(ERGO) – Sahra Xasan Siciid waxay ka soo kabanaysaa saameynta abaar ay ku xoolo beeshay, markii ay ka sameysatay beer hal hiktar ah tuulada Dharjaalle ee gobolka Bari. Waxaa uga soo go’ay markii labaad dalag u badan khudaar.
Haweenaydan waxay ka mid tahay 160 qof oo ku cayroobay abaarta, kuwaas oo ka faa’iideysanaya beero hirgalintooda ay ka taageertay bishii afaraad ee sanadkii hore hay’adda Kaalo.
Dalaggii u danbeeyay waxay goostay Sahra billowgii bishii Diseembar ee sanadkii hore. Waxay ka heshay lacag dhan $900 oo faa’iido ah.
Dhaqaalahan ayaa ka caawiyay carruurteeda oo toddobo qof ah helidda cunno saddex waqti ay dabka saartaan.
Waxaa u gadmay dalag iskugu jira, qare, yaanyo, batiiq, barbarooni, basbaas,Koosto iyo Babay oo ay u suuq geysay degmooyin hoostaga gobolka Bari.
“Dalagga markii deegaanku uu ka dhargo waxaan u suuq gaynaa magaalada Boosaaso, Carmo, isku-dhuban, Timirshe iyo dhul badan baan u safar gaynaa. Hadba gaarigu meesha uu u socdo oo aan u heli karno baan u saarsannaa gaari. Sidaas baa waxaa na loogu geeyaa suuq gayn. Meelkasta oo aan adeegga u dhiibbayno haween baa nooga sii shaqeeya oo noo suuq gaynaya adeegga markastana waxaan ka helnaa faa’iido, dalaggii saddexaad ee aan beerta ka sugayno haddeer baan beeranay,” ayay tiri Sahra.
Waxay tilmaamtay in lacagta u soo xarootay kala bar ay dib ugu celisay beerta oo mar kale ay abuur galisay, halka inta u soo hartay ay ku dabbarto waxbarashada afar ka mid ah carruurteeda oo mid ay gabar tahay.
Iskuulka hoose iyo dhexe ee tuulada Dharjaalle ayay gaysay bishii 8 ee sanadkii hore, xiligaas oo dhaqaale ay ka heshay dalaggii u horreeyay ee u soo go’ay. Waxbarashada carruurta ayay ku bixisaa bil walba $20.
Ka hor tabaca beerteeda Sahra waxay qaadatay tababar muddo labo bil ah socday. Waxaa lagu baray sida beeraha loo fasho isla markaasna loo xannaaneeyo, sidoo kale waxaa la siiyay abuurka iyo dhul loo diyaariyay beerashada.
Waxay sheegtay in waxtarka beerteeda ay baddeshay nolosheeda iyo tan qoyskeeda.
“Qoyskayga beertu waxbadan ayay ka tartay. Faa’iido baan ka helnay, waxaan ka helnay horumar, waxaan ka helnay waxyaabo naga dhimanaa oo nagu hayn jiray dhib, in aan anigu barto cilmiga beerta aqoonta ay leedahay, sida dhulka aan wax ugala soo bixi karno, anfaca laga heli karo iyo sida loo ilaashada geedka oo uusan kaaga xumaan lahayn, marka geedku xanuunsan yahay iyo marka uu caafimaadka yahay hadda waan kala naqaannaa,” ayay tiri Sahra.
Waxay xustay in beerteeda ay ku waraabiso tubo ay ka soo jiidatay ceelka riigga ah ee deegaanka oo ku dhow beerteeda.
Waxaa la mid ah beeralayda kale, kuwaas oo si wada jir ah u bixiya shidaalka matoorka uu ku shaqeeyo saddexdii bilba mar.
Sahra oo 46 jir ah iyo carruurteeda oo dulsaar ku ah qoys ay ehelo yihiin waxay qorshaynaysaa in dhisato guri ay leedahay marka ay hesho awood dhaqaale oo ku filan.
Qoyska ay la deggan tahay ayay ku soo barakacday dabayaaqadii sanadkii 2019, markaas oo abaar ka jirtay miyiga Dharjaalle ay ku waysay 100 neef oo ari ah.
Beero falashada xoolo-dhaqatada hore waxay u noqtay fursad ay kaga baxaan culayskii dhaqaale xumo ee abaartu ay badday.
Cabdi Cali Cumar oo 67 jir ah wuxuu iskaga filnaaday cunnada qoyskiisa oo 12 qof ka kooban. Wuxuu ka helaa beertiisa oo hal hiktar ah, taasi oo uu ku tabcay khudaar iyo raashin ay ka mid yihiin digir iyo gallay.
Qoyskiisa ayaa beerta ka hela cunnada ay quutaan halka sidoo kale dhaqaalaha ka soo xarooda ay u isticmaalaan arad-tir iyo kirada guri ay ku deggan yihiin bishi $15.
Cabdi intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa 2022 waxay wajaheen qoyskiisu cunno xumo, maaddama ay abaartu ka dishay 60 ari ah iyo 15 geel ah oo ay ku tiirsanaayeen.
“Abaarta waxaan ku waayay hilibkii. Waxaan ku waayay caanihii. Waxaan kuwaayay xoolihii aan iibsan jiray oo cadka lahaan jiray, waxaan oggaaday beer I anfici karta markaan helo in ay nolosha wax ka mid ah tahay oo lagu noolaan karo, waxaan leenahay maanta beer cunno ku taal anfacna aan ka helno,” ayuu yiri Cabdi.
Wuxuu sheegay in ay ku dhiiri galisay beer falashada taageero uu ka helay hay’adda Kaalo oo bartay aqoonta uu wax ku beerto
Cabdi inta badan noloshiisa wuxuu ku soo qaatay miyiga, halkaas oo xoolo uu ku dhaqan jiray. Hadda se markii saddexaad wuxuu isku dayayaa in uu abuurto dalag cusub, markii uu ku guuleystay dalag u soo go’ay bartamihii bishii hore oo lagu iibinayo suuqa deegaankiisa.
“Hadda yaanyada ka soo go’da ayay magaaladu cuntaa. Dhulka yagii aan joognay baan kala soo baxnay. Muhiimad wayn bay noo leedahay. Basbaaska iyadaan kala soo baxnaa. Sidaas bay muhim noogu tahay in aan dhulka yagii wax ka cunno. Wixii adeeg ah goorta aan u baahanno oo ay inoo goyn karto ama hilib ha noqoto ama qoryo ha noqoto ama raashinka wixii ay ka goyn karto iyo wixii ay kaabi karto. Hadde waa waxtar nolol baan ka helnaa,” ayuu yiri.
Dedaallada xoolo-dhaqatadii hore ay beeraha ku sameysteen waxaa gadaal ka riixyay hay’adda Kaalo oo sheegtay in xalka ugu dhow ee cunno xumada looga bixi karo ay tahay beero tabcashada.
Muuse Axmed Muuse oo ah masuulka u qaabilsan mashruuca beero falashada qoysas abaaraha ku cayrtoobay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in doorkoodu uu ahaa diyaarinta dhulka la beertay, abaabulka iyo dhiiri galinta dad aan fahamka fiican ka haysan muhiimadda beeraha.
Wuxuu sharraxayaa ujeeddada ay ka lahaayeen in deegaanka Dharjaalle uu yeesho beero.
“Annagu dhowr angal ayaan ka eegnay mid waa in magaaladu ay hesho khudaar, maaddaama ay ka fogtahay meelaha beeralaha leh, midda kale oo aan ka fekernay waxay ahayd in dadka maaddama xoolihii ka dhamaadeen oo abaartii ay saameysay in ay helaan il-dhaqaale oo baddel u ah, angalka kaloo aan ka eegnay wuxuu ahaa nafaqada carruurta oo ahayd ahdaaftii aannu u saas-saasnay,” ayuu yiri Muuse.
Tuulada Dharjaalle oo 40 km u jirta dagmada isku-shuban ee gobolka Bari tan iyo sanadkii 2016 waxaa ku soo laalaabtay abaar galaafatay kumanyaal xoolo ah isla markaasna qoysas badan ay ku cayrtoobeen.










