Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Waalidiinta ku nool Dhadhaab oo ka cabanaya kharashka manhaj cusub oo dhowaan laga billaabay dalka Kenya

Radio Ergo by Radio Ergo
March 2, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Waalidiinta ku nool Dhadhaab oo ka cabanaya kharashka manhaj cusub oo dhowaan laga billaabay dalka Kenya

Ardayda iskuulka Al-amiin ee u gudubay dugsiga sare ee manhajkan cusub oo fadhiya fasalkooda/Bashir Gahnug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guud ahaan dalka Kenya waxaa ka hirgalay manhaj cusub oo ay wax ku baranayeen ardayda dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo sare. Manhajkan cusub oo ardayda qaab ficil ah wax loogu baraayo ayaa la soo billaabay 2017-kii. Ardaydii ugu horreysay ee lagu billaabay ayaa waxay sanadkan u gudbeen dugsiga sare. Waalidiinta ardayda ku nool xerada Dhadhaab ee aan awoodin inay dabbaraan dhamaanba agabka looga baahan yahay carruurtooda ayaa durba cabahadooda muujinaya.

Manhajkan oo loo soo gaabiyo CBC ayaa dhigaya in ardaydu markii ay dhameeyaan fasalka lixaad ay galaan imtixaan qaran oo ay ugu gudbayaan qaybta koobaad ee dugsiga sare oo ah sadex sano, markaa kadib na ay aadaan qayb labaad oo dugsiga sare ah oo iyadana saddex sano oo kale la baranaayo.

Maxamed Cabdiqaadir Axmed wuxuu ka mid yahay waalidiinta ay carruurtooda u gudbeen dugsiga sare sanadkan. Labo gabdhood oo walaaladiisa ah oo agoon ah ayaa sanadkan u gudbeen fasalka toddobaad oo ah billowga saddexda sano ee ugu horreysa ee dugsiga sare ee manhajkan cusub.

Ninkan oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa sheegay inuu la kurbaysan yahay sida u walaalihiisa ugu heli lahaa dhammaan agabka waxbarasho ee ay u baahan yihiin.

Maxamed ayaa sheegay in isaga uusan shaqeynin. Qoyskiisa ayuu xusay inay ku tiirsan yihiin gargaarka ay dadka ku nool xerada Dhadhaab ka helaan hay’adda UNHCR.

“Xaqiiqadii saxiib aad bay noloshu u adag tahay. Aniga nin dhallinyaro ah oo aan shaqeeynayn ayaan ahay. Walidkii i garab istaagi lahaa ma joogo. Ilmihii ila dhashay waxaan la rabaa inaan wax baro. Mahanjakan cusub ee waxbarashada lagu soo daray qarashaadkiisa ayuu wataa, mana awoodi aniga,” ayuu yiri.

Ardayda u gudbtay saddexda sano ee ugu horreysa ee dugsiga sare ayaa baranaya maaddooyin ka badan kuwii lagu baran jiray manhajkii la beddelay. Ilaa toddobo maaddo oo ay ardayda qaadanayaan ayaa lagu baranayaa hab i tus oo i taabsii ah [Practical]. Maado walbo ayaa u baahan agab waxbarasho oo u gaar ah, sida u xusay Maxamed.

“Waxaa jirta maadada beeraha mana joogno dhul beereed, ilmihiina intaan meelo kale gayno beero ma soo tusi karno. Kompuuter science ayaa jira, wuxuuna ubaahan yahay qarash. Haddii iskuulka iyo gurigii aysan kompuuter oolin, ilmuhu sidee ayay ku baranayaan,” ayuu yiri.

Maxamed, 30 jir, waxay walidiintiisa dhinteen sanadkii 2010-kii. Wuxuu xusay in tan iyo xilligaasi u isaga soo haayay mas’uuliyadda carruurta u waalidkiisa ka dhintay. Ninkan waxay qoyskiisa soo degeen xerada Dhadhaab sanadkii 1992, xilligaas oo ay ka soo qaxeen dagaalkii sokeeyay ee dalka.

Wasaaradda waxbarashada ee dalka Kenya iyo hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada ardayda ku nool Dhadhaab ayuu ka codsaday inay ka caawiyaan agabkii loo baahan yahay.

Fartuun Maxamed Cali oo ah hoyada siddeed carruur ah ayaa sidoo kale ka mid ah waalidiinta cabashada ka muujinaya manhajkan cusub. Hal will oo ay dhashay ayaa sanadkan ka gudbay fasalka lixaad.

Haweeneydan oo dugisga hoose, dhexe iyo kan sare ba ku barataya xerada Xagardheer ayaa sheegtay in iskuulada ku yaala qaxootiga aysan u diyaarsanayn manahjkan cusub. Waxay xustay inay adag tahay in xal

loo helo maadooyinka tijaabada tooska ah [practical-ka], maaddaama agabka ay u baahan yihiin aysan owlin iskuulada.

“Hadii aan faah faahin ka bixiyo ilmuhu waxay dhiganayaan waa 14 maado oo ay toddobo paractical yihiin. Maadada beeraha oo kale waxay u baahan tahay in la helo dhul-beereed, mirihii la abuuri lahaa iyo biyo ku filan. Qoxootiga biyaha cidhiidhi ayaa lagu qabaa, waxa aan ku tiirsanahayna waa raashinka yar ee nala siiyo, waa intaas waxa aan isku cel-celinno,” ayay tiri.

Fartuun ayaa sidoo kale xustay in macallimiinta waxbara ardayda naftooda aysan qibrad u lahayn manhajkan cusub. Arrintan ayay tilmaantay inay keeni karto habsaan iyo dib u dhac waxbarasho oo ku yimaada carruurta ku nool qaxootiga.

Waxay sheegtay in walidiin badan ay ku fikirayaan in carruurtooda ay ka reebaan iskuulka oo ay madaarista un u dhigtaan.

“Macalimiinta iskuulada dhigaya waxay wax ku soo barteen manhajkii hore ee 8-4-4-ka. Macallin wax ku bartay manhajkan cusub oo la keenay ma jiro. Waalid ahaan anigu, haddii cunigii waxaas oo dhan laga rabo oo aanan awoodin, inaan madaarista gaysto oo uu Quraanka iyo diinta i barto unbey noqoneysaa oo aan iskuulaadkii iska dhaafo,” ayay tiri.

Maamulaha iskuulka Al-amiin ee xerada Xagardheer, Axmed Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in manhajkan cusub uu u baahan yahay dhaqaale iyo wakhti badan. Wuxuu xusay in manhajkii hore u ardayda uga fiicnaa midkan cusub ee lagu beddelay.

“Manhajkan sida aad u ogtihiin maadooyinka lagu dhigto aad ayay ubadan yihiin, waalidiintuna ma awoodaan intaas oo maado in qarashaadkiisii ay bixiyaan. Marka aad ayuu u dhib badan yahay, macallimiin faro badan ayuu u baahan yahay ka maamul ahaan, waxaad u malaynaysaa in qarashaadkiisu aad uga badan yahay manhajkii hore ee 8-4-4-ka. Waalidiinta marka dhibka badan ee ka qabsaday awgeed waxay doorbidayaan in cunuggii ay galaaska ka bootiyaan oo ay galaaska 8-aad diiwaan galiyaan,” ayuu yiri.

Previous Post

Mudug: Dadka deegaanka Dhinowda oo ku dhiban hilitaanka raashiinka markii uu bacaad xiray waddooyinka soo gala iyo guryahooda

Next Post

Bari: Kalluumaysato ku filnaaday nolosha qoysaskooda marki lagu caawiyay qalab ay ku shaqaystaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Dhallinyaro barakac ah iyo kuwo jaamacado ka qalinjabiyay oo shaqo ka helay shirkado kalluumaysi

Bari: Kalluumaysato ku filnaaday nolosha qoysaskooda marki lagu caawiyay qalab ay ku shaqaystaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo