(ERGO) – Dhuubo Maxamed Ibrahim oo ka mid ah soddon haween oo caanaha ku iibiya degmada Luuq ayaa sheegtay in lixdii bilood ee u dambaysay aysan waxba faa’iido ah ka helin iibinta caanaha.
Roob yarida ka jirta deegaankeeda darteed ayay xustay in qoyskii caanaha ay ka iibsan jiratay ay xoolahooda ula hayaameen si ay naq ugu helaan.
Dhuubo ayaa hadda saddexle caano uga qaadata boqol iyo labaatan kun oo shilin Soomaali ah xoolo-dhaqato aan badneen oo deegaanka ku haray, taasi oo aysan aysan faa’iido ka helin bilihii u danbeeyay.
Arrintan ayaa ku qasabtay in qoyskeeda ay ku tiirsanaadaan raashin dayn ah, Waxay sharraxaysaa isbeddelka nolosheeda ku yimid, markii ay yaraadeen caanihii ay ay iibin jirtay.
“Markii hore ayay rooneed. Markii hore raashinkana waa qabbaa. Hadda raashinka waa qaali, Meeshan maalin wax ka hel maalin wax kawaa waaye. Nolol maalmeedka waaye. Subaxdii ayay quraacdaan hadana habeenki cashada waaye. Awalki hore qadada waa la helayay, quraacda waa la heli jiray, cashadana waa la heli jiray. Barwaaqo ayaa jirtay, caanaheena ayaan iska keesaneenay,”
Dhuubo ayaa xustay in dhaqdhaqaaqa suuqa caanaha uu yaraaday, markii ay qiimaha kordhiyeen. Koobka caanaha ayay hadda ku iibisaa 22 kun oo shiling Soomaali ah, halka markii hore ay ku gadi jirtay 7 kun oo shilling Soomaali ah.
Sababta ay u kordheen qiimaha caanaha ayey ku sheegtay in xoola-dhaqatadii deegaanka ku haray ay kordhiyeen lacagta.
Dadkii iibsan jiray caanaha ariga iyo geela ayay sheegtay in ay hadda isticmaalaan caano kale, maaddama ay qaali noqdeen kuwii xoolaha.
“Dadka caano booraha ayuu is ticmaalaa. Adiga camal oo musaafur ah ayaa iska gadanayay oo caanaha markaas raqiis ayay ahaayeen. Nin kasto waa iska cabayay,”
Haweenka iibiya caanaha ayaa ku filnaan waayay maareynta nolosha iyo waxbarashada carruurtooda.
Faadumo Isaaq Ibrahim oo heysata 11 carruur ah oo afar ka mid ah uu wiilkeeda dhalay ayaa ka mid tahay ganacsatada ay arrintan saameysay.
Labo ka mid carruurteeda ayaa ka haray dugsi qur’aanka, markii ay awoodi waysay bixinta lacagta 8 bil $61.
“Ciyaal wiilkeyga dhalay ayaan korinayay iyagana dugsi lee iigu jireen hadana labadan bari baagamuundo ayay yihiin oo dugsigii waa ay ka joogaan macalinkiina kharash ayuu rabaa anigana kharash ku filan ma ahyo,”
Haweenka danyarta ah ee caanaha ku iibiyo magaalada Luuq waxaa ka mid ah 13 haween oo caanaha miyiga ka keena. U jeedka ugu weyn ee ay u doorteen shaqadaan waa in ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda.
Qaar ka mid ah haweenkaan oo caanaha ka heli jiray xoolahooda ayaa xusay in saameyn ay ku yeelatay abaartii deeganka oo ka dhammeysay xoolihii.
Xabiibo Maxamuud Madoobe oo ka mid ah haweenkan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in lagu kordhiyay qiimaha ay markii hore dadka xoola-dhaqata ah uga soo qaadan jirtay caanaha oo ay ka sii iibin jirtay dadka magaalada.
Haweeneydaan oo ku nool tuulada Taaganey oo 12 km degmada Luuq u jirta waxay labadii sano ee u dambeeyay abaarta ku waysay 40 neef oo ari ah iyo 80 lo’ ah oo ay noloshoodu ku tiirsaneed. Waxaa hadda u soo haray labo neef oo ari ah iyo hal saac oo aan irmaan ahayn.
Xoolo la’aanta waxay ka dhaxashay dhaqaale xumo, taas oo sababtay in carruurteeda oo shan ah ay u wayso raashin labo waqti ah oo ay siiso, maadama aabaha qoyska oo ah waayeel uusan shaqayn.
“Hal waqti mooye waqti labaad uma awoodi karo. Xoolo ma haysto hantina ma haysto maxaanba ka awoodaa, “ayay tiri Xabiibo.
Xabiibo oo 38 jir ah waxay caanaha lo’da iyo ariga ku wareejisaa suuqyada Luuq si haweenka ka ganacsada shaaxa iyo dadka kale ee magaalada ay uga iibsadaan. Dhaqaalaha ka soo gala ayaa ah $0.5 ilaa $1 maalintii, halka markii hore ay ku xisaabtami jirtay $3.5-$4.
Waxaa u dheer shaqadeeda oo aan joogto ahayn.
“Maalin maalin ayaan soo helaa wixii aan soo helo ayaan keensanaa magaalada marka wixii ay markaas ii gooyaan ama aan ka helo ayaan wax ugu raadsanaayay, maalinteeda kale caanaha maba helo guriga ayaan iska jooga, “ayay tiri Xabiibo.










