(ERGO) – Maxamed Sheekh Isxaaq waa maamulaha goob waxbarasho oo ay si bilaash ah wax uga bartaan boqol arday oo isugu jira agoon iyo dadka soo barakacay, kuwaasi oo ku nool kaamka Warcadooy ee deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Muqdisho. Ardaydan oo da’dooda u dhaxeyso toddobbo jir ilaa iyo 13 jir, waxaa waxbarashadan loo billaabay bishii Ogoosto ee sanadkii la soo dhaafey.
Isbuucii shan maalin oo ka mid ah ayay qaataan casharo isugu jira maadi iyo diini. Waxbarashada maadiga ayaa la baraa gelinka hore ee maalinkii, halka gelinka dambe la baro diini. Goobta ay wax ku bartaan ayaa ah barxadda kaamka Warcadooy.
Maxamed oo ah aasaasaha goobtan, ayaa sheegay in fikirkan u ku dhashay markii uu arkay in ardayda barakaca ku ah kaamka ay maalinkii guryaha iska joogaan oo aysan waxbarasho aadin.
“Carruurtan caseeye ayaan ka soo reebay, si aan wax u baro, waxaan dhib walba umaraynaa sidii aan u garab istaagi lahayn carruurtan oo ay u heli lahayeen waxbarasho anfacda mustaqbalka,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay in ardayda iyo waalidiintoodaba ay ku faraxsan yihiin waxbarashada bilaashka ah ee ay helayaan, balse goobta ay wax ku bartaan ayuu tilmamaay inaysan ahayn meel daboolan oo qorraxda ka celin karta. Maalmaha qaar ee ay qorraxda aad u kulushahay ayuu xusay in ardayda ay iska fasaxaan.
Waalidiinta ardayda ay waxbaraan oo ah dad danyar ah ayuu sheegay inaysan awoodin in carruurtooda u iibiyaan buugaagta iyo qalimaanta. Tani ayuu tilmaamay in mararka qaar ay keento in ardaygu u waayo meel u casharkii ku qorto. Waa kan Macallin Maxamed oo sharaxaya caqabaddaha ka jira goobtan waxbarasho.
“Haddii u roob mise qorrax timaado waa la fasaxaya, illeen ma haystaan hoos ay ka galaan. Annaga mar walba waan la joognaa waxaan wax barnaa inta u hoosku jiro,” ayuu yiri.
Maxamed oo ah macallin 30 sano wax soo barayay ardayda Soomaaliyeed, balse hadda howl gab noqday ayaa qudhiisa ku nool xerada Warcadooy. Wuxuu sheegay in sababta u xerada u soo degay ay tahay in carruurta dadka soo barakacay u waxbarashada ka caawiyo. Xaaskiisa iyo carruurtiisa ayuu xusay inay ku noolyihiin magaalada Muqdisho, halkasi oo u ku booqdo.
Wuxuu xusay in shan macallin oo barakaca ah oo ka baxay dugsiga sare, balse awoodi waayay dhaqaale ay ku aadaan jaamacadda, ay ka caawiyaan waxbarista carruurtan. Labo ka mid ah macallimiinta ayaa ah dumar.
Aamina Cali Cabdi waxay ka mid tahay macallimiinta goobtan wax ka dhiga. Waxay saddex sano ka hor ka baxday dugsiga sare ee SYL xaruuntiisa magaalada Muqdisho. Gabadhan ayaa sheegtay in shantii bil ee la soo dhaafey ay ardaydan si bilaash ah wax ku baraysay.
“Aniga ayaa duruuf adag wax ku soo bartay, aad baan ugu faraxsanahay inaan wax baro oo waqtigeyga aan uga fa’ideeyo ardaydan, maaddaama anaan wax kale qabanayn. Ardayda mar walba guriga ayay igu imaadaan oo aan casharada ugu celiyaa. Wehel ayay i yihiin. Aniga waxbarashadayda waan dhameyeey, hadafkaygana waa inaan helo waxbarasho jamacadeed. Balse, ma helin waxbarasho iyo shaqo midna,” ayay tiri.
Aamina iyo qoyskeeda oo ka kooban sagaal qof, waxay sanadkii 2009 ka soo barakaceen degmada Walaweyn ee gobolka Shabeelaha hoose. Colaad qabiil ayay xustay inay ka soo barakicisay deegaankooda. Qoyskeeda ayay tilmaantay inay ahayeen xoolo-dhaqato beeraleey ah.
Sacdiya Sheegoow oo ah hooyada lix carruur ah waxay ka mid tahay waalidiinta barakaca ah ee ay carruurtooda waxbarashadan bilaashka ah ka faa’ideysanaya. Saddex ka mid ah carruurteeda oo gaaray da’da waxbarashada ayay sheegtay inay goobtan waxbarasho ka heleen.
Haweeneydan oo nolosha qoyskeeda ku maareeysa lacag ay ka soo hesho shaqo nadaafad ah oo ay magaalada ka soo qabato ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in waxbarashada ay heleen ilmaheeda ay ku faraxsan tahay. Balse, waxay xustay inaysan awoodin qarashka ku baxa buugaagtooda iyo qalimaanta. Goobta ay wax ku bartaan ardayda ayay tilmaantay inay tahay meel furan oo aan gabaad lahayn, taasi oo ay sheegtay in carruurta ay dhib ku qabaan.
“Ilmaha habeenkii waxay ku imanayaan iyagoo cabaadaaya. Mid dhabark ayuu ka cabanayaa, mid indhuhu ka cabanayaa, maaddaama ay maalinkii oo dhan meel qorrax ah wax ku baranayan. Dhib weeyn ayay sheeganayaan, waxay imanayaan iyagoo baahan. Annaga hal waqti baan karsannaa raashinka. Halkaas waqti wuxuu ka baxayaa inta ay soo socdaan,” ayay tiri.
Sacdiyo oo qoyskeeda 2015-kii ka soo barakacay miyiga Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegtay in carruurteeda quraan iyo waxbarashada maadiga ah la baro. Waxay xustay inay jeclaan lahayd in carruurta loo dhiso goob qorraxda ka celin karta oo ay wax ku bartaan.
Waalidiinta la midka ah ee carruurtooda waxbarashada bilaashka ah goobtan ka helay ayay tilmaantay inay la daala dhacayaan biilka reerka. Lacagta yar ee ay shaqooyinkooda muruq-maalka ah ka soo helaan ayay xustay inaysan ka badnayn raashinka qoyskooda ee halka waqti. Waxay codsatay in lagu caawiyo carruurta dhismo qalabaysan oo ay wax ku bartaan.










