Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Mudug: Dadka deegaanka Dhinowda oo ku dhiban hilitaanka raashiinka markii uu bacaad xiray waddooyinka soo gala iyo guryahooda

Radio Ergo by Radio Ergo
February 28, 2023
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Bacaadka guurguura oo boqollaal qoys gelinaya hubanti la’aan la xiriirta hoyga iyo nolosha

Bacaadka guurguura oo aasay guryaha tuulooyin ka mid ah gobolka Mudug/ Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun iyo saddex boqol oo qoys oo ku nool deegaan xeebeedka Dhinowda ee gobolka Mudug ayaa wajahaya cunno xumo, markii bacaadka guurguura uu xiray waddooyinkii ay mari lahaayeen gaadiidka raashiinka geeya deegaanka.

Hinda Sheekh Cali oo ka mid ah dadka ku nool Dhinowda oo magaalada Gaalkacyo waqooyi bari uga began 265 km ayaa sheegtay in qoyskeedu ay ku adag tahay in hal waqti ay helaan waxay cunaan.

Haweenaydan ayaa xustay in raashinka uu qoysas deegaanka oo dhan u keeno hal gaari oo ka yimaada magaalada Boosaaso. Kiradiisa ayaa sare u kacday saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Halkii kiish gaariga wuxuu deegaanka Dhinowda ku geeyaa $8.

“Waddada baabuurta ayaa naga go’an raashinkuna waa qaali xoolahu ma gadmaan dadkuna xoolaha iyo badda ayay wax ka soo gali jireen,”

Hinda ayaa xustay in lacagta gaadiidka uu ugu keeno raashiinka ay hadda noqotay labalaab marka loo eego qiimihii hore oo ahaa 4 doollar. Bacaadka dartiis gawaaridu gudaha uma soo geli karaan deegaanka.

Dhalinyarada deegaanka ayaa ciidda ka banneeya waddada marka uu gaarigu ku soo wajahan yahay, Sidaas oo ay tahay Hinda waxay sheegtay in raashinka loo dhigo meel gurigeeda u jirta 3 km. Waxay ku qasbanaataa in bixiso $1 oo xamaali kale ah.

Haweenaydan oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 12 qof ayaa tilmaamtay in horay ay noloshooda ugu tiirsaneyd kalluumaysiga oo maalintii ay ka heli jireen ugu badnaan $15. Shaqadan oo uu qaban jiray wiilkeeda ayaa ka istaagtay, markii uu fogaaday kalluunka saddexdii bil ee u dambeeyay.

Wiilkeeda 22 jir ah wuxuu hadda ka mid yahay dhallinyarada gawaarida ka dejiya raashinka. Wuxuu ka helaa halkii mar $17. Lacagtan ayuu ku caawiyaa qoyskiisa.

Hinda sheegtay in bacaadka guurguura uu waxyeelo u geystay ceelashii deegaanka oo ay ka heli jireen biyaha ay isticmaalaan qoyskeeda. Ceelashaas oo ah gacan qodaal waxaa duuga mar walba bacaadka.

“ceelku waa wasaq ciid baa fadhiisanaysa. Waxay ka buuxsamaysaa gudaha iyo dusha ceelka. Biyuhu waxay noqonayaan dhoobo,”

Qoyskeeda wuxuu ku hoyda labo qol oo jiingad ah oo aan ka fogeyn halkii ay ka soo guureen markii hore oo ahaa gurigeeda oo bacaad uu qariyay. Rajo badan kama sii laha inay ku nagaadaan, maaddaama mar kale uu bacaadku ku soo dhowaaday.

Waxay Hinda ka walwalsan tahay bixinta lacag dhan $750 oo dayn ah. Waxay ku qaadatay raashin iyo qalabkii ay ku dhisatay guriga jiingadda ah.

Deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug oo qoysas badan ay horay uga guureen saameynta bacaadka darteeda ayaa dadka ku haray waxay cabsi ka qabaan guryahooda uu bacaadku aaso haddii aan xal loo

helin. Dad qaar ayay dantu ku qasabtay inay meel tag ah u guuraan si ay uga badbaadaan dhibaatada ciidda.

Qoyska Sayid Sheekh Cabdullahi oo ku nool deegaankan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay isugu darsantay abaar iyo ciid, taas oo caqabad ku noqotay helitaanka nolol maalmeedka.

Ninkan ayaa sheegay in saddexdii bil ee u danbeeyay lagu yeeshay lacag dhan $477, taas oo uu ku qaatay raashiinka ay isticmaaleen qoyskiisa. Dhaqaale xumada haysa dadka deegaanka ayaa sababtay inuu waayo dad wax ka gata ganacsi uu ku leeyahay.

“Reerkaygu nolol ahaan waxuu ku tiirsanaa farmiyasho yar oo ii furnaa. Dadkii wax iga iibsan jiray oo xoolo dhaqato iyo kalluumeysto ahaa waxba ma haystaan, sidaas darted marka ganacsigii cid wax ka gadaneysa lama arko,”

Sayid oo ah aabbaha 17 carruur ah Caqabadaha kale ee haysta waxaa ka mid ah biyaha ay helaan oo dhanaan ah. Waxaa u sii dheer in masaafo ka durugsan uu u jiro ceelka ay ka dhaan sadaan.

Qiimaha biyaha macaanka ah ayaa deegaankiisa ka jooga halkii fuusto $10, taasi oo uu sheegay in ay ku adagtay iibsashadeeda.

Guddoomiyaha deegaanka Dhinowda Xasan Cabdi Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda deegaanka ay aad u adag tahay marka loo fiiriyo duruufaha is biirsaday oo ay wajahayaan qoysaska deggan.

Konton qoys oo ka mid ah dadka deggan ayuu xusay in markii ay u adkaysan waayeen bacaadka ay u guureen Gaalkacyo, Afbarwaaqo iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa dhibaatooyinka hadda ka jira Dhinowda u sababeeyay roob yarida ka jirta deegaanka. In ka badan shan boqol oo qoys ayuu sheegay in ay ku adag tahay helidda cunno ay dabka saartaan.

Previous Post

Gedo: Qoysas abaar uga barakacay deegaanadoodii oo webiga Jubba ka helay shaqooyin iyo calaf

Next Post

Waalidiinta ku nool Dhadhaab oo ka cabanaya kharashka manhaj cusub oo dhowaan laga billaabay dalka Kenya

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Waalidiinta ku nool Dhadhaab oo ka cabanaya kharashka manhaj cusub oo dhowaan laga billaabay dalka Kenya

Waalidiinta ku nool Dhadhaab oo ka cabanaya kharashka manhaj cusub oo dhowaan laga billaabay dalka Kenya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-OCT-2026

IDAACADDA 03-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo