(Ergo) – Boqol iyo labaatan qoys oo si qasab ah looga barakiciyay xero ku taalla xaafadda Bangala ee degmada Dayniile ayaa wajahaya xaalad nolol xumo, biyo yari iyo hoy la’aan.
Saciido Maxamed Cali iyo labadeeda gabdhood oo kala jira labo sano iyo saddex bilood waxay ka mid ah yihiin dadka guryahoodii laga ban bixiyay ee dibad yaalka ah.
Qoyskan waxay hadda joogaan meel bannaan ah oo ku taalla xaafadda Weedow ee deegaanka Garasbaaley. Ma haystaan wax dugaal ah oo ka celiya dhaxanta iyo cadceedda.
Waxay xustay in xaalad nolol xumo oo aad u adag ay wajahayaan iyada iyo carruurteeda oo la qabsan la’ isbeddelka ku yimid noloshooda.
“Hadda ilmaha wax aan guri ugu kireeyo ma haayo, mana awoodno in aan kiro baxsano. Awal meeshaasi ayaan iska deganeyn aabbaha reerka waa cuuryaan. Aniga xoog maalato u ahaa oo u xoogsan jiray ilmaheyga. Hadda wax aan faro ku heyno ma leh,” ayay tiri.
Saciido waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in aysan fileyn in la barakicin doono, maadaama lagula heshiiyay markii hore shan sano in ay deganaan doonaan balse looga baxay heshiiskii.
Haweeneydan ayaa sheegtay in xerada la soo saaray ee Dugaal oo ay deganeyd saddex sano ay ku lahayd guri qol oo jiinkad ah. Waxay ku dhisatay caawinaad ay ka heshay ganacsato iyo lacag ay ka aruurisay dhar dhaqida.
Saciido waa qofka keliya ee qoyska u ah hoggaanka. Waxay noloshada ubadkeeda ka soo saartaa shaqada dhar dhaqida. Waxay ka heshaa 100 kun oo Shilling Soomaali ah.
Ka hor inta aan la soo barakicinin waxaa u sahlaneyd inay u xoogsi tagto xaafadaha degmooyinka Howlwadaag, Hodan, iyo Yaaqshid.
Hadda goobta ay u soo barakacday kama helayso gawaarida daweynaha. Waxay sheegay inay ku dhawaad hal saac ay u lugayso xaafaddaha ay ka shaqeyso.
Qoyska Saciido iyo qoysaska kale ee la barakiciyay waxay ku sugnaayeen nolol deggan balse rarida ayaa ku noqotay kadis iyo qaadan-waa.
“Ciidan ayaa na soo weeraray. Waxaa nala dhahay dadkaan dhulkooda uga kaca, iyagaa iska leh. Waan ka soo kacnay. Guryo ayaa noo dhisnaa waxaan ku dhisanay lacag aan soo aruursanay,” ayay sheegtay.
Waxay sheegtay in aysan jirin wax warqad ah ama wargalin ah oo loo sameeyay. Shantii December 2022 ayay xustay inay ku waabariisteen barakicin aan damqasho laheyn.
Qoyska Saciido 2019 ayay ka soo barakaceen gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka Jowhar markii dukaan ay ku heysteen oo lagu iibin jiray alaabaha maacuunta ay ku waayeen fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.
Barakicinta ayaa qoysaskan ku qasabtay in sanadkii ay degaan in ka badan 10 xero . waxaa hadda dadka la barakiciyay ka mid ah kuwo horay looga soo raray xeryo ay deganaayeen.
Maryan Abuukar Nuur oo ah hooyada afar carruur ah, waxay tilmaamtay in iyadda iyo carruurteeda oo agoon ah ay naxdin iyo welwel ku abuuray barakicinta loo gaystay.
Waxay xustay in xeradii ay ka soo barakaceen ay ku haysteen tubbo biyo ah oo ay usoo galiyeen dad samo-falayaal ah, sidoo kale waxay ku lahaayeen guri.
Haweeneydan ayaa nolol maalmeedka qoyskeedaa ku maareysa shaqo xamaali ah. Suuqa Bakaaro qeybta ku khudaarta ayay dambiil la dhex wareegtaa iyadoo goobaysa cid ay adeeg u qaaddo.
Sababta ugu weyn ee looga barakiciyay xerada ayay ku sheegtay in deegaanka guryo badan laga dhisay, islamarkaana uu kordhay qiimaha boosaska dhulka ku noolaayeen.
Qoyskan ayaa markii Saddexaad ee laga barakiciyo xeryo ku yaalla degmada Dayniile muddo lix sano ah.
“Koo waxaan soo deganaa saddex bilood, koo waxaan soo degannaa afar bilood, koo todobo berri midka ugu dheer ee soo deganaa Sarkuuska ayuu ahaa hal sano, gudoomiyaha ayaad u tageysaa ka dibna wuxuu kuu raadinaya goof aad degto markii lasoo helana kasii guura ayaa nala leeyahay, haddii goofka kugu dhagan labo villo laga soo dhiso dadka hunguri ayaa galiya dhulka way gadanayaan waana ku barakicinayaan,” ayay tiri.
Xeryaha ay degtay midda ugu waqtiga dheerayd waxay deganeyd 12 bilood, halkaas oo ugu dambeyntii laga barakiciyay bishii April ee 2022. Kadib waxay u wareegtay xerada Dugaal oo isla sanadkaas bishii December la saaray.
Haweenka aysan ragga la socon ee hoy la’aanta ah ee bannaan joogga ah waxay la nool yihiin cabsi joogto ah, maadaama ay deggeen dhul furan.
Farxiyo Nuunow oo ah hooyada lix carruur ah oo saddex ka mid ah ay yihiin gabdho ayaa sheegtay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay ay soo wajahday cabsi ay ka qabto in dhibaato ay la kulmaan gabadhaheeda oo midda ugu weyn ay jirto 14 sano.
Waxay xustay in xerada ay soo degtay aysan laheyn meel madaxa la galin karo. Farxiyo iyo qoyskeeda ayaa ku tiirsan labo ka mid ah wiilasheeda oo ku shaqeeya baalashnimo.
“Bannaanka ayaan iska fadhinaa maalinkii sidii dad uu baabuur daadiyay. Halkan bannaanka ah ayaan dabka iskaga shidannaa, ilmihii dadkii waa weynaa dhammaan darbiyada ayaa la jiif jiifaa cid war iska haysa lama arko,” ayay tiri.
Sanadkii 2019 ayay ka soo barakacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose markii uu saameeyay dagaal u dhaxeeyay dablay degaanka ah. Mi ka mid ah dhinacyadii ku kor diriray ayaa dab qabadsiiyay goob ganacsi oo ay ku iibin jirtay khudaarta ay nolosha qoyska ka soo saari jirtay.
Cabdiraxmaan Aways Cabdi oo ah horjoogaha xerada Wardheere ee dadkan ay kor degeen ayaa sheegay in xerada ay soo gaareen 120 qoys, islamarkaana ay siiyeen dhul bannaan. Wuxuu intaas raaciyay in saacad walba laga sii barakicin karo maadaama aysan ku degayn wax heshiis.
Waxaa uu sheegay in dadka ood-wadaagta ah ay u qeylo dhaamiyeen si loo caawiyo inta ay kala qabsanayaan xerada ayna helayaan waxyaabo ay ku dhistaan baco ama buulal ay ka galaan dhaxanta.
“Weli way la qabsan la’ yihiin dadkaan, sababtoo ah meeshii hore dad badan ayay ka barteen ganacsiga suuqa ayay u aadi jireen,meeshaan dhibaato aad u badan ayay ku wajahayaan dadkaan, aniga haddii aan nahay horjoogayaashii waxaa aan awoodnaaa waa in aan bixino dhul waana siinay,waxa ay noo sheegeen in jiinkaddihii laga soo burburiyay oo ay kasoo carareen,” ayuu yiri.
Cabdiraxmaan ayaa sheegtay in marka hore qoysaska barakaca ah loo sheego inay dhulka sanado daganaanayaan balse aysan dhaboobin sababo la xiriira dano gaar ah. Qoysaskan dhawaan la soo barakiciyay ayuu sheegay inay hal hal jirikaan oo biyo ah oo ay ka helaan deriska ay wadaagaan, halka dabkooda 24-kii saacba ay hal mar shitaan.










