(ERGO) – Todobaatan ka mid ah kalluumaysatada deegaanka Bender-siyaadaqow ee gobolka Bari ayaa ku filnaaday nolosha qoysaskooda oo danyar ah, markii hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO ay siisay qalab ka saacidaya kaydinta kalluunka bartamihii bishii hore ee Febraayo.
Cabdiqafaar Maxamuud Cabdi wuxuu muddo 20 maalin ah si welwel la’aan ah badda uga soo saaranayaa nolol maalmeedka qoyskiisa oo siddeed qof. Waa markii ugu horaysay ee qoyskiisa ay isbeddal nololed dareemayo siddeed sano oo uu badda u ka la hayay.
“Nolol maalmeedkeenu hadda waa fiican yahay waayo wax ayaan soo saaranaa. Hadda aad ayay noloshu noloshii hore uga beddelan tahay dhan walba,”
Cabdiqafaar wuxuu toddobaad walba labo maalin iib geeyaa wax-soo-saarkiisa badda isaga oo ka hela lacag u dhaxaysa $15-$20. Arrintaas ayaa u suuragashay markii lagu caawiyay tallaagad uu kalluunka ku kaydsado si uusan uga hallaabin, alaab uu ku shiilo hilibka iyo shamaago uu ku soo dabto.
Wuxuu ka maarmay shirkado lacag uga qaadan jiray kaydinta iyo shiilidda kalluunka. Waxa uu sheegay in halkii kiilo ay ka qaadi jireen $2 hal dollarna uu ka qaadan jiray gaariga u safriya Boosaaso oo 45 km u jirta deegaankiisa, taasi oo hadda meesha ka baxday.
Ninkaan marka laga soo tago doon yar oo uu u gaday nin ay qaraabo yihiin qalabka kale ee uu ku kaluumaysan jiray waxa ay ahaayeen kuwo laga kireeyo. Waxa uu xusay in maalintii laga qaadi jiray $10, taas oo meesha ka saaraysay faa’iidadii uu heli lahaa. Hadda waxa uu si buuxda ugu filnaaday biilka reerkiisa oo markii hore ku adkeed inay hal waqti wax cunaan.
“Wax isku dhaw iyo wax la isbarbar dhigikaro maahan. Noloshii hore iyo tan hadda. Dadka oo dhan in baddii la galo oo magaalada laga shaqo tago ayay noqotay, laakiin awal dhiiranaantuba waa iska yareed,”
Cabdiqafaar wuxuu xusay in dhaqaalaha soo gala uu u kala qaybiyo saddex meel oo kala ah, biilka qoyska, in uu ugu talogalo socodsiinta shaqadiisa maalinlaha ah iyo in uu meel u dhigo in uu iskaga gudo dayn $700 ah oo uu ku leeyahay ganacsadaha leh bakhaar cunnada lagu iibiyo.
Labo wiil oo ugu wayn carruurtiisa ayuu qorshaynayaa in markii ugu horaysay uu ku daro iskuulka deegaankiisa, maaddama uu awooday dhaqaalaha ku baxaya.
Dadka qalabkan ka faa’idaystay kalluumaysatada kaliya ah maahan ee waxaa sidoo kale la siiyay ganacsatada yaryar ee maqaaxiyaha lagu kariyo kalluunka deegaanka ku leh.
Waxaa ka mid ah Intisaar Nuur Siciid oo maqaaxi cuntada bisil lagu iibiyo ku leh. Waxay heshay tallaagad yar oo nuuca barafka ku shaqaysa ah iyo maacuun ay ku shiisho hilibka kalluunka. Waxa ay xustay in muddada ay qalabkan haysatay in meheradeeda laga dareemayo koboc dhaqaale.
Haweenaydaan waxay suuqa ku soo gashay kiilo sonkor ah oo dayn ah oo ay ku billawday shaah karinta, kaas oo ay ka iibin jirtay ragga kalluumaysatada ah marka ay soo jillaabtaan ee ay ka soo noqdaan badda.
Qoyska Intisaar oo 8 qof ah waxay ku tiirsan yihiin wax-soo-saarka meheradda. Aabbaha carruurteeda ayay sheegtay in uu shaqo la’aan yahay muddo afar bil ah, markii ay xirantay xarun caafimaad oo ku taal magaalada Boosaaso oo uu waardiye ka ahaa.
Waxa ay xustay in ay culays ku qabtay biilka reerka iyo waxbarashada carruurta labo ka mid ah oo ay bishii ka bixiso $14, balse hadda ay ku filnaatay.
“Muddo yar ayaan hadda qalabka aan haysto waxaan ku dareemay in saddex meelood meel ay iigu korodhay,”
Waxa ay xustay in markii hore carruurta habeenkii oo kali ah ay dabka ugu shidi jirtay lacag u dhaxaysay $1-1.5 ay ka soo heli jirtay shaaha oo aan suuq u lahayn. Hadda meheraddeeda waxa ay maalinkasta ka heshaa faa’iido u dhaxaysa $6-$8, taas oo ka dhigtay qoyska Intisaar mid saddex waqti cunnada hela.
Waxay rajaynaysaa Intisaar ka mid noqoshada kalluumeystada deegaanka inkastoo ka walaacsan tahay helidda qalabka kalluumaysiga oo qiimo sare ka jooga tuuladeeda.
Gudoomiyaha Deegaanka Bender-siyaadaqow Cabdirisaaq Maxamed Cabdi ayaa sheegay in 240 qof oo kalluumaysato ah laga soo xulay 70 qof ee qalabka la siiyay. Wuxuu xusay in lagu soo doortay sida ay dadku u kala liitaan.
Wuxuu sheegay in ay jiraan 30 qof oo kale oo qayb ka noqday dadka ka faa’iideystay qalabka. Waxay shaqaale u noqdeen dadka helay oo lacago qoysaskooda ay ku maareeyaan siiya.










