Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobay abaarta oo biyo yari iyo cunno xumo ku wajahaya deegaanka Ooman ee gobolka Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
February 3, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Somali news, Mogadishu live news, Humanitarian news

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Biyo yari iyo cunno xumo ayay wajahayaan boqollaal qoys oo xoolahooda ula soo guuray deegaanka Ooman oo 45 km dhanka bari ka xigta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qoysaskan ayaa sanad ka hor ay intooda badan ka soo tagay deegaanno ka tirsan gobolka markii abaar ka jirtay ay saameysay deegaannadooda.

Waxaa ka mid ah qoyska Cibaado Cali Salaad oo soo maciin-biday magaalada si ay u helaan nolol fiican. Sheegtay inay la kulmeen xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Waxaa ku adag helista biyaha oo halkii fuusto lagu shubo $3. Lacagtaas oo aysan awoodin ayaa ku kalliftay inay maalin walba u socoto meel masaafo ahaan u jirta labo km si ay uga soo dhaansato biyaha ay ku nool yihiin. Biyahaas ayay sheegtay inaysan qoyskeeda ku filnayn.

“Biyaha ceelka laga soo qaado waxay noogu imaadaan gaariga baan fuusto saaranaa; fuustadaas waxay ku timaadaa 3 doollar: hal doolar waxaa qaata matoorka, 2 doollar gaariga naga qaata; mana noo xasilaan iyaga dhan isbuuc nooma gaaraan marka biyihii kuu xasanaadi maayaan waa reer xaas ah waxbaa ku qabsaneysaa isbuuc nooma gaaraan haddana tabtii oo kale ayaa lagu soo qaadaa misne waa lagu soo qaadaa tabtii oo kale, hadda ilaa sannad ka badan buu socdaa sannad ku dhow buu motoorka noo qodan yahya saas baan ku wadnaa. marar bay baabuurtu naga diidaan deyn marka ay deyn ku gaarto.”

Cibaado ayaa sheegtay in ari ay haysato oo afartan neef uu uga haray abaarta isla markaana ay la timid magaalada si ay ugu hesho wax ay siiso. Sanad ka hor waxay lahayd tiro ari ah intooda badan ay uga baabba’een biyo yarida iyo daaq-xumada gobolka ka jirta.

Haweenaydan oo haysata siddeed carruur ah ayaa sheegtay inay ka soo guurtay deeganka Xajuub-suufi oo Mudug ka tirsan

Suuq-xumida xoolaha ee ka jirta magaalada ayay xustay inay saameysay cunno helistooda, maaddama ay xoolaha ku tiirsanaayeen. Waxay sheegtay Cibaado inay isku mid ay uga welwesho biyaha iyo cunnada oo aysan ka haqa-beelin.

Xaaladda ayaa ku sii adkaaday markii saygeeda oo mar mar ka shaqeyn jiray dhagaxda uu dhabar xanuun ka qaaday sida ay sheegtay. Hadda iyada oo kaliya ayaa qoyska u raadisa wixii ay karsan lahaayeen.

“Odayga reerka waa iska waxba ma qabto,wax uu ka shaqeysto ayuu waayay. Marka wax la dhisaayo ayuu dhisme ku carari jiray. Haddana mid wax dhisaayo lama arko. Wax saas ah kama soo bixi jirin. Wax dhagaxaas iyo dhoobadaas oo qasaayo hadda isaga fuundi ma ahan, mar maalintii waxaa uu ka soo heli jiray $4 iyo mar uu wax fiican ka soo heli jiray marba waa iska waqti nasiib si wax loo helaa. Waayahaanba muu shaqeyn wuu iska jiranyahaywuu jiraday intii saddex sanno ah wuu jiran yahay. Dhabar ayaa xanuunku kasoo baleeyey soo dhabarka looga hayey buu markii danbe shaqadii gabay; Xamaraa tacaal loogu qaaday dad gacal ah baa waday kabacdi sidii loo tacaaliyey mar waa laqaloo sidaasuu shaqadii iskaga daayey,” ayay tiri.

Cibaado oo aan hayn shaqo ay qabato ayaa sheegtay in marka cunno yaridu ku badato ay ay kaalmo weydiisato dad xigto dhow la ah. Waxaa ka soo xirmay dayn qaadashada markii dadka dukaamada leh iyo kuwa booyadaha biyaha ku keena ay ku yeesheen lacag dhan $300.

Qoyska magaalda ka soo raadiyay hubantida cunno ayaan deegaanka ka helin filashoodii ay deegaannadooda uga soo tageen. Cabdirisaaq Xaashi oo ah aabbaha saddex carruur ah, wuxuu la’yahay dhaqaale uu qoyskiisa uga samata-bixi karo xilliga adag ee lagu jiro.

Qoyska Cabdirisaaq wuxuu lix bilood ka hor ka soo tagay deegaanka Laama-caramduur ee gobolka Mudug. Waxay ka mid yihiin dadkii ugu dambeeyay ee ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaannadooda. Wuxuu Raadiyow Ergo uga warramay cunno yarida ay wajahayaan qoyskiisa.

“Cuno yarida nahaysta carada hadda raashin lama keeno oo dad raashiinkiisa lama keeno, een lacag lama bixiyoo oo hay”ado lacag ma bixiyaan. Marka cunta yaridu saas aa keentay, maadaama meesha aan raashiin la keeneynin lacagna aan la isa siinin oo dadka hay’ado lacag siinin. Dadka qaarba waa si. Aniga hadda shaqsi ahaanteyda ayaan ka warramayaa. Dadka qaarba waa si aniga shaqsi ahaanteyda waxaan wax ku helaa dad ehel ah mar ay soo dhahaan dadkaan wax hala siiyo ama aan anigu ku dhawaaqoo iraahdo xaaladu maantay waa xuntahay.”

Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu lahaa tiro ari ah oo uu ku dhaqan jiray miyiga hase-yeeshee uu ka haysto 20 neef oo uusan nolol ka helin. Saameynta abaarta ee ka jirta deegaanikiisa ayaa badday inuu magaalada nolol u soo raadiyo. Hoyga ayaa ka mid ka mid ah meelaha ay caqabaduhu ka haystaan.

“Hoygu waa hoygu dadka qaarna waxay iska dagan yihiin meelo iska jiingado ah waa jiraan dad iska deggan jiingado anigu hadda meel jiingado ahoo qolo siyaar udhisatayoo kuwaso dibada jira ayaan hadda daganay oo aan ehel nahay,” ayuu yiri.

Deegaanka Ooman ayaysan dadku ka helin baahiyaha aasaasiga ah. Guddoomiye ku-xigeenka deegaanka Maxamed Cali Salaad xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta ka sokow dadku aysan ku haysan adeeg caafimaadka.

Qofka ay qandho qabato ayuu xusay in kaniini loogu heli karo in la tago deegaanka Qarsooni 10 km u jirta Ooman. Guddoomiye ku-xigeenka ayaan sidoo kale ka soo xigannay in dadka xanuunsan loo qaado magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Previous Post

Boosaaso: Xarun ay gabar hirgalisay oo dhallinyaro ay ka heleen shaqo ay nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Next Post

Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha

Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo