Ku dhawaad kontan kun oo qoys oo ku nool degmada Iimay bari ee gobolka Shabeelle ee dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa ka faa’iideysanaya sagaal xarun oo loogu diyaariyay biyo laga nadiifiyay bakteeriya waxyeeleysa caafimaadka dadka.
Bulshada deggan magaalada Iimay ayaa ku dhib qabay inay helaan biyo nadiif ah. Waxay cabbi jireen biyo ay adkayd inay dadku isticmaalaan halka meelaha qaarna ay adkayd in la helo ilo biyood dadka baahidooda ku filan.
Qoyska Faadumo Ibraahim oo ka kooban 11 qof wuxuu ka mid ah yahay qoysaska biyo helida la daalaadhacayay ee hadda ka cabayaha tubbooyinka guryaha loo geliyay iyo haamo biyo qabatin ah oo laga dhex sameeyay xaafadahooda oo u ibo furay nolol cusub.
“Noloshannada wax fiican ayay ka beddeleen. Biyaha horta waan ku dhownahay oo kama fogin. Hadda biyihii waxaa lanoo soo dayn salaadda subax ilaa salaadda duhur. Biyo nadiif ah waan cabnaa oo cad oo qurux badan. Ruuxa ay qasabaddu ugu jirto ma ahaa ruuxa kale meelaha laga dhaansado ayuu raqiis uga dhaansan. Intaanada badan waa nalo galiyay, biyo hadda nagu filan waan haynaa,” ayay tiri.
Haweeneydan ayaa sheegtay inay biyaha u doonan jireen Webiga Shabeelle oo u jira labo km. Biyahaas ayay xustay inay ahaayeen kuwo calow ah oo ay saacado sugi jireen si ay u kala fariistaan oo ay noqdaan wax la cabbi karo.
Biyahaas aan nadiifta aheyn waxay qoyskan u geysteen dhibaatooyin caafimaad oo saamayn ku yeeshay noloshooda. Mid ka mid ah carruurteeda ayay tilmaamtay inuu u dhul dhacay dhagax galay kellidiisa bixid.
“Wiilkay ah ayaa India la iigu soo qalay oo dhagax baan kellida kaga jira la i yiri. Waa kow iyo toban jir, waxay dhaheen xitaa dhiig kar ayaa haya. Kaadida ayaa dhibi jiray wuu cabaadi jiray oo dhiig ayuu kaashi jiray. Biyaha dhoobada ah ayaa sababay ayaa nala yiri,” ayay raacisay hadalkeeda.
Qoyskan oo danyar ah ayaa labadii sano ee tagtay la halgamay sidii ay wiilkooda ugu heli lahaayeen baxnaanno caafimaad. Hooyada reerka ayaa sheegtay inay ku bixisay daweyntiisa 700 oo kun oo ah lacag ay dadka xigtadooda u qaaraameen.
Hab-nololeedka qoyskan ayaa isbeddel wixii danbeeyay dabo yaaqadii bishii December ee sanadkii hore markaas oo ku beegsan markii biyo gelinta loo sameeyay dadweynaha degmada Iimay Bari.
Biyo xumida ka jirtay deegaanka waxay samayn hoose ku laheyd waxbarashada carruurta Faadumo. Maalmaha qaar waxay u kallihi jireen Webiga si ay qoyska u harraad tiraan balse tani waxay keeni inay xiisadaha ka dib dhacaan.
Marka laga tago caqabadda waxbarashadooda ku foorartay waxay sidoo kale baylah iyo halis ugu jireen Yaxaasyo dad qaad ah kuwaas oo naloo sheegay inay qaadeen saddex haween ah sida ay faadumo noo xaqiijisay.
“Kow waxaa isbeddelay ciyaalkii iskuulka ka habsaamayay ee biyaha aan kala miirno aan dhihi jirnay ma habsaamaan. Waxaa isbeddelay carruurta iyo haweenka Yaxaas naga guri jira kolkaan webiga biyaha u doonayo ee aan arooranno. Arigii nag, xoolihii nag hadda arina nagama qaado dadna nagama qaado. Webiga wax ugu taga ma aha tubbo ayaa ku dhex jirta tubbo muxuu ka qaadi,” ayay tiri.
Faadumo ayaa hadda ka welwel la’ biyo u helidda ubadkeeda. Waxaa u baaqday waqtigii iyada iyo carruurteeda ay gelin jireen dhaaninta biyaha iyo karkarintooda si ay uga soo saaraan biyo aan laga didin dhadhankooda iyo midabkooda.
Dhibaatada biyaha ayaa aheyd mid loo sinnaa marka laga tusaalo qaato qoysaska noo warramay. Muxidiin Cabdi Maki iyo qoyskiisa oo ka kooban 10 qof waxay goobjoog u soo ahaayeen biyo xumada deegaankan.
Ninkan ayaa sheegay inay iyagana iyo carruurtooda ay cabbi jireen biyo wasaq ah kuwaas oo u horseeday xannuunno uu ka mid yahay shuban. Qoyskiisa kama aysan fogeyn webiga balse wuxuu sheegay inay oon kaga seexan jireen.
“Adigoo biyo haysta haddana aad biyo la’aan tahay ayaa na soo martay. Webigii oo nagu dhaw biyihiisa waa carro. Carro socoda dhibaatada ay qofka caafimaadkiisa u geysanayno walaal waad garan karta,” ayuu yiri.
Ninkan ayaa sheegay inay ku hanweynaayeen in deegaankooda uu mar uun soo gaari barnaamijka biyo gelinta oo ah mashruuca deegaanadda dawlad deegaanka si siman uga socday sanadihii la soo dhaafay.
Muxidiin ayaa hadda ku faraxsan inuu qoyskiisa u helayo biyo ku filan oo nadiif ah.
“Walaacii, iyo walbahaar biyo iyo wasaqdii iyo dhoobadii dhibaatadii na haysatay aad ayay nooga dagtay. Waxaan ahay qof rajo leh oo walba walbaa filaya oo biyaha xaggiisa innaba uussan wax welwel ah ka haysan,” sidaas ayuu u sheegay Raadiyow Ergo.
Ninkan ayaa sheegay in biyihii aan nadiifta aheyd ee uu ilmaha siin jiray inuu xasuusto qaar ka mid ah mushkiladihii caafimaad ee uu ku arkay intii ay adeegsanayeen.
“Biyo dhoobo ah markay carruurtu cabto iyagoo aan la karkarin oo dhoobo ah oo madow ah ilmaha cabbaan caloosha ayaa laga wada qabanayaa. Biyaha aan webiga ka dhaansano kallooriin intaan ku darno waxaan sugi jinay dhow saacadood. Inta ay ka kala fariisanayaan looma dhawaan jirin haddii aad baahi kasta u qabto,” ayuu yiri.
Muxidiin oo dedaalkiisa isugu geyn jiray inuu carruurta biyo iyo cunno u helo hadda waxaa ka fududaaday culayskii ka haysta dhanka biyaha. Wuxuu sheegay inuu markan ka fekeriyo keliya quudintooda oo uu u kansho helay.
Mashruucan qoyskan looga caawiyay biyaha wuxuu qeyb ka yahay barnaamij biyo gelin ah oo uu gar wadeen ka yahay xafiiska biyaha ee deegaanka Soomaalida.
Cabdifataax Shariif Miyir oo ah masuulka xafiiska u qaabilsan degmadan ayaa sheegay inay biyaha ka daweeyaan noolayaasha il ma arag tada ah ee dhibaateeya bad-qabka dadka.
“Biyaha cusub iyo kuwii ay hore degmadu at u cabbi jireen aad ayay u kala duwan yihiin. Biyahan waxaan weeye biyo nadiif ah soona mara sifayntii loo baahnaa iyadoo la raaco habkii u degganaa. Waana biyo heerka labaad maraya dawadii loogu tala galay cayayaanka iyo kala shaandhaynta leh,” ayuu yihi.
Dadka magaalada ayaa halka hoosto ku shuban jiray lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 labo doollar balse hadda waxay hadda ku helaan wax ka yar saddex meel meel halka qaarkoodna ay ku cabbaan si bilaash ah.
Cabdifataax ayaa Raadiyow Ergo u faahfaahiyay qaabka biyo gelinta loo sameeyay iyo sida ay shacabka magaalada ku wada gaaraan biyaha.
“Meel biyaha laga qabto ayaa kaga sameeyay webiga kaddib waxay ku soo dhacayaan weelka iyagoo dawadii ssoo maray, kaddibna waxay soo fuulayaan hanta dheer ee degmada u qeybisa. Magaalada matoor yar ayaa lagu waraabinayay hadda waxay leedahay biyo qabatin casri oo la saaray diinimo ku xiray doon biyaha la guurguurta,” ayuu yiri.
Barnaamijka biyo gelinta oo qoysas magaalada ka caawiyay helidda biyo baahiyahooda daboola waxaaa ku baxay dhaqaale gaaraya 60 milyan oo bir oo u dhiganta 60 kun oo doollar. Qorshaha ayaa ah in la gaarsiiyo deegaanada ood-wadaagta la ah degmadan ee weli biyo helidda la halgamaya.










