Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Mudug: Boqollaal qoys oo ku xoolo beellay biyo la’aan ka jirta tuulada Dajimaale

Radio Ergo by Radio Ergo
February 8, 2023
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Boqollaal qoys oo ku xoolo beellay biyo la’aan ka jirta tuulada Dajimaale

Pastoralists looks at his dead livestock/File photo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix boqol oo qoys oo ku nool tuulada Dajimaale ee gobolka Mudug ayaa wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Waxaa ka la’aday nuucyada xoolihii ay dhaqanayeen intoodii badneed, markii uu guray ceel-gacmeed deegaanka laga cabijiray abaarta darteed.

Cabdinuur Salaad Cumar oo ah xoolo-dhaqato ku nool deegaanka Dajimaale waxaa tan iyo bishii Oktoobar ka dhintay 200 neef oo ari ah. Waxaa u haray 20 neef oo aan hilib iyo iib midna lahayn.

Deegaanka oo 110 km koonfur ka xiga Gaalkacyo ayaa saddexdii xilli roobaad ee la soo dhaafey roob la’aan ahaa, taas ayaa sababtay in ceelka uu guro.

“Awal ceelku roobka ayuu ku maaxan jiray waayihii dhulku barwaaqada ahaan jiray oo ballidu ay buuxsami jirtay waa u maaxan jiray. Markii abaaruhu dhaceenna waaba gurayba,”

Waxa uu sheegay in hadda biyaha ay cabaan laga keeno degaannada Xingod, Hu’le iyo Awrlaa oo kan ugu dhaw u jiro 50km, iyadoo halkii fuusto laga siiyo $7 ilaa $8. Waxaa ku adag gadashada biyaha qaaliga ah.

Faro marnaanta dhaqaale waxay ninkan badday inuu gado saddex rati oo reerka gaadiid u ahaa si uu cunto iyo biyo ugu helo qoyskiisa oo todobo qof ah. Waxa uu sheegay in halkii ratiba uu ku iibiyay lacag u dhaxaysa $200-$300 taas oo halkii ratiba uu ku gaday halbooyad biyaheed iyo raashin qoyskiisu ay isticmaaleen.

Ninkan oo awrtiisa gaday bilihii Sabteembar iyo Oktoobar waxa ay lacag taas ka dhamaatay isaga oo aan iska gudin dayn lagu lahaa. Wuxuu hadda ku tiirsan yahay dayn uu ka soo qaato nin ay qaraabo yihiin oo deggan Gaalkacyo, waxa uu ku leeyahay $2,500.

“Lacagtii waan iska bixin waayay xoolihiina waa layga qaadan waayay oo waa iga abaaraysteen labadaas baa iskugu kay kulmay,”

Waxa uu sheegay in hadda ay hal waqti oo kali ah 24 saacba ay dabka shitaan oo habeenkii ah.

Qoyska Cabdinuur oo kaliya maahan qoysaska halista ugu jira in ay xoolo la’aan ku dhacdo.

Xasan Cilmi Gulaafe oo ah aabbaha qoys sagaal qof ah ayaa dhankiisa sheegay inay xoolo badan uga le’deen biyo la’aanta ka jirta tuulada Dajimaale. Waxa uu ku waayay 150 neef oo iskugu jiray ari, dameero iyo geelba. Waxaa u haray 50 neef oo ari ah.

Xasan ayaa sheegay in uu isku dayay in xoolihiisa uu u la hayaamo deegaanada biyaha leh si ay oonka uga badbaadaan, balse wuxuu tilmaamay in tabaryari darteed ay socod gali waayeen.

Xasan xoolaha u haray wuxuu hadda ku darsaday nin ay qaraabo yihiin oo dad ay ehelo yihiin ay bac biyo ugu shubeen. Waxaa lagu leeyahay $800 oo dayn ah. Wuxuu ku qaatay raashin iyo biyo.

“Daymahaas laygu leeyahay iyo biyo la’aantaasi aadbay culays iigu haysaa hadda,”

Qoyska Xasan hadda waxa ay hal waqti tabka saartaan raashin ay u soo dhiibeen 20 bishii hore dad qaraabo la ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kaas oo ah 26 kiilo oo iskugu jira Bur, Bariis iyo Sonkor.

Nuur Cabdi Carab oo ah gudoomiye ku xigeenka tuulada Dajimaale ayaa sheegay in dadka deggan deegaanka iyo nawaaxigeeda ay ka simanyihiin dhibaatada ka dhalatay biyo la’aanta.

Waxa uu xusay in xoolo yarida jirta ay sababi karto macluul, maadaama nolosha dadka iyo xooluhu ay isku xiran yihiin.

Intaas wuxuu ku daray in ka maamul ahaan aysan awoodin in ay dadka gargaar u fidiyaan, balse ay codsiyo u direen labadii bil ee la soo dhaaafay hay’adaha iyo maamulka Galmudug inkastoo aysan weli wax jawaab ah ka helin.

“Baahida guud ee jirta inaan gudbino oo cabashooda dirno ayaa ugu weyn waxan qabano.”

Magaalada uu guddoomiyaha ka yahay waxaa u dheer biyo yarida ka jirta in aysan lahayn xarun caafimaad oo dadka xanuunsan lagu dabiibo iyo mid waxbarasho oo caruurta ay wax ku dhigtaan.

Previous Post

Muqdisho: Cunno xumo ka dhalatay gubashada goobo ganacsi oo nolol-maalmeedka ay ka heli jireen qoysas dan yar ah

Next Post

Marka: Qoysas soo barakacay oo loo billaabay lacag loogu soo diro taleefoonnada oo nolol-maalmeedka ay ku maareeyaan

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Marka: Qoysas soo barakacay oo loo billaabay lacag loogu soo diro taleefoonnada oo nolol-maalmeedka ay ku maareeyaan

Marka: Qoysas soo barakacay oo loo billaabay lacag loogu soo diro taleefoonnada oo nolol-maalmeedka ay ku maareeyaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo