Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Boosaaso: Xarun ay gabar hirgalisay oo dhallinyaro ay ka heleen shaqo ay nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Radio Ergo by Radio Ergo
February 2, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Boosaaso: Xarun ay gabar hirgalisay oo dhallinyaro ay ka heleen shaqo ay nolosha qoysaskooda ku maareeyaan.

Aamino iyo Cabdulaahi oo isku diyaarinaya shaqo maalmeedkooda/ Maxamed Cabdullaahi Cali/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aamino Maxamed Maxamuud oo ah 30 jir waxa ay isbeddel nololeed u horseeday qoyskeeda, waalidkeed iyo siddeed dhallinyaro ah oo fursado shaqo ka helay garaash ay leedahay oo ku yaalla magaalada Boosaaso.

Waxa ay soo saartaa agabyada loo isticmaalo guryaha, gawaarida iyo xafiisyada sida albaabada, sariisaha, miisaska iyo kuraasta . Waxay si maalinle ah alaabaha ay farsamayso uga iibisaa macaamiil gaaraysa 15 ilaa 20 oo iskugu jira sharkado iyo shaqsiyaad.

“Mustaqbalka waxaan doonayaa in aan shirkadwayn ay noqdo oo ilaa iyo aan gaarsiiyo in wax dabadda ka yimaadba laga raysto ayuu mustaqbalkaygu yahay,”

Aamino oo ah hooyada saddex carruur ah galinka danbe ee maalinta ayay shaqada aaddaa halka subaxdiina ay qabsato hawlaha guriga iyo daryeelka carruurta oo kan ugu yar jiro siddeed bil.

Shaqo abuurkan ay sameystay waa midka kaliya ee ka jira Boosaaso oo gabar ay ku dhiirtay hirgalintiisa. Waxa ay dhallinyarada kula talisaa in ay samaystaan hal abuur ay leeyihiin halkii ay shaqo u raadsan lahaayeen shirkado ama xafiisyo dawladeed.

Aamino ayaa xarunta ku furtay $700 oo qoyskeedu ku taageereen iyo $2,00 oo ay bangi ka soo amaahatay, balse ay iska gudday lix bil gudahood.

Kororka dhaqaale ee xarunta waxa ay u suuragaliyay in ay qaadato shaqaale mushaari ah. Cabdulaahi Cabdi Shooble wuxuu kamid yahay dadka shaqo abuurka ka helay.

Fursadda shaqo ee uu helay ayaa qoyskiisa oo shan qof ah iyo labadiisa waalid oo wayeel ah ka caawisay inay helaan cunnada saddex waqti maalintii.

Cabdulaahi wuxuu xarunta ka qaataan $400 oo mushahar ah, maadaama uu yahay injineerka guud.

“Inta isoo gasha nolosha qoyskayga waa ku filantahay. Nin ku ladan baan hayn inta isoo gasha, waana ku faraxsanahay 100% . Nolosha bini’aadanka ayaa waxa ay tahayba hormar,”

Aamino oo ah maamulaha xarunta Gaashaan waxa ay naawilaysaa in ay badiso xarumaheeda si ay dhalinyar badan ay shaqo uga helaan wax soo saarkeeduna uu u kordho, maaaama ay ka warhayso dhibaatada ay leedaha shaqo la’aanta dalka ka jirta.

Previous Post

Muqdisho: Carruur isugu jirta agoon iyo barakac oo waxbarasho bilaash ah ku helaya xeradooda

Next Post

Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobay abaarta oo biyo yari iyo cunno xumo ku wajahaya deegaanka Ooman ee gobolka Mudug

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Somalia live news, Somali news, Mogadishu live news, Humanitarian news

Boqollaal qoys oo xoolo dhaqato ahaa oo ku cayroobay abaarta oo biyo yari iyo cunno xumo ku wajahaya deegaanka Ooman ee gobolka Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo