Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Nin qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab oo shaqo abuur u sameeya qoysaska nugul aan lahayd ilo dhaqaale

Radio Ergo by Radio Ergo
January 20, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Nin qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab oo shaqo abuur u sameeya qoysaska nugul aan lahayd ilo dhaqaale

Shaafici Maxamed Warsame oo gudanaya shaqadiisa dalab gaynta maqaayadad Midnimo oo ka caawisa inuu biil u helo qoyskiisa lix qof ah/Bashir Gahnug/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xuseen Cabdullaahi Maxamed oo qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab ee Kenya ayaa isbeddel nololeed u horseeday qoyskiisa iyo 22 qoys oo fursado shaqo abuur ka helay maqaayad uu yahay milkiile heeda oo ku taalla xerada Xagardheer.

Shaafici Maxamed Warsame wuxuu kamid yahay dadka noloshooda ka hela shaqooyinka maaalinlaha ah ee maqaayadiisa. Fursadda shaqo ee uu helay ayaa qoyskiisa oo lix qof ah ka caawisay inay helaan cunno saddexda wakhti.

Hadda Shaafici waa adeege shaqeeya 12 saac. Wuxuu maalintiisa ku qaataa geynta iyo gudbinta dalabyada macaamiisha. Waa shaqo wax badan ka beddeshay noloshiisa. Markii u horreysay waayihiisa wuxuu billaabay kayd lacageed dhigasho.

“$4 ayaan qaataa marka la fiiriyo waxbadan kama dhigmi karaan, laakiin waxaan ka dhigaa 100 Shilling ama 50 Shilling oo meel aanan ka bixin karin ayaan galiyaa, markay xaaladu adkaatana waaan kala soo baxaa, laakiin hamiga aan qabo waxaa weeyaan in aan huru socod sameeyo oo intaan 4 doollar wax ka dhigo inaan horay uga gudbo marxalada aan ku jiro aad iyo aad ayay taasi iigu weyn tahay hamigaasi,” ayuu yiri.

Isbeddelka nololeed ee qoyskan waxaa fure u ah fursadda shaqo ee uu Shaafici ka helay maqaayadda ku taalla isla xerada uu ku nool yahay. waxay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii ay soo mareen.

Qoyska ninkan oo xeryaha Dhadhaab yimid 2006 ayaa ka mid ahaa qoysas 2018 hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ka dalbaday in dib loogu celiyo deegaanadoodii ay ka yimaadeen ee Soomaaliya.

Balse sanad kadib qoyskan waxay dib ugu soo noqdeen xeryaha markii ay ku soo adkaatay noloshii magaalooyinkii ay tageen. Waxay mar kale dantu bidday nolosha qaxootinimada oo leh duruufo gaar ah.

“Markaan soo laabtay waxaan kala kulmay oo caqabad ah shaqadii horta kow waa igu adkaatay, meeshu qoxooti weeye waxaana loo joogay kaar, reer aan kaar lahayna si uu ku daganaadaa way adagtahay hadana kaarkii ayaa igu adkaaday, labadaasi mudo dhan ayay igu adkaadeen waxay igu qaadatay sanad iyo dheeraad, kabacdi waxaan raftaba shaqadiina waan helay kaarkiinawaa la furay oo waan helay,” ayuu yiri.

Si uu u maareeyo nolosha carruurtiisa wuxuu u soo qabtay shaqooyin adag kuwaas oo gaarsiiyay dhowr jeer inuu dhabarka ka dhaawacmo culeyska alaabta uu xamaali jiray darteed.

Heerka shaqo la’aanta ee ka jira xeryaha Dhadhaab oo saraysa awgeed ayaa waxaa adag in si fudud lagu helo shaqo. Xuseen Cabdullaahi wuxuu shaqo abuur u sameeyay danyar bil walba hela mushaar u dhaxeeya $100 ilaa 300 dollar

Maadama uu soo arkay dhibaatada nolosha qaxootinimo iyo shaqo la’aanta wuxuu sheegay inuu si hoose ugu danqado dadka nugul sida haweenka. Wuxuu Raadiyow Ergo u faahfaahiyay shuruudaha uu dadka kaga soocdo shaqsiyaadka uu ka shaqaaleysiinayo maqaayaddiisa.

“Waxaan ku soo xushaa dadka duruuftooda iyo dhibaatadu ka muuqata ee dhibaataysan baan shaqaaleeyaa ee gaajadu hayso. Dadka ani ila shaqeeya qaab wanaagsan ayaan ula dhaqmaa, waxaad moodaa dad meesha is kale saan ula dhaqmo iyo wanaagga aan u sameeyo, anaa soo maray qofku waxa uu soo maro isagaa wax walba ka og, xitaa waxaan uga sheekeeyaa waxaan soo maray, dhibaatooyikii iyo meesha aan ka soo billaabay, bal is dhis shaqadaana qabso ayaan dhahaa dadkaa hooseyana waan shaqaaleeyaa,” ayuu yiri.

Inkastoo xuseen yahay ninka iska leh maqaaaxida Midnimo haddana waxaa xusid mudan in meheradiisu tahay halkii uu ka soo bilaabay shaqada. Xuseen iyo qoyskiisa oo ka kooban 5 qof waxay xeryaha Dadhaab yimideen bishii 4aad 2006 iyagoo ka soo barakacay Soomaaliya.

Xilligii ay joogeen dalka hooyo waxay ahaayeen dad reer miyi ah oo ku tiirsan dheefta ay ka helaan xoolaha ay dhaqdaan hase ahaatee qulqulatooyinka joogtada ah oo ka jiray dalka ayaa kalifay inay soo galaan xeryaha qoxootiga Dadhaab.

Nolosha xeryaha ee waagaas ayaa sidan ka sii adkayd waana midda Xuseen ku hoggaamisay inuu shaqo walba ku dhiirado, wuxuu wali xasuustaa heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray.

“Waxaan ka soo billaaabay shaqooyika alaab dhaqis, alaabta ayaan dhaqi jiray, alaab dhaqistii waan ka sii gudbay waxaana noqday kan biyaha dadka ugeeya, waan ka sii gudbay waxaana noqday wate waxaana markii danbe ugudbay alxandu lilaah maamule ayaan meeshii ka noqday, kadibna meeshii ilaahay mahadii waan la wareegay oon ku npqday ninka hada mulkiyadeeda iskale,” ayuu yiri.

Wallow Xuseen yahay shakhsi ku nool xero qaxooti oo aan helin taageero dhaqaale oo dhaafsan kaalmada yar ee rashinka ah ee laga qaato xerada hadana waa mid ku qanacsan wax soo saarkiisa shaqo kana walwal la maaraynta baahiyaha aasaasiga ah ee qoyskiisa oo ka kooban 11 qof.

“Maashaa allah faa’iido ayaan ku qabaa. Haddaana faa’iido ku qabin waanba xiri lahaa. Dad waxay raadinayaan horumar baabuur iyo guryo waawayn waxaas ayay raadinayaan, anigu intaas ma raadinayo, noloshaas wanaagsan iyo ciyaalka xaalkooda ayaan raadinayaa waxaana leeyahay faa’iido fiican ayaad ku haysataa. Marka haddii ay noqoto dhinacaan iyo hay’addaha hadaan ka heli lahaa kaalmaati waxaan aaminsanahay inaan noqon lahaa qof bulshada wax wayn u qaban lahaa,” ayuu yiri.

Ninkan ayaa nolosha ka soo billaabay meel hoose ka hor inta uusan meeshan soo gaarin. Dhaqaale uu aruursanayay 15 sano ayaa u suurageliyay inuu sanadkii 2018 la wareego maqaayadda Midnimo isla markaana uu noqdo loo shaqeeye loo soo shaqo doonto.

Cadday Cali Nuur waxay ka mid ah shaqaalaha maqaayadda Midnimo. Waxay ka biishaa qoys keeda oo ka kooban 13 qof ooy tahay qofka keliya ee laga sugo inuu soo dhiciyo biilka.

Maalin walba waxay muufo dubid iyo diyaarinteeda ku bixisaa siddeed saac. Shaqadan ayaa u fududeysay inay qoyskeeda ka saarto welwelkii ka haystay in ay helaan cuno kufilan.

Hawsheeda maalinlaha ah waxaa ku xeeran caqabado waaweyn oo soo food saara inta ay shaqada ku jirto iyo inta ay u socoto balse waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay.

“Culays saa’id ah ayaa i saaran dab weeye ma awoodi karo markastana waxaad u baahan tahay wax nafaqo leh. Waxay dhib iga haysataa socodka aan habeenimo u socdo ee aan sii marayo jidka aniga oo kaligay ah, suuqu waxuu ii jiraa 1 saac inta waxaan ka baxaa kow iyo tobanka iyo badhkii, kaligay ayaa socda cidna ilama socoto waxkastana halis ayaan u ahay hanoqoto tuuga, dhurwaaga iyo jinoolka dhagaxa tuuraya oo markii aan lakulmaba aan ka sii ordaayo iyo waxyaabo badan oo markaan arko ba wadnahu i go’ayo,” ayay tiri.

Cadday Cali waxay u dhibtoonaysaa iyadoo 48 jir ah inay aayo-tiin wanaagsan u diyaariso carruurteeda oo hadda 7 ka mid ah ay u kala dhigtaan iskuul dhexe iyo dugsi sare.

Shaqadeeda muufo dubidda waxay gundhig u tahay nolosha qoyskeeda, ujeedka ay dabka ugu jirto waa in ay soo saarto ubad wax bartay oo ka nasiya shaqada iyo kallahaadda joogtada ah.

“Shaqadaa aad ujeedo dhibkaan aan u maraayo oo habeen aan u socdo ilmahaas daraadood weeye, in ay waxbartaan oon hadhaw u aayo wixii aan rabana ay ii sameeyaan oon ku nasan doono, harjad iyo beerfal ayaan usoo maray hadana iyaga ayaan u rafaadayaa kan ubadkayga ugu yar waa 7 jir inta uu waxbaranayo anna naftu igu jirto waa inay iyagu waxbartaan si aan u dheefsado,” ayay tiri.

Dadka ku nool xeryaha Dhadhaab waxay intooda badan ku tiirsan yihiin shaqooyinka muruqmaal ah oo ay ka helaan lacag aan badnayn oo ay ku kabtana raashinka deeqda ah ee laga siiyo xerada, waxaase jira dad fara kutiris ah sida Xuseen oo shaqooyin hoose ka dhigtay jaranjaro ku sintay isku filnaan dhaqaale iyo shaqo abuur uu u sameeyo qoysas danyar ah oo nolasha ku maareeya macashka yare e ay ka helaan maqaayadiisa.

Previous Post

Cadaado: Qoysas biyo bilaash ah ka helaya tubbooyin loo geliyay xeryo ay deggan yihiin oo ku yaalla duleedka magaalada

Next Post

Qoysas ku nool duuleedka Hargeysa oo tiitiin iyo jaad ku quudinaaya geela si ay uga badbaadiyaan abaarta

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Qoysas ku nool duuleedka Hargeysa oo tiitiin iyo jaad ku quudinaaya geela si ay uga badbaadiyaan abaarta

Qoysas ku nool duuleedka Hargeysa oo tiitiin iyo jaad ku quudinaaya geela si ay uga badbaadiyaan abaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo