Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Cunno xumo ka dhalatay gubashada goobo ganacsi oo nolol-maalmeedka ay ka heli jireen qoysas dan yar ah

Radio Ergo by Radio Ergo
February 7, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol oo qoys oo ku hanti beellay dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho 21 bishii hore ee Janaayo ayaa wajahaya xaalad cunno xumo.

Qoyska Xasan Maxamuud Cali ayaa ka mid ah. Ninkan waxaa ka gubtay dukaan uu ku tolayay dharka oo maalintii uu ka heli jiray $20 oo faa’iido ah. Lacagtan ayuu ku dabbari jiray cunnada, arrad-tirka iyo waxbarashada carruurtiisa oo lix ah.

Wuxuu sheegay in uu guri joog noqday isla markaasna qoyskiisa uusan u awoodin nolol-maalmeedka. Carruurtiisa ayaa dabka loo saarayay lixdii maalin ee la soo dhaafay toddobo kiilo oo raashin oo iskugu jira bur iyo sonkor.

Cunnadan waxaa ka taageeray qoys ehello ay yihiin oo Muqdisho deeggan, hayeeshee, wuxuu ka walaacsan yahay in ay gabaabsi ka yihiin raashinka la siiyay.

“Hadda welwelka ugu wayn ee i heysta wuxuu yahay nolosha qoyska sidii aan ku maareyn lahaa. Runtii wixii aan hanti lahaa gabi ahaan waa besbeeleen. Hal wax oo ii haray maleh,” ayuu yiri Xasan.

Wuxuu sheegay in xilli habeen ah lagu war galiyay in goobo ganacsi oo meheraddiisu ay ka mid tahay ay gubanayaan. Wuxuu ka mid noqday ganacsato aysan waxba u badbaadin gaar ahaan kuwii ku ganacsanayay suuqa Dahablaha.

Xasan oo 28 jir ah waxaa ka qasaaray hanti u dhiganta $11,000. Waxay iskugu jirtay qalabka harqaanka oo toddobo xabbo ahaa iyo dhar uu soo jumlaystay oo marka uu tolo uu dib dadka uga sii iibinayay.

Muddo toddobo sano ah ayuu ku howlanaa hormarinta ganacsiga ka gubtay. Wuxuu ku billaabay harqaan uu dad ka dayman jiray si uu nolol-maalmeedka uga helo.

“Markii ugu danbeysay meel fiican buu ii marayay. Toddobo qof baa iiga shaqaynayay,”

Afar ka mid ah carruurtiisa oo dhiganaya iskuulka hoose iyo dhexe ee Cumar primary oo ku yaalla dagmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in uu u baqayo mustaqbalkooda waxbarasho.

Lacag dhan $50 oo uu ku bixin jiray waxbarashadooda bil walba ayuu tilmaamay Xasan in uusan gacan ku hayn halkii uu ka dabbari lahaa.

Gubashada qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha ma saameyn oo kaliya milkiilayaasha meheradaha gubtay, waxaa jiray konton xoogsato ah oo ku shaqo beellay dabka.

Waxaa ka mid ah Shire Kaamil Mire oo 34 jir ah, carwo dharka lagu iibinyay oo ka mid noqotay goobaha gubtay ayuu ka shaqaynayay. Wuxuu ku xisaabtami jiray maalintii $10.

Shire oo aan weli shaqo ka helin wuxuu sheegay in qoyskiisa oo afar qof ah ay ku tiirsan yihiin cunno hal waqti maalintii ay quutaan.

Kiilooyin raashin ah ayuu ka dayntaa goobo ganacsi oo xaafaddiisa ku dhow isagoo ku muddeeya marka uu shaqo helo in uu iska bixin doono.

“Markan ka tagi jiray carwada oo xaafadda aan aadi jiray ilmaha waxabaan u sii qaadi jiray. Aabbe gacan maran waa laga fiican yahay. Saameyn wayn bay igu yeelatay mid qalbiyeed ayay igu yeelatay,”

Guri saddex qol ka kooban oo qoyskiisu uu deggan yahay ayaa dadka iska leh ay ka rabaan kiradiisa oo bishii ah $80, taasi oo uu sheegay in uusan awood u lahayn bixinteeda.

Wuxuu ka mid yahay Shire xoogsato si maalinle ah u taga suuqa gubtay iyagoo rajaynaya in dib loo howl galiyo goobihii ay ka howl gali jireen, maaddama ay ku adkaatay helidda shaqo kale.

“Meel kolley la dhisi rabo oo soo laabaneysa uma muuqato. Annagana shaqo meel kuma sheegno. Maanta meel aan u shaqo tagno ma hayno,”

Guddi ay leeyihiin ganacsatada dan yarta ah ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan qaybta Dahablaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dabka baabi’iyay goobaha ganacsi uu ka dhashay koronto cillad ay ku timid.

Saalax Cabdullaahi Cali oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa xusay in dhaqaale badan ay ganacsatadu ku waayeen dabka.

“Meeshaan musiibo ayaa ka dhacday. Hanti waxaa ku burburtay lagu qiyaasay labo milyan iyo bar. Dadkii ay hantidaasi ka burburtay maanta gabi ahaantood waa shaqo la’aan. Kuwii milkiilayaasha ahaa ha noqoto kuwii shaqaalaha ahaa ha noqoto. Dhamaantood dad wax faro ku haya ma jiraan”

Wuxuu sheegay in ay wadaan dedaallo ay raashin iyo cunno kale ku siinayaan qoysaska hanti la’aantu ku dhacday.

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa sanadihii la soo dhaafay wajahay dab baabi’iyay hanti badan. Waxaa u danbeeyay kii ka kacay qaybta maacuunta 11 bishii Janaayo ee sanadkii 2019.

Dabka ku soo laalaabtay suuqa wayn ee Bakaaraha waxaa inta badan loo sababbeeyay cillad koronto oo aan wali xal loo helin.

Previous Post

Godey: Haween abaaraha ku cayroobay oo dib xoolo-dhaqashada u billaabay markii la siiyay geel iyo calafka xoolaha

Next Post

Mudug: Boqollaal qoys oo ku xoolo beellay biyo la’aan ka jirta tuulada Dajimaale

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Mudug: Boqollaal qoys oo ku xoolo beellay biyo la’aan ka jirta tuulada Dajimaale

Mudug: Boqollaal qoys oo ku xoolo beellay biyo la'aan ka jirta tuulada Dajimaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo