(ERGO) – Mustafe Xasan Diiriye oo duleedka Hargeysa ku dhaqda labaatan neef oo geel ah, waxaa bishii u dambeysay xoolihiisa calaf u ahaa tiin, ciinka iyo garaabada jaadka oo laba xilli oo maalinkii ah magaalada u si joogto ah uga soo doono. Xoolaha oo aan haysan calaf kale ay quutaan ayuu sheegay in arrintan ay ku dhalisay. Tiinka ayuu xusay in qodxaha ka gubo, si aysan neefka dhibaato u gaarsiin.
Gaari yar oo taksi ah oo uu leeyahay ayuu ku xiray jambi sidii kareetada ah, taasi oo u ku soo qaado tiinka iyo garaabada jaadka. Roobkii deyrta oo ku yaraa gobolka Maroodi Jeex iyo jiilaalka la galay, ayuu sheegay inay dhaxalsiisay xoolihiisa in dhirtan oo aan xooluhu hore u cuni jirin ay hadda quutaan.
Ninkan ayaa tilmaamay in tiinka iyo ciinka u xoolihiisa uga soo guro dooxyada magaalada. Waa kan Mustafe oo Raadiyow Ergo uga warrmaya waxa ku qasbay inuu xoolihiisa calaf uga dhigo geedka tiinka.
“Anigu waxaan leeyahay geel. Soomaalidii hore, aabbahay iyo awoowgay, xoolo ayay lahaan jireen oo markii abaari dhacdo, hadba meeshii ay doog ka helaan ayay u guuri jireen. Hadda se, abaartii ayaa badatay oo dhulkii wuu nabaad guuray, meel doog ah ma jirto. Sidaa awgeed ayaa keentay inaan xoolaha tiinka u gubo, kaddibna siiyo si aan u badbaadiyo,” ayuu yiri.
Mustafe ayaa sheegay in bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey u ku fikiray inuu u hayaamo xeebta waqooyi ee magaalada Hargeysa. Balse, wuu iska haray markii u arkay in xoolo-dhaqatadii u hayaantay deegaanada xeebta dhaca bishii Nofeembar ee isla sanadkaa ay dib u soo laabteen, maaddaama u dhaamaday daaqii ay u naq raaceen. Xoolo-dhaqato iskaga soo guuray koonfurta Hargeysa, Gabileey iyo Saaxiil ayuu sheegay inay isugu tageen naq yar oo u soo baxiyay roobkii dayrta.
Ninkan ayaa tilmaamay inuu san awoodin inuu xoolihiisa u iibiyo calaf. Kiintaalka galleyda ayuu tilmaamay in Hargeysa lagu iibiyo $40, taasi oo uusan awoodin. Waa kan Mustafe oo mar kale ka hadlaayo nacfiga u geedahan tiinka ah ay xoolihiisa ka helayaan.
“Geedka tiinka xooluhu waa un ku dhargaa ma ahan wax caano ah laga ma helaayo. Naftiisa unbaa lagu badbaadinayaa. Geedaha kale ee Ilaahay soo saarey marka u neefka daaqaayo dee maadooyin badan ayuu ka helayaa oo wax tar u leh neefka qudhiisa. Balse, marka maalin walbo neefka tiinka la quudinayo wax sidaa oo nacfi ah kama helaayo,” ayuu yiri.
Mustafe oo ah aabbaha qoys ka kooban lix qof ayaa sheegay in tiinka ay xoolo-dhaqatada u gubaan geela keliyah oo aysan lo’da iyo ariga cunayn. Wuxuu xusay in nirgaha aan baran cunista tiinka ay siiyaan garaabada jaadka.
Biyaha uu siiyo xoolihiisa ayuu tilmaamay inuu ka iibsado booyadaha magaalada keena biyaha. Toddobaadkii ayuu sheegay inuu u shubo sodon foosto oo laga siiyo 360 kun oo shillin Somaliland ah ($42). Lacagtaas waxaa ka caawisa hooyadiis oo meherad raashinka lagu iibiyo ku leh suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa.
Mustafe wuxuu sheegay in tiinka u hadda gabaabsi ka yahay deegaankiisa, maaddaama ay xoolo-dhaqatada badankooda ay billaabeen inay soo guraan oo ay xoolohooda u gubaan.
