(ERGO) – Saddex kun iyo lix boqol oo qoys oo barakac ku ah duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, oo ku dhib qabay helidda biyaha ayaa ka faa’iideysanaya tubbooyin bilaash ah oo laga hirgaliyay xeryahooda bishii Deseembar ee 2022.
Dadkan oo ka soo barakacay colaado iyo abaar oo aan awoodin in ay biyaha iibsadaan ayaa shirkadda biyo-galinta Hogol siisay biyo bilaash ah.
Faadumo Xasan Weheliye oo ah hooyo haysata siddeed Carruur ah oo agoon ah waxay ka mid tahay dadka ka baxay walwalka hubanti la’aanta biyaha ee ku nool afar xero oo ku yaalla duleedka Cadaado. Haweeneydan ayaa hadda hesha biyo ku filan baahideeda aasaasiga ah. Waxay xustay in nadaafadda qoyskeeda uu isbeddel weyn ku yimid markii ay heleen biyahan.
“Biyahaan Shirkadii nasiisay waan u mahadcelinaynaa marka koowaad aa lagu qubaystay, dharkaa lagu dhaqday, waa lagu seexda, waa lagu hoyday, waxa kaliya oo xagaas xoogaa ka dhiman markaa fiiriso alaabtii lagu shuban lahaa kaliya ayaa naga maqan laakiin wax kale kafee ayaan ka noqonay. Waa la cabay waxaa lagu karsaday masha Allaah aad ayaa barbarkaas looga nastay.”
Xerada ay ku nooshahay Faadumo iyo saddexda kale oo deris la’ah, waxaa loo sameeyay lix goob oo loogu tala-galay inay biyaha ka dhaansadaan dadka deggan. Tubbooyinka biyaha gaarsiiya waxaa laga soo xiriiriyay ceelka Hogol oo xeryaha u jira ilaa labo kiilo mitir.
Qoyska Faadumo iyo qoysaska kale mashruucan biyo siinta ah nasiibka u yeeshay waxay ku tiirsanaayeen biyo lacag ah. Helidda biyahaas waxay u galayeen safaf dhaadheer. Caagga labaatanlaha ah ayay siisan jireen labo senti oo lacagta doollarka ah. waxa ay ku soo qaadan jireen gaari ay isku aruursadaan taas oo ku filayn sida ay sharraxayso.
“Biyaha waxaa lagu qasbanaa in baabuur lagu doono, markii la keeno biyo dhikil saaran meeqo qof ayay kala gaaraan? ma kala gaaraan waxba intay gaareen ayaa loo shubayay hala doono haddana, marka dhibaatadaas ayaa lagu qabay managu filnayn dhaqaalaha aan haysannay macaa tuminka caleenta ah lama soo gadi karin markaan baabuurta ka daadanay. Maxaan yeelaa biyahii muslika kale cabaayay ayaan la cabaayay ilaa anigu jeeb wax kuma aana sidane marka saas ayay hadda noo kafeyeen.”
Faadumo iyo carruurteeda waxaa hoy u ah, guri cooshaad ka sameeysan oo ku yaalla xerada Xarardheere. Inkastoo laga daboolay baahideeda dhanka helista biyaha, haddana waxay wajahayaan hoy la’aan iyo cunna yari. Aroor kasta waxay u kabo qaadataa guryaha Cadaado, iyadoo goobeysa shaqada dhar dhaqidda oo ay ka maareyso qoyskeeda. waxay maalinkii ka heshaa ugu badnaan shan doollar. Waxay xustay inay guriga ku soo noqoto maalmaha qaar iyada oo fara-maran, taas oo u horseedda inay ku seexdaan gaajo.
Qoyskan oo shantii Sabteember soo degan xerada waxa ay ka soo barakaceen deegaanka Dabagalo ee koofurta gobolka Mudug markii uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Waxa ay ka soo dalaabeen 80 neef oo ari ah oo ay dhaqan jireen iyada oo ilmaha la soo baxsatay. Abbahii reerk oo ay ku tiirsanaayeen ayay ku waayeen qarax 7 nofeembar 2022 ay Shabaab ka gaysteen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, arrintaas oo Faadumo culayska ku sii kordhisay.
Jamaad Maxamed Cali oo ah hooyada siddeed carruur ah, wuxuu sidoo kale qoyskeedu ka mid yahay qoysaska hela biyaha bilaashka ah. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in caqabad ay ka mari jirtay helidda biyaha. Dhabarkeeda ayay ugu aroori jirtay xaafadaha magaalada oo saa’id uga durugsan xerada ay ku nooshahay, taas oo ay xustay inay ku adkayd.
“Biyaha aad iyo aad ayan ugu dhbanayn markii hore cid islaameed oo daydka xiratay ama kaam ayaan ka soo heli jirnay sidaa u gargaraacayso oo irida u taagantahay ayaa si dhib leh uga soo helaysaa ayaan ka soo qaadan jirnay awal, saddexlayaalna waan ku doona jirnay biyaha baahidooda saas ayay nagu eheed. Faa’iido badan ayaan ku qabnaa waa ku noolaanay, maka fikiraysid ma ka walwalaysid aad ayaan haruubka ugu reebnay ( aad ayaan uga baahibeelnay).”
Haweeneydan ayaa tilmaamtay in iyadoo xaamilo ah ay dhabarkeeda ugu dhaan tagi jirtay carruurteeda. Waxay aaminsan tahay inay nolosheeda iyo midda uur-jiifka khatar gelineysay. Waxay xustay in hadda ay si lacag la’aan ah u soo dhaansato 40 ilaa 50 liitar oo biyo ah maalinkii.
Biyaha ay heleen marka laga tago qoyska Jamaad ma haystaan hoy wanagsan. Waxay ka walwalsan yihiin sida uu xalkooda noqon doono, haddii ay da’aan roobab waa weyn. Culeysyada nololeed ee haysta qoyska Jamaad waxaa qeyb ahaan illowsiinaya biyaha ay heleen.
Qoyskan oo deggan xerada Maarsamagge nolol ahaan waxay ku tiirsanaayeen saddexdii bil ee la soo dhaafat kaar a siisay hay’adda Kayr kaas oo bishii ahaa $84 balse bishaan aan u soo dhacayn oo waqtigiisii dhamaaday. Waxa ay hadda wax la cunaan dadka xerada ku jira.
“Hadda meesha aan joogo oo aan wax uga hoydo halwaqti ayaa dabka laga shidaa oo habeenkii ama subaxii ah, markaan dabka shidayo markay wax iga go’aan deriska ayaan ka soo cantoobsadaa rag ha ahaadeen ama dumar ha ahaadeen, laakiin magaalo uma doonano qof bini’aadan ah oo aan koob shaah ah ka soo daynsado kala aqaan Cadaado kamkaan ayaanba kufiicanahay oo dadka qar aan ka bartay. Intaas lacgta ah o aan kuu sheegay wax aan ahayn naa soo galin nagamana bixin, adiguba waad kasaysaa siddeetan dhuxunlaga rabo wax kasta laga rabo oo dabka lagu shido.”
Qoyskan oo oo ka soo barakacay deegaanka Kamasle waxa ay ka soo carareen 60 neef oo ari ah iyo baraag ay halkaas ku lahaayeen markii deegaanka colaad haraysay. Meel kuma sheegaan maalkii ay ka soo tageen muddo saddex bil ah oo ay xerada joogaan.
Maamulaha shirkadda Hogol ee dadkan biyo-galinta u samaysay Daahir Cabdulle Xasan oo la hadday Raadirow Ergo ayaa sheegay in afar xero oo kala ah Xarardheere, Maarsamagge, Kaam bari iyo Daryeel ay siiyeen biyaha bilaash ah. Waxa uu tilmaamay in ay ku dhalatay markay arkeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka.
Waxa uu xusay in halkii bilba ay ugu talo-galeen 36,000 fuusto biyo ah taas o haddii dadka ay gadan lahaayeen aysan awoodin in ay xitaa bar iska baxshaan maadaama ay faro maran yihiin. Waxa uu sharaxayaa qorshayaasha uga deggan sii wadida biyaha.
“Wallaahi hadda qorshaha nooga deggan shirkadu iyadu waa isa tabar yartahay waxaan islahayn inta dadkaas ay caawinaad ka helayaan ama a is beddelaayaan in aan annaguna aan sii wadno. Culays saa’id ah ayaa nasaara waxaan is ahayn inta dadka iska beddelayaan ama idinka cid idin caawisa laga helaayo aad xaaladdaas sii waddaan. Waan wadaynaa ilaa dadku isku filnaadaan ilaa markii horaanba u bilaaway in aan inta u bilaawno aan ka jarnana nagama suuro-gal ahan.”
Waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan sidii ay u sii hormarin lahaayeen tubbuuyinka biyaha ay dadku ku cabaan taas oo uu sheegay in dadku ay fayl dheer u galaan oo ay kala sugtaan.










