(ERGO) – Sagaashan bukaan oo ka xannuunsanaya kelyaha isla markaasna ka soo jeeda qoysas danyar ah ayaa ka faa’iidaysanaya mashruuc dadka aan iska bixin karin qarashka isbitaalada looga caawinayo kelyo dhaqid iyo daawooyin lacag la’aan ah.
Waxaa ka mid ah dadkaas Ibraahim Maxamed Maxamuud oo 65 jir ah. Wuxuu muddo 15 sano la nool yahay xanuun kelyihiisa howl-gab ka dhigay.
Isbitaalka Daarulsalaam oo ay taageerto Hay’adda Hormuud Foundation ayaa u billaabay bishii Diseembar ee sanadkii hore adeegga kelyo dhaqidda oo toddobaadkii labo maalin uu ka hello.
“Sabti iyo Talaado ayaan imaadaa. Maalinkii ay noo timid Hormuud Foundation waxay naga qaaday qarashkii bixi jiray, iyadaana dabbartay haddana nabad ayaan ku joognaa. Wixii daawo ah oo naloo qoro annagaa iska doonana, laakiin wixii tasiilaad ah oo dhan iyadaa naga dabbartay,” ayuu yiri Ibraahim.
Qoyskiisa oo danyar ah ayuu sheegay in ay dayn badan u galeen si ay u badbaadiyaan noloshiisa. Rajadiisa mar walba waxay ku xirnayd inuu helo lacag $80 ah oo ka caawinaysay kelyo dhaqidda iyo hadba dawada loo qoro.
Lixdii sano ee la soo dhaafay isbitaallo ku yaalla Muqdisho ayaa ku yeeshay Ibraahim $10,000, taasi oo qoyskiisu ay awoodi waayeen in ay ka bixiyaan, hayeeshee, hadda wuxuu dareemayaa degganaansho.
“Maalinkii aan halkaan imid ayaa hurdo iigu horreysay. Dhib badan ayaan soo marnay. Qarash iyo culeys badan ayaa na saarnaa. Ilaah baa naga dejiyay muslimkaan ayaa na loo soo diray, maalinkii ma awoodin alyoomka. Anigu ma shaqeeyo. Ilmahayga mid dibad jira kuma jiro, saaxiibbul ciyaalna waan ahay,” ayuu yiri.
Qoyska Ibraahim oo sagaal qof ka kooban waxay noloshoodu ku tiirsan tahay dad ay ehello yihiin, balse ka hor xanuunka ka haleelay kilyahay wuxuu ka maareyn jiray dhaqaale uu ka heli jiray wadadida gaadiidka dad waynaha ee ka dhex shaqeeya Muqdisho.
Bukaanada nasiibka u helay kaalmadan caafimaad waxay isugu jiraan rag iyo dumar ay qoysaskoodu saboolyihiin. Waxay la noolaayeen walwal ka haystay helidda dhaqaalaha uga baxayay sifaynta kelyaha.
Axmed Cabdullaahi Cali wuxuu ka mid yahay dadka ku faraxsan in laga caawiyay lacagtii uga bixi jirtay caafimaadka aabbihiis oo muddo 4 sano ah ku jira isbitaalka Daarusalaam.
Wuxuu sheegay in guri iyo hanti kale oo ay lahaayeen ay iibiyeen si ay u badbaadiyaan nolosha aabbihiis oo si joogto ah kelyaha looga dhaqo, taasi dhaqaale xumo u horseedday qoyskiisa.
Wuxuu sheegay inuu ka nastay kurbadii iyo welwelkii ay ka heysay helidda lacagtii kelyaha loogu sifeyn jiray aabbihiis.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay sababtoo ah maba awoodin in aan isbuucii bixiyo lacag dhan $12. Intaasi kaliyaha maahane xataa haddii ay wax soo saa’idaan keen ayaa lagu leeyahay. Hadda adeegyada na loo qabto oo dhan waa beeso la’aan,” ayuu yiri.
Axmed oo ku xoogsada mooto Bajaaj wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda uu ku filnaaday nolosha qoyskiisa, maadaama laga dabbaray lacagta ku baxaysay daryeelka aabbihiis.
Hay’adda Hormuud Foundation iyo Isbitaalka Daarusalaam ayaa si wadajir ah u fulinayay Mashruucan oo loogu talo galay dadka u baahan kelyo sifeynta. Wuxuu billowday sanadkii 2017.
Madaxa xiriirka dadweynaha isbitaalka Daarusalaam Cabdiraxmaan Axmed Diiriye ayaa sheegay in u jeeddada laga leeyahay barnaamijkan uu yahay sidii loo garab qaban lahaa dadka kelyahooda ay howl-gabka noqdeen.
Cabdiraxmaan wuxuu xusay in dhibbaneyaasha lagu soo xulay in ay yihiin danyar ah aan heysan cid caawisa.
“Shaqadan lacag la’aanta ah ee aan ugu adeegno dadka masaakiinta ah ee u baahan kelyo sifeynta waxay socotaa toddobo sano oo isbitaalka uu furan yahay, waana sii socon doontaa, maalinba maalinta ka dambeysa bukaan cusub ayaa lagu soo daraa,” ayuu yiri.
Bukaannada ay caawiyaan ayaa iskugu jira 30 dumar ah iyo 60 rag, kuwaas oo da’doodu u dhaxeeyso 30 ilaa 80 sano. Dadkan badankood waxay qabaan cudurrada Sokorta iyo dhiigkarka. Dhaqaatiirtu waxay sheegeen in ay ku sababeen howl-gabka ku dhacay kelyahooda.










