Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Doolow: Qoysas soo barakacay oo lagu wareejiyay guryo dhisan, kadibna billaabay ganacsiyo yaryar.

Radio Ergo by Radio Ergo
January 31, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Doolow: Qoysas soo barakacay oo lagu wareejiyay guryo dhisan, kadibna billaabay ganacsiyo yaryar.

Yareeyo Tukoow Xasan iyo carruurteeda oo hor fadhiya guriga loo dhisay/Maxamuud Cabdirashiid Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) –

Siddeetan qoys oo ku nool xerada Ladan ee degmada Doolow ayaa lagu wareejiyay guryo loo dhisay oo ka sameysan jiingad iyo alwaax, kuwaas oo ka caawiyay in nolol-cusub ay ka sameystaan xerada lagu barakacay.

Xaawo Mukhtaar Caabud oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegtay in markii lagu wareejiyay guri hal qol ah bishii September ay bilowday ganacsi yar oo noloshoodu hadda ay ku tiirsan tahay. Waxay xustay in hoy xumada haysay darteed ay qorsheynaysay inay ka guurto xeradan, balse go’aankaas ayay badashay markii la siiyay hanti ma guurto ah.

Xaawo ayaa nolosha reerka ka maareysa miis ay ku gaddo Khudaar iyo bagaash ay xustay in maalinkii ay ka hesho $2.5 illaa $3. Waxay furatay meheraddan bil ka hor, markii lagu wareejiyay guriga

Labo wakhti ayay xustay in hadda ay wax karsadaan, balse ka hor inta aysan billaabin howshan waxaa ku adkayd qoyskeeda hal waqti in ay dabka shitaan cunnada.

“Hadda waan dharagnay oo waxbaan dabka saarannaa. Wax gacantaada ku jiro iyo wax gacan dad ku jiro way kala yihiin. Waxaan hadda gado waxay yihiin caano booro, yaanyo shiishiid, baasto,”

Ganacsigan waxay ku billowday $250 oo ay ka heshay wiil ay dhashay oo ka shaqeeya falidda beeraha. ka hor howshan waxay qaban jirtay shaqo aan joogto aheyn oo dhar dhaqis ah, taas oo maalinka ay qabato ay ka heli jirtay ugu badnaan $2.

Xaawo oo ah hooyada 8 carruur ah ayaa tilmaantay in xeradan ay deggan tahay tan iyo bishii May ee sanadkii hore. Hadda waxay ku faraxsan tahay in ay ka baxday guri cooshad ah oo ay degganayd.

“Buushkii kuleelka iyo kortoonka iyo ciriiriga ahaa alle ayaa naga gargaaray,” ayay tiri Xaawo.

Xaawo ayaa sheegtay in dantu biday in xeradan ay soo degaan markii abaar ay ka laysay ari 142 ah bartamihii sanadkii 2022. Waxay ku dhaqaneysay miyiga degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Qoysaska la siiyay guryaha iyo agabka kale waxaa lagu xushay nuglaasho gaar ah oo ay qabeen sida uu sheegay maamulka degmada Doolow oo arintan qaabilsanaa.

Yareeyo Tukoow Xasan ayaa sheegtay in hoy xumadu ay walaac ku haysay, balse hadda ay ka baxeen markii lagu wareejiyay guri dhisan oo bad qabkiisu ka wanaagsan yahay kii ay ku nooleyd markii hore oo cooshad ahaa.

“Aniga iyo ciyaalkeyga waan isla xarooneynaa. Guriga waan qataaranaa. Amaan ayaan joognaa. Wax aan ka cabsaneeno malahan, “ayay tiri Yareeyo.”

Qoysaska xeradan ku nool ayaa inta badan noloshooda ka maareeya shaqooyin xoogsi ah oo ay qabtaan iyo ganacsiyo yaryar oo xerada ay ka dhex furteen.

Yareeyo oo ah hooyada 5 carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in nolosha qoyska iyada oo kaliya uu ku tiirsan yahay. Waxay ka maareysaa yaanyo ay ku iibiso xerada dhexdeeda, taas oo ay sheegtay in maalinkii ay ka hesho $1.5.

Ganacsigan ayay ku jirtaa tan iyo 16 bishii Noofembar ee sanadkii 2022. Waxay ku bilowday $31 oo ah dhaqaale ay ka uruur satay shaqooyin ay qaban jirtay sida dhar-dhaqis iyo cows ay iibin jirtay.

Qoyska Yareeyo ayaa ka soo barakacay bishii Maarso ee sanadki hore degmada Diinsoor ee gobolka Baay markii abaartu dhaafisay ari 27 ah oo miyiga ay ku dhaqaneysay.

Hay’adda IOM ayaa dhistay guryaha waxaana maal-galisay hay’adda qaramada midaabay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Xerada laga hirgaliyay guryaha waxaa ku nool ku dhowaad 5,000 oo qoys oo ah dad saameyn ay ku yeelatay abaarta sanadkii hore, kuwaas oo ka soo barakacay gobolada Baay, Bakool iyo Gedo.

Cabdifitaax Ismaacil oo ah madaxa arrimaha bulshada degmada Doolow ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xeradu ay leedahay biyo bilaash ah oo dadku ay cabaan iyo iskuul hoose oo lacag la’aan ah, kuwaas oo hay’ado ay ka hirgaliyeen.

Wuxuu intaas ku daray in hoy xumadu kamid ahayd caqabadaha ugu weyn ee haystay taasna laga taageeray qoysaskii ugu jilicsanaa.

Sida qorshuhu yahay sanadkan gudihiisa waxaa guryo kale loo dhisidoonaa 1,500 oo qoys oo xeradan ku nool. Hay’adaha ayaa uga golleh barnaamijkan si loo deegaameeyo dadka soo barakacay.

Previous Post

Iimay: Kumannaan qoys oo cabbaya tubbooyin guryaha loo geliyay iyo haamo loo dhigay xaafadaha

Next Post

Muqdisho: Carruur isugu jirta agoon iyo barakac oo waxbarasho bilaash ah ku helaya xeradooda

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Muqdisho: Carruur isugu jirta agoon iyo barakac oo waxbarasho bilaash ah ku helaya xeradooda

Muqdisho: Carruur isugu jirta agoon iyo barakac oo waxbarasho bilaash ah ku helaya xeradooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo