(ERGO) – Afar boqol oo ah carruur ay nafaqo darro hayso ayaa quudin loogu sameynayaa xeryaha dadka soo barakacay ee magaalada Baydhabo. Carruurta ayaa la siiyaa raashiin bisil oo nafaqeysan, kaas oo iskugu jira boorash, bariis, qamadi iyo masago. Waxaa intaas u wehliya caano iyo buskod.
Quudintan ayaa bishii Noofember laga billaabay 50 xero oo ay ku nool yihiin ku dhowaad kun qoys. Arintan ayaa timid markii la ogaaday in boqollaal carruur ah ay la liitaan nafaqo darro, sida ay xaqiijiyeen koox caafimaad oo ka tirsan hay’adda Amuud Foundation oo ah tan quudinta sameyneysa.
Bishaaro Maxamed Nuur oo deggan xerada Kuun-fuur waxaa loo quudiyaa gabdho labo ah oo nafaqo darro ay uga dhacday, kuwaas oo da’doodu tahay saddex sano iyo hal sano iyo bar jir. Waxay sheegtay in xaaladoodu liidatay oo ay cuntada ka go’een sidoo kalana ay kari waayeen socodka iyo hadalka.
Raadiyow Ergo ayay uga warantay waxa iska badalay xaaladooda kadib quudin maalinkii labo waqti ah oo ay helayaan muddo 45 cesho ah.
“Hadda wuu is bedelay jirkooda markii hore qofkii arka waaba ka nixi jiray telefankay la ekeeyeen. Markii aan halkaan keenayay mid dhabarka ayaan ku soo qaaday midna gacmaha. Bishii koowaad ayayba ku caafimaadeen. Subixii iyo duhurkii cunto ayaa la siiyaa,“ayay tiri Bishaaro.”
Bishaaro ayaa xustay in goob xeryaha ku dhex taalla oo cuntada lagu kariyo ay maalin kasta galinka hore ka soo qaadato raashiin bisil oo carruurta loo qoondeeyay oo ah labo kiilo, kaas oo leh iidaan caano iyo saliid ah. Waxay intaas ku dartay in cuntada ay hesho ay ku filnaatay guud ahaan carruurteeda oo afar ah. Waa waxa kaliya ee qoyskeedu uu hadda ku tiirsan yahay.
Waxay tilmaantay in caawinaadan ka hor ay cunno yari wajahayeen muddo labo bilood ah oo uu maqan yahay nin keeda oo nolosha reerka ka dabari jiray shaqo beer falid ah oo marka uu qabto uu ka heli jiray $2 illaa $4.
Wixii intaas ka dambeeyay ayay sheegtay in maalinkii hal waqti ay dabka ku shidan jireen kaalmo ay weydiisato dariska oo hadba wixii ay awoodaan ku caawin jiray.
“Nolosheyda halkaan quudinta ayay ku tiirsantahay, haddaan wax Ka waayo ehelka iyo dadka ayay ku tiirsantahay. Awal dhibaato ku noolaa hal waqti ayaan wax karsan jirnay,”ayey tiri Bishaaro.”
Bishii Oktoobar ayay tilmaantay in nin keedu uu aaday deegaanka Goomir oo degmada Diinsoor hoos taga, si uu u soo tacbo beer afar hektar ah oo ay lee yihiin. Walaac ayay ka muujisay natiijada ka soo baxday tacabkaas markii lagu soo war galiyay in dalaggu uusan rajo badan laheyn, roob ku filan oo uusan helin awgeed.
“Odaygii beerta oo rajo laheyn ayuu la joogaa, hadda shaqo kale ma haayo beertaas ayuu falayaa asaana leh. masaggo iyo sisin ayaa lagu abuuray weyna ka abaarsatay sidaan maqlaayey, “ayey tiri Bishaaro.”
Qoyska Bishaaro ayaa inta aysan soo degin xeradan oo ay ku nool yihiin 11 bilood waxa ay ka soo barakaceen deegaanka Goomir kadib markii roob yaridu ay ku qasabtay inay tacban waayaan beer noloshoodu ay ku tiirsaneyd.
Qoysaska carruurtooda lagala tacaalayo nafaqo darida ayaa ah kuwo noloshoodu ay ku tiirsan tahay shaqooyin xoogsi ah oo dhaqaalaha ka soo gala uusan u goyn cunto ku filan.
Waxaa ka mid ah Muslimo Siyaad Xasan oo ah hooyada sagaal carruur ah oo agoon ah. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in nafaqo darradu ay uga dhacday wiil halsano iyo bar jira oo ugu yar carruurteeda. Toddobaad quudintu ay u socoto ayay xustay in hadda xaaladiisu ay soo kabaneyso.
“Anoo iska socda ayaa gabar igu tiri goobtaas daawo iyo cunto ayaa lagu bixinayaa ee cunuga geyso. Maalin walba meesha ayaan geeyaa, koob ayaa wax lagu siiyaa, waxna jeeg ayaa loogu shubaa, sidoo kale daawo ayaa lay siiyaa, hadda wuu soo kabanayaa,”ayey tiri Muslimo.”
Waxay sheegtay in tan iyo bishii May ay saddex jeer nafaqo darro uga dhacday wiilkan oo ay geysay isbitaalka guud ee Baydhabo.
Muslimo oo deggan xerada Gaarisa ayaa xustay in maalinkii hal waqti ay shitaan dabka. Nolosha qoyska ayay ka maareysaa shaqooyin xoogsi ah oo ay sheegtay in maalinka ay qabato ay ka hesho ugu badnaan $2.
“Aad ayaa dhibaato u qabnaa, cowska ayaa beeraha ka soo guraa, labo danbiil ayaa soo guraa 20 kun Shillin Soomaali ooh al Doollar ka yar ayaan ka helaa markaan suuqa geeyo, marmar dharka ayaan xafadaha u soo dhaqaa. Waxa I soo gala raashiin ayaan xaafadda ugu soo gadaa. Aniga ayaa hooyo iyo aabe u ah carruurta. Aabaha reerka labo sano ka hor ayuu dhintay, “ayay tiri Muslimo.”
Qoyska Muslimo ayaa ka hor inta aysan soo degin xeradan bishii Juun waxay lo’ shan ah ku dhaqanayeen degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, balse abaarta ayay sheegtay inay dhaafisay markii xooluhu ay waayeen daaq iyo biyo ku filan.
Quudinta carruurtan ayaa sii socon doonta illaa bisha Abriil ee sanadkan sida ay sheegtay hay’adda Amuud Foundation oo gacanta ku haysa, taas oo ka shaqeysa arimaha gargaarka iyo horumarinta bulshada.
Axmed Aadan Isaaq oo ah madaxa hay’adan ee magaalada Baydhabo ayaa xusay in ujeedadu ay tahay in xeryahan laga dabar jaro kiisaska nafaqo darrada.
“Carruurta bar-tilmaameedka [target] noo ah waa toddobo sano wixii ka yar, Sababta ayaa ah inay u nugul yihiin cuduradii iyo nafaqo daradii. Natiijada aan ka rabno inaan gaarno waa canug Soomaaliyeed oo korriimadiisa fiican tahay, nafaqadiisa ay fiicantahay [balanced diet] oo hadane si fiican u koray,“ayuu yiri Axmed.”
Wuxuu intaas ku daray in sababta ay ku doorteen xeryahan ay tahay in qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qoysaska ku nool ay u badan yihiin kuwo nugul oo abaar iyo colaad ku baracay lixdii bilood ee la soo dhaafay.