Cabdiqaadir Xuseen Muxumed oo sidoo kale, soddon neef oo geel ah ku dhaqda duleedka magaalada ayaa sheegay in maqaayadaha Hargeysa u xoolihiisa uga guro garaabada jaadka. Wuxuu xusay in labo sacadood oo habeenkii ah ay ku qaadato inuu garaabada u uruuriyo.
Inkastoo aysan xoolihiisa quudin wanaagsan u ahayn xashiishka jaadka ee la tuuray, haddana waa baadka keliyah ee uu ku heli karo si bilaash ah, maaddaama uusan awoodin in xoolaha u iibiyo calaf.
“Roobabkii deyrta ee aanu filaynay ayaa yaraaday, dabadeedna dhulkii wuu xaab daayay [nabaad guuray]. Arrintaa ayaa nagu qasabtay inaan xoolaha garaabada jaadka iyo tiinka aan u gurno, si aan u gaarsinno xilli roobaadka,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir ayaa xusay inuu ka welwelsan yahay sida ay xaaladda noqon doonto haddii ay waayaan gu’gan, maaddaama u jiilaalka ku daba dheeraadey, sidoo kale uusan u awoodin inuu xoolihiisa calaf u iibiyo.
Wuxuu tilmaamay inuu ku fikiray inuu u hayaamo deegaannada naqa loogu sheegay balse xoolihiisa oo aad u tabar daran ayuu sheegay inuu kala baqay safarka.
Ninkan oo muddo konton sano geel soo dhaqanayay ayaa sheegay in abaarihii hore u xoolaha u iibin jiray calaf. Balse, sanadkan ayuu sheegay in jiilaalkii oo daba dheeraadey awgii ay u saamixi weyday inuu calaf u iibiyo, maaddaama ay xoolaha nacfi beeleen oo aysan beec iyo caano toona lahayn.
“Baadka u roobka soo saaro marka ay waayaan, xoolaha waa ay naafo wayaan. Waa sidii qofka bini’aadamka oo waayay raashinkii nafaqada lahayd camal un. Waad qiyaasi kartaa in qofka haddii u waaya raashinkii u cuni jiray u tabar darnaanayo, xooluhuna waa sidaa oo kale,” ayuu yiri.
Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in geeliisa u saddexdii maalinba mar u iibiyo shan fuusto oo biyo ah. Lacagta biyaha oo ah 38 kun oo shillin Soomaaliland ah ($4) ayuu sheegay inuu ka caawiyo walaalkiisa oo meherad dharka lagu iibiyo ku leh magaalada Hargeysa.
Maxamed Xasan Maxamuud oo ah dhaqtar ku taqasuusay xanaanada xoolaha ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in tiinka la siinayo xoolaha u ku keeni karo dhibaatooyin caafimaad. Neefka tiinka la siiyo ayuu sheegay in afka u ka boogowo, sidoo kale calooshana ay nabaro uga soo baxaan. Neefka sida joogtada ah loo siiyo tiinka ayuu tilmaamay inuu qaarka dambe u dhiig ka keeno, sidaa na ku dhinto.
“Caafimaad ahaan neefkii saameyn ayay ku yeelaneysaa oo qodaxdii iyo wixii u watay tiinka ee aanu hore u baran ayaa jirkii galaya. Neefka waa noole oo marka ay qodaxdii muddo, dhibaato ayay u keenaysaa. Tiinka neefka la quudinaayo iskadaa inuu nacfi ku helo ee isagii ayaaba dhibaato ku imanaysaa. Xilliga abaaraha ee aan xoolo-dhaqatado haysan dhaqaale buuran, waxay xoolohooda siinayaan wax walbo ay isleyihiin waa ay ugu badbaadi karaan,” ayuu yiri.
Abaaraha is xigxiga ee keenay in calafkii xoolaha la waayo ayuu sheegay, Dr. Maxamed, inay keentay farsamadan xoolo-dhaqatadu baad ugu raadinayaan xoolahooda. Dhibaato ka soo gaartay xoolaha qodaxda dheer ee geedka ciinka, taasi oo ay xoolo badan u leedeen ayuu xusay Dr. Maxamed inay bartay xoolo-dhaqatada in qodaxda ay ka gubaan neefka, kaddibna siiyaan.










