(ERGO) – Qoysas iskugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley ayaa xal u la’ maareynta noloshooda markii ay ku ceyr toobeen roob xoogan oo dabeyl iyo daad watay oo 31 bishii Diseembar ka da’ay gobolka Bari.
Qoyska Ayaan Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah dadka arintan ay saameysay. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in noloshoodu ay ciriiri gashay markii maalin kaliya ay ka dhinteen ari 338 ah, kadib roob dabeyl iyo qabow watay oo ku da’ayay labo iyo toban saac oo xiriir ah.
Labo toddobaad oo marxaladaas ka dambeysay ayay xustay in noloshoodu ay ku tiir san tahay raashiin ay soo deyn satay oo ah bur, bariis iyo sonkor min 15 kiilo ah.
Walaaca ay qabto ayaa ah halka xaalkoodu ku dambeyn doono haddii uu ka dhammaado raashiinka u haray oo ay xustay in toban maalin uu sii hayn karo.
“Nolosha reerka xoolahaas unbuu ku noolaa. Ilmaha xataa daasad caana ah qof awood leh oo u gadi karaa ma jiro. Way iska ooyayaan kuwo yaryar oo caano xoolaha looga lisi jiray, hadda Ilmaha iska oynaya caano la siiyo looma hayo. Reerku shalay wuu ladnaa maantana waxba ma haysto, “ayay tiri Ayaan.”
Ayaan oo ah hooyada toddobo carruur ah ayaa tilmaantay in hadda hal waqti ay wax karsadaan, balse markii hore ay helayeen cunto ku filan oo saddexda xilli ah.
Waxay xustay in aysan la heyn keyd lacageed oo ay ku soo kabtaan. Xaaladan oo aysan maaro u hayn ayay sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay oo qoys koodu uu la kulmo.
“Hanti meel inoo taalo iyo wax meel ii yaalo ma jiraan. Reerkaan waa reer hadey magaalo aadi lahaayeen aan hoy ku laheyn. Shillin aan wax ku gadano anagu ma haysano. Dadka alla ayaa abuuray wixii Ilaahay siiyana ama cid ha uga soo qaado ama meel kala haka siiyee anigu rabbi baan ku xiray oo ku reebay, “ayay tiri Ayaan.”
Qoyska ayaan oo deggan miyiga degmada Xaabo waxa kaliya ee uu ku tiirsanaa ayaa ah xoolaha oo ay sheegtay inay uga hareen 10 ari ah oo socodka gabay, waxyeelo roobku u geystay awgeed.
Waxay sheegtay in maalinka roobku helay oo aheyd 31 Diseembar ay qorsheynayeen in suuqa ay geeyaan saddex neef si ay ugu soo badashaan raashiin iyo iidaan lagu cuno. Ayaan ayaa sharaxeysa sida xooluhu ay uga la’deen.
“Riyaha waxaa la damcay in god la geeyo (Buur dugsi leh) markii la ka xeeyay oo in xoogaa ah u jirto meeshii buu roobku qabsaday. Roobku wuxuu ahaa roob aan kala go’ayn oo dabeyl iyo qabow wata. Dabeyshii iyo qabowgii ayaa xoolihii laayay. Dadkii ayaaba sigtay oo macnaha naftooda loo baqay, “ayay tiri Ayaan.”
Wax yeelada roobku kuma koobna xoolo dhaqatada ee sidoo kale waxay taabatay beeraleyda gobolka. Maxamed Saciid Maxamuud ayaa ka mid ah beeraley uu daad ka burburiyay dalagyo u beernaa.
Wuxuu sheegay inaysan waxba uga badbaadin beer labo hektar ah, taas oo aheyd isha kaliya ee dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirnaa. Raadiyow Ergo ayuu uga waramay sida arintan ay u saameyneyso noloshooda.
“Dhaqaale ma jiro oo beertii way iska burburay oo waxba kama hayo. Qoyskayga saamayn wayn ayay ku yeelanaysaa arintaasi oo walaac ayaa na soo wajahay. Waa iska garaneysaa nin aafo ku dhacday, waa leyska noo laa nayaa si kasta wax ha u jiraane, “ayuu yiri Maxamed.”
Waxa uu sheegay in reerka oo deggan degmada Xaabo ay hadda haystaan raashiin ay bil sii isticmaali karaan, balse haddii uu dhammaado ayuu xusay in dantu ku qasbeyso in masuuliyadda reerka uu la kaa shado qaraabadiisa madaama uusan hayn dhaqaale uu ku maareeyo nolosha qoyska.
Daad ka soo rogmaday tog u dhawaa beertiisa ayuu tilmaamay inuu ka baabi’iyay dalagyo u badnaa qudaar uu beertay bishii Oktoober, kuwaas oo kala ahaa yaanyo, basal, qare, batiiq, basbaas, barbarooni, masago iyo galey. Wuxuu filayay inay u soo go’aan dhammaadka bisha labaad ee sanadkan.
Maxamed oo ah aabaha sagaal carruur ah ayaanu weydiinay haddii uu jiro qorshe uu dib ugu tacbayo beertiisa, si dhibaatada gaartay uu uga soo kabto.
“Adeer dhaqaale uma haysano. Deyn in la raadiyo maahee aniga dhaqaale meel ii oolaa ma jirin oo qoyska ayaan ku biilayay wixii isoo gala,“ayuu sheegay Maxamed.”
Beertan oo tacbashadeeda uu billaabay sanadkii hore ayuu tilmaamay inuu ku maal galiyay lacag shan kun oo Doollar ah.
Lacagtaas ayaa aheyd mid uu ka keyd saday shaqo kalluumeysi ah oo uu qaban jiray, taas oo uu sheegay inuu iska daayay horraanta sanadkii 2022, kadib dhibaato uu sheegay inuu kala kulmay maraakiib jiriif ah oo ka burburiyay agabkii kalluumeysiga.
Maamulka ayaa qiimeyn uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wax yeelada roobka ay ku dhammaadeen xoolo ka badan kun neef oo ari iyo geel ah, sidoo kale wuxuu sheegay in beero 31 ah uu daadku qaaday dhammaan dalagii ku beernaa.
Muuse Salax Guuleed oo ah guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in qoysaska qasaarahan uu gaaray ay ku nool yihiin degmooyinka Baargaal, Bareedo, Caluula iyo deegaano hoos taga. Waxa uu xusay in maamulku uusan hayn gargaar u diyaarsanaa oo dadka uu wax ku taro, balse ay imika dadaalkeeda wadaan.
Waloow uu roobku ahaa mid qasaare geystay, hadane wuxuu ku soo beegmay xilli loo baahnaa oo deegaanadan ay ka jirtay abaar yareysay daaqii iyo biyihii. Biyo ayaa buuxiyay barkadaha iyo balliyada, taas oo xilliga jiilaalka ah ay dadku ka faa’ideysanayaan










