Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Galmudug: kumanaan qoys oo ku oon-baxay warbiyoodyo laga hirgaliyay deegaanadooda

Radio Ergo by Radio Ergo
January 27, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Galmudug: kumanaan qoys oo ku oon-baxay warbiyoodyo laga hirgaliyay deegaanadooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sodon kun oo qoys oo u badan xoolo-dhaqato ayaa ka faa’iideysanaya kow iyo toban War-biyood oo laga hirgaliyay deegaanno oomane ahaa oo ku yaalla gobolada Mugug iyo Galgaduud. Biyaha warahan ayay dadka deegaanada iyo xoolo-dhaqatada ku cabaan lacag la’aan tan iyo billowgii Nofeembar

Deegaanadaan oo aan lahayn ceelal biyoodyo ayaa dadka iyo duunyada ku nool waxa ay biyaha ku heli jireen si adag maadaama ay ka durug sanaayeen deegaanada ceelasha leh. Jamaad Xaashi Diiriye oo ka mid ah dadka deegaanka Liibaan-Buqcad oo 22 mk dhanka galbeed kaga beegan degmada Guri-ceel ayaa tilmaantay in ay ka bexeen qoyskeeda 12 qof ah dhibaato ay ku qabeen helidda biyo ku filan,

Waxa ay hadda cabaan Balli kuyaalla deegaanka oo aan horay biyaha u hayn jirin, markii wasaaradda biyaha Galmudug oo kaashanaysa mashruuca Biyoole ee uu maalgaliyo Bangiga adduunka ay uga qoday war-biyood kaydinaysa biyaha roobka.

“War ayaa naloo qoday, haan ayaa naloo sameeyay, soolar ayaa la saaray, waastooyin ayaa naloo sameeyay. Nadaafad hadday tahay iyo hadday tahay dayactir, wartii xoolaha iyo dameeruhu gali jireen waa naloo habeeyay silig ayaa nalakugu xiray. Tubo ayaan sidii dad magaalo jooga biyaha ka cabnaa. Waagii hore rajadeenu waa xumeed oo maana is dhahayn gurigiina ayaa inta war la idiinkugu fidiyo iyo beeg ayaa tubo biyo ka cabaysaan, laakiin hadde Ilaahay waxii uu kugu irsaaqayo cidna kama soo baryaayo oo rajada Allaah lagama quusto. Waa dhacday Ilaahay ayaa noo keenay,” ayay tiri Jamaad.

Qoyska Jamaad oo horay noloshiisu ugu tiirsaneed 200 ari ah oo ay dhaqan jireen ayaa abaarihii isxigxigay ee saddexdii sano ee ugu danbaysay waxa ay ku waayeen labo boqol iyo konton ka mid ah. Arrintaas ayaa Jamaad ku riixday in ay tuulada ka furato sanadkii hore meherad cuntada bisil lagu iibiyo, taas oo ay ku furtay $230 oo ay siisay gabar ay walaalo yihiin oo deggan degmada Guri-ceel.

Waxa ay sheegtay in biyaha oo qaali ahaa oo halkii fuusto deegaanka $3 lagu keeni jiray darteed aysan ka soo gali jirin wax faa’iido ah, balse ay waxa maqaaxida laga kariyo carruurtu u cuni jireen.

“Maqaayadda aniga in aan ilmaha ka korsadaan ku tashaday caag biyo aan ku keeno ayaa maqaayadda ku shidi jiray oo ama rati lagu keeno ama baraag aan iidhawyn aan ka soo qaado, haddana tubaan isticmaalaa farxi wayn ayaa u

dhaxeeya magaalo iyo miyi ayay isku noqotay meeshu. Waxii yar ee aan ka helo in aan biyihii ku dabaro ilmahana waxa maantaas ay cunayaan aan ka helo ayaan ka shaqayn jiray, laakiin wax faa’ido ah oo aan meel ka dhigan jiray malahan”.

Koboc dhaqaale ayaa laga dareemayaa meheradda Jamaad labadi bil ee ugu danbaysay oo ay isticmaalaysay biyaha galay warta. Waxay u sababaysay labo arrin oo kala ah, lacagtii biyaha oo u baaqatay iyo dadka deegaanka u soo arooray ee wax ka gata oo batay.

Jamaad ayaa ah halka qof ee uu ku tiirsan yahay qoyska maadaama aabbaha reerka uu yahay nin waayeel ah oo aan guriga dhaafin. Haweenaydaan oo ku dadaalaysa qorshe kasta oo ay uga faa’iidaysan karto biyahan bilaashka ah ee sanadkaan galay warta ayaa samaysay beer labo higtar ah oo ay ku abuurtay dalagyo kala ah, Ganlay, Masaggo, Qare, Digir iyo Yaanyo.

Waxa ay subax kasta biyo ay caag ugu soo dhaamiso warta ku waraabisaa dalagyada waraabka u baahan. Waxa ay naawilaysaa in dhamaadka bishaan Diseenbar ay iib gayso wax-soo-saarkeedii ugu horeyay.

