Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha

Radio Ergo by Radio Ergo
February 6, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol oo haween ah oo saddex sano ka hor ku cayroobay abaarta ayaa dib u billaabay xoolo-dhaqashada, markii laga caawiyay geel, calafka xoolaha iyo matoorro biyaha ka soo jiida wabiga Shabeelle.

Haweenkan oo ku nool tuulooyinka Goodirey, Cilaan iyo Kunka ee gobolka Shabeelle waxaa geela siisay hay’adda Pastoralist Concern oo laga leeyahay dalka Itoobiya. Dahabo Xaashi Aadan ayaa ka mid ah dadka ka faa’iideystay.

Waxaa la siiyay 16 bishii Janaayo 4 halaad oo irmaan iyo nirgahooda. Xoolahan waxay ku dhaqaneysaa tuulada Kunka oo 15 km u jirta dagmada Godey. Dhaqaalaha ay ka hesho caanahooda oo ay suuq gayso ayay ku maaraysaa nolosha carruurteeda oo sagaal ah.

Dahabo waxay fursad wanaagsan u aragtaa dhaqashada geela oo ku cusub.

“Geelii oo gabdho dumar ah loo soo gaday oo la guddoonsiiyay saakana haween ay hareeraha ka taag taagan yihiin waa wax aan hadda ka hor dhicin. Marka annagu aad baan ugu faraxsannahay waayo nolosheennii, tayadeenii iyo maskaxdeenii bay dib u soo celiyeen,”

Waxay sheegtay in aysan wax walwal ah ka qabin abaarta ka jirta deegaankeeda in ay saameyn ku yeelato xoolaheeda, maaddama ay si joogta ah u helaan calafka xoolaha oo ka baxa beer ku taalla duleedka deegaankeeda.

Beertan oo 10 hiktar ah waxaa ka faa’iideysta geela 50 haween ah oo hal iskaashato ah. Biyaha ay ku waraabiyaan ayay ka soo jiitaan wabiga Shabeelle oo matoorro la siiyay ay u adeegsadaan.

“Maaddaama Geelii, beertii iyo matoorkii aan isku haysanno waxaan rabnaa in Geelu beerta noogu dhex xaraysnaado. Geella cunnadiisa iyo calafkiisa beerta dhexdeeda in aan ka raadsanno. Sidaas baan ku dhaqaalaysanaynaa,”

Waxay sheegtay in ay ka soo kabaneyso abaar ka dishay 46 lo’ ah sanadkii 2019. Tan iyo markaas carruurteeda oo kaligeeda ay korsato waxay dulsaar ku ahaayeen qoys ay ehelo yihiin oo cunnada ay la wadaagi jireen. Hadda se ay ka maarmeen.

Dedaalka ay Dahabo dib ugu soo celinayso rajada qoyskeeda intaas kuma eka. Waxay ku howlan tahay beerro falashada iyadoo ka faa’iideysanaysa biyaha bilaashka ah iyo dhulka beerashada ku wanaagsan ee calafka xoolaha uu ka baxo.

Waxay ka mid noqtay toddobaadkii hore dad la siiyay abuur si ay beero u tabcadaan. Dalag iskugu jira qare, galley iyo basal ayay beeratay. Waxay sheegtay in sidoo kale laga taageeray agabkii ka caawin lahaa beero falashada.

“Qalabkii aan kaga shaqanaynay beerta sida yaanbadii iyo badeelkii bay nasiisay hay’addu. Xooggii, xeeshii iyo waxqabadkii baan annagu la taagannahay,” ayay tiri Dahabo.

Hay’adda caawisay ayaa sheegtay in ay ku xulatay dumarka dhaqaale xumada ay abaartu badday iyo korinta carruurtooda oo ay ku kaliyoobeen.

Xaliimo Maxamuud Guuleed oo hooyo u ah toddobo carruur ah ayaa ka mid ah. Waxay ku nool yihiin tuulada Goodirey oo 8 km u jirta dagmada Godey, halkaas oo ay dhaqaneyso geela la siisay oo 4 halaad iyo nirgahooda ah.

Caanaha ay ka listo ayay qayb ka mid ah siisaa carruurteeda, halka qaarka kale ay suuq gayso. Lacagta ay ka hesho maalintii oo u dhaxeysa $4 ilaa $5 ayay ku iibsataa raashinka qoyska, sidoo kale waxay ku dabbartaa arrad-tirka ubadkeeda.

“Hadde dhaqaale baa soo kordhay oo dharkaan ka gadanaynaa carruurtana waxbarashadan uga bixin. Nolosheenana waxbadan buu ka baddelay annaga iyo ciyaalkeenna, lex jecladii xoolaha ayaa na soo gashay oo faa’iido badan baan ku haynaa,” ayay tiri Xaliimo.

Xaliimo waxay ka mid tahay haweenka aan weli beero falashada billaabin, inkastoo ay qorshaynayso bisha soo socota in ay hirgaliso beer ay leedahay, tiiyoo ay jirto in la siiyay abuur iyo agabka beero falashada.

Waxay tilmaantay in ay hadda ku fooggan tahay xannaada xoolaha la siiyay iyo suuq gaynta xaanahooda oo nolol-maalmeedka qoyskeeda wax ka baddelay.

Haweenka la siiyay xoolaha ayaa ka kooban afar qayb oo mid kasta ay tahay 50 qof. Koox walba waxay wadaagtaa hal beer oo ay ku beertaan calafka xoolaha, qudaar iyo raashin sida uu sheegay Bashiir Arbe Axmed maamulaha hay’adda Pastoralist concrn ee gobolka Shabeelle.

Wuxuu tilmaamay in ay uga golleeyihiin qorshahan sidii ay isku kaashan lahaayeen haweenka shaqooyinka adag, fursado hor lehna u abuuran lahaayeen.

“Waxaan ugu talo galnay in haweenka la arko in ay waxqabsan karaan. Kuwa kale ee guryaha joogana markay arkaan haweenkan siday wax u qabsanayaan in ay ku daydaan oo iskood isku abaabullaan baan uga dan leenahay,” ayuu yiri.

Calafka xoolaha ee u beeran haweenkan ayaa gaashaan uga noqon karaa xoolahooda abaaraha soo laalaabta ee horay u cayrteeyay.

Previous Post

Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobay abaarta oo biyo yari iyo cunno xumo ku wajahaya deegaanka Ooman ee gobolka Mudug

Next Post

Muqdisho: Cunno xumo ka dhalatay gubashada goobo ganacsi oo nolol-maalmeedka ay ka heli jireen qoysas dan yar ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

Muqdisho: Cunno xumo ka dhalatay gubashada goobo ganacsi oo nolol-maalmeedka ay ka heli jireen qoysas dan yar ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo