo i soo dhaweysay, ma jiro wadankan qof bilaa sabab shaqo kugu siinaaya,” ayay tiri.
Safiya waxay ka barbar shaqeysaa saddex gabdhood iyo sagaal wiil. Siddeedda subaxnimo ayay maalin walba timaadaa goobteeda shaqada. Waxay shaqaysaa labo iyo toban saacadood. Ujeedkeeda ayaa ah inay daboosho baahiyaha qoyskeeda oo ay tiir dhexaad u tahay.
Dhallinyarada ay shaqo wadaagta la tahay ayaa qabta hawlo kala duwan, qofba wuxuu qaabilsan yahay qeyb gaar ah. Safiya ayaa nala wadaagaysa kaalinteeda shaqada.
“Shaqada aan ka qabto waxay tahay, xafiiskan ayaan fadhiyaa ee dharka waa la ii keenaa, waa qabtaa magaca aan ka qoraa dadka waa ka miisaamaa, waa u dhedhejiyaa, kaddibna waan dhiibaa galabtii, dadka marka ay ii imaadaan waan siiyaa, shaqada inta ugu badan ee la qabto waxay tahay galabihii adiga casirka wixii ka dambeeyo illaa iyo subixii wixii saddex saac ka dambeeyo, adi afar saac illaa lix saac inta u dhaxeyso,” ayay tiri.
Sannadkii 2019 ayay ka baxday dugsiga sare, mana u suuragelin inay ku biirto waxbarashada jaamacadda, sababo la xariira awoodda dhaqaale ee qoyskeeda oo liidatay, hadda waxay bil walba mushaarkeeda ka jartaa lacag ay u qoondeyneyso inay jaamacad isaga diiwaan geliso sanad waxbarasheedka soo socda.
Gabadhan ayaa tilmaamtay inay shaqadan ka heshay waayo-aragnimo billow u ah oo ay aaminsan tahay inay ka caawin doonto suuqa shaqada Soomaliya oo ay ka jirto ciriiri iyo dad kala dhawsi xididaystay sida ay qabto.