Inkastoo deegaanadii waraha laga qoday aysan wada haleelin roobka dayrta haddana waxaa jira kuwa si fiican u doogtay. Abshir Aadan Shire oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaanka Xingod oo degmada Hobyo dhanka waqooyi kaga beegan 102 km ayaa tilmaamay inuu dhibaato ku qabay helidda biyo ku filan.

Xoolaha uu dhaqdo oo ah saddex boqol oo ari ah iyo soddon geel ah ayuu sheegay in bil walba uu u gadi jiray booyad biyo ah oo qiimaheedu yahay $300, balse hadda ay ka bexeen markii warta deegaanka ay biyo galeen 20 bishii tobnaad.

“Biyahaas intifaac iyo nolol ayaa laga helay, haddana si fudud ayaa u helnaa oo loogu noolaaday. Waxaa weeye dhibaatadii iyo oonkii Ilaahay waa naga bixiyay, markii oon la saadiyo (la dareemo) meeshaas ayaa laga soo dhaan sadaa”, ayuu yiri Abshir.

Abshir ayaa sheegay in biyo la’aan darteed uu labo jeer ka barakacay deegaankan sanadkan iyo kii ka horreeyay. Wuxuu u guuray tuulada Ceel-lahelay oo leh ceel riig ah, kaas oo 40 km u jirta deegaanka Xingod.

Guur guuritaankaas waxaa uga baxay $2,500 oo iskugu jirta kirada gaadiid uu reerka iyo xoolaha ku rartay iyo biyo uu iibsaday. Kala bar lacagtaas ayuu sheegay in wali deyn loogu leeyahay.

Ninkan oo ah labo xaasle aabbo u ah 12 Carruur ah ayaa xusay in biyahan bilaashka ah ay fursad u siinayaan inuu iska bixiyo deynta abaartu gelisay maadaama ay u baaqaneyso lacagtii uu biyaha ku shuban jiray.

“Xoolihii abaar ayaa xaalufisay dayn ayaa la guri jiry hadda roob ayaa da’ay xoolihii markaan kahor nolol magaarin. Waxaa lala sugayaa dayntaas markii xoolahaas ay dhaq-dhaqaaqaan inta ka horaysana wax la bixiyay lama arko. Maanta waxaa weeye Ilaahay ayaan waxaan ka rajaynaynaa in ay naga fududaato oo waxa isku kaanna gaaraan.

Guddoomiye ku-xigeenka tuulada Cabaas Cali Rigle ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tan iyo markii la helay biyahan ay deegaanka yimaadeen in ka badan labo kun iyo shanboqol oo qoys oo ka soo guuray tuulooyinka iyo miyiga gobolka Mudug ah.

Waxa uu sheegay in si ay dadkas uga wada faa’iidaystaan biyaha ay u sameeyeen afar nin uu waardiye ah iyo sharuuc ay waxku maamulaan, sida u sharraxayo.

“Waxaa la sameya afar nin ayaa waardiyasa afartaas in waardiyahoodana deegaanka ayaa bixiya, hay’adna kama caawiso dawladna kama caawiso deegaanka ayaa laga aruuriyaa lacagtas, dastuurka la dhistay ayaa ah nimankaas waardiyahoda. Qofka marka galoofis ayaa a siiyaa garaafada ayuu gacanta ku qabsanayaa biyaha ayuu darsada halkaas ayuu la tagaa waa isticmaalaa, marka quays iyo in la dhex galana haba sheeginba. Faraha qofkii lagala ee lagu soo qabto $150 ayaa laga qaadaa. Waxaa loo hirgaiyay baahidii biyaha lagu soo arkay.”

Cabdalle Axmed Suleemaan agaasimaha mashruuca biyoole ee Galmudug oo warahaan dhismahooda gacanta ku hayay ayaa idaacadda Ergo u sheegay in ay ugu talo galeen in warahaan ay si toos ah u shaqeeyaan muddo shan iyo labaatan sano ah.

Waxa uu sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii dadka reer miyiha ah ee ku tiirsanaa biyaha roobka ay u kaydsan lahaayeen xiliga uu roobku da’o si ay uga faa’idaystaan marka uu baaqdo. Waxa uu sharraxayaa sida warahaan loo diyaariyay.

“Waxaa loogu talo-galay markii uu roobku yimaado in biyihii la kaydiyo si a waqtiyada roobku uusan imaan ay gu sii faa’iidaystaan sidoo waxaa loo isticmaali karaa xoolaha qaab iyadana loo isticmaali karo beeraha ayaa loo sameeyay. Waxa uu u qodan yahay 74 lagu dhuftay 74 gudaha waxa uu qodanyahay 54 m2,marka waxaa saaran mac 20 sano jogaysa oo biyaha celinaysa si aysan u bixin.”

Previous Post

Gedo: Haweenka caanaha ku iibiya suuqa Luuq oo wajahaya dhaqaale xumo markii ay ka hayaameen xoolo-dhaqato ay ku tiirsanaayeen

Next Post

Iimay: Kumannaan qoys oo cabbaya tubbooyin guryaha loo geliyay iyo haamo loo dhigay xaafadaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Iimay: Kumannaan qoys oo cabbaya tubbooyin guryaha loo geliyay iyo haamo loo dhigay xaafadaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